Dahabshiil
Golis

Cabashooyin Ka Soo Baxaya Barakacayaasha Ku Dhaqan Magaalada Garowe.

Horseed Media
News Desk

barakacyaalWaxaa cabasho xoogan ka soo yaraysaa dadka barakacaysha ah ee ku dhaqan galbeedka Magaalada Garowe gaar ahaan xerada qaxootiga ee Kaam shabele, oo ah xera ay deganyihiin dad barakacayaal ah oo ka soo qaxay Goballada kofureed ee dalka Soomaaliya.

Barakacayashan ayaa ah kuwa aan haysan wax daryeel ah, hasa ahaatee waxaa jira Ururo NGO-yo ah oo mararka qaar gargaar la gaaro dadkaa, iyadoo gargaarkaasna uusan ahayen mid dabooli kara baahidooda.

Jeelle Maxamed Xaashi waa Gudoomiyaha Kaam Shabelle, waxa uu cabasho xoogan ka muujiyay kooxo uu tilmaamay in uusan garanayn waxa ay yihiin, balse sheegtay in gargaar u wadaan dadkaan barkacayaasha ah, waxuuna arintaa ku tilmaamay mid aan loo soo qaadin wadadi saxda aheed sida uu hadlka u dhigay .

Gudoomiyahaan waxa uu sheegay in aan wax wada tashi ah lala samayn sababtana uusan garnayn madaama aan ahay buu yiri Gudoomiyihii kaamka, waxuuna intaa ku daray in dhowr jeer gargaar la soo gaarsiiyay la tashi lagala samayay balse uu tan garnayanin.

Jeelle, ayaa ka hor yimid Su’aal ahayd malaga yabaa in Masuuliyiintiina dadka sheeganaya ay dhacdo wax isdabamarin ay sameyen taana ay arintaan ka dhalatay oo taa keentay in la idin gacan dhaafo?.

“maya taa ma jirto waxaan diyaar u nahay in baaritaan nugula sameeyo”. sidaa waxaa yiri Gudoomiyaha kaam shabelle” oo u waramayay Warbaahinta Horseed media oo xariir uu la soo sameeyay, waxeyna amurtaan imaanaysaa xili maalintii shalay gaar gaar la gaarsiiyay qaar ka tirsan xerooyinkaa.

Barakacayshan, ayaa ah kuwa ku nool gurya laga sameeyay baco iyo baakado kuwaa oo aan awood u lahayn in ay ka hortagaan qabowga dhedada iyo kulaylka qoraxda, mana jirto cid iska xil saartay in wax u qabato marka laga soo tago balan qaadyo aan waxba ka hirgalin.

Ma ahan markii ugu horaysay ee cabasho ka soo baxdo dadkaan barkacayaasha ah ee ka cabanaya xaaladaha haysta waxaana dadkaan intooda badan yihiin kuwa ka yimid Gobalalda kala duwan ee Soomaaliya iyo dalka Itoobiya.

Horseed Media

Comments are closed.