Horseed Media
News Desk
Wararka naga soo gaaraya Degmada Baraawe ee Gobolka shabeellada Hoose oo ka mid ah meelaha ay gacanta ku hayaan xoogaga mucaaradka ee ka horjeeda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ayaa sheegaya in maanta lagu arkay diyaarado dul marayay hawada sare ee Magaaladaasi, kuwaas oo aan la garaneynin u jeedkooda.
“Waxan aragnay in ka badan 2 diyaaradood oo aan ku qiyaasnay in ay ahaayeen kuwa qumaatiga u Haada amase u duula waxay ahayd xiligii Barqanimadii maanta, joog hoose ayay mararka qaar ku duulayeen, waxana badnaa soo noq noqoshadooda”. sidaas waxa Horseedmedia u sheegay Maxamuud Carab Kaarshe oo ka mid ah dadka deegaanka
Lama oga Dalka laga leeyahay diyaaradahan, balse waxa la aamisanyahay suurtagalnimada in ay ka soo dul kaceen Maraakiibta dagaalka ee shisheeye ee ku sugan meelo ka mid ah Badweynta Hindiya
Qaar ka mid ah dadka Degmada Baraawe, ayaa lagu waramayaa in ay ka argagaxeen guuxa diyaaradahan dagaalka ee maanta lagu dul arkey Degmada Baraawe ee gobolka shabeellada Hoose.
Goojoogayaal ku sugan Gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gobolka shabeellada Hoose halkaasoo ay guud ahaan gacanta ku hayaan xoogaga Mucaaradka gaar ahaan Kooxda Shabaabil Mujaahidin, ayaa ku waramaya in maalmihii la soo dhaafay ay arkayeen diyaarado dagaal oo nucaani ah oo dul heehaabaya deegaano ka tirsan Goboladaasi.
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!