Dahabshiil
Golis

Qaylodhaan Abaar iyo Biyo La’aan ah oo Ka soo Baxdey Maaamulka Qardho

C/rashid Maxamed Dahir
H:Media ,Qardho

qardhoMaamulka Degmadda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ayaa qaylo dhaan ka soo saaray abaarta iyo biyo la’aanta ka jirta qaybo ka mida gobolka Karkaar shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen G/Degmada Qardho Cismaan Buux cali iyo G/shirkadda Biyaha ee HODMAN Cabdi Siciid Cismaan ka dib kormeer ay kaga soo laabteen socdaal ay ku soo mareen Ceel biyoodada Magaaladda Qardho.

Ugu horayntii Duqa Degmadda Qardho Cismaan buux cali ayaa ka waramay abaarta iyo biyo la’aantani ka jirta Gobolka Karkaar Qaylo dhaanta ay ka saarayaan wuxuuna yiri  “..Runtii way jiraan xaalado aad u adag oo dhinaca biyaha iyo abaarta labadaba ah sida la socotaan xiligii roobka Gu’ga di’i jiray lama helin sanadka baraagahana biyo ma gelin abaartu markay daba dheeratay waxay keentay in ceelashi laftigoodi guraan oo biyo yareeyaan hadda waxa weeye sidaad ku soo aragteen ceelasha dhib wayn ayaa ka jira oo dhinaca Biyaha ah xooluhu ma soo gaari karaan ceelasha Boyadaha biyaha qaada 24 saac hal lawr oo biyo ah ayay helaan mana kafayn karo runtii Dhibaato aad u wayn ayaa jirta oo xaga biyaha ah celashi shaqayn jiray way shaqeeyan laakiin iyagaba dawray oo guray qalabka saarana qalab tayo leh maaha oo duugoobay weeye awoodna aan u lahayn inuu biyo fiican soo saaro dad badan baana bulshadi noqotay Magaaladda Qardho iyo Gobolkani wuxuu ku tiirsanyahay xoolaha maadama ay luntay dhinici soo saarka hilibka iyo caanaha ayaa naaqusay miyigina xaaluf buu noqday cudurona waa jiraan Dawlada waxaa lagu eedeeyaa in hay’ado ay biyo dhaamiyaan waa Musuqmaasuq waa wax si qarsoodi ah loo qabto maamulka iyo dawladda dhexe iyo Hay’adaha waa inay xog helaan baaq baanu soo saarayna arrin culus baa jirta xaga biyaha waxaan qaylo dhaan u diraynaa hay’adaha gargaarka iyo Xukumadda in wax lala soo gaaro dadka dhibaataysan”.

Maareeyaha shirkadda biyaha ee HODMAN Eng.Cabdi Siciid Cismaan ayaa ka waramaya doorkoda kaga aadan haqabtirka biyo ku filan bulshadda reer Qardhood “..Haddi aan ka warbixiyo xaalada biyaha ee Magaaladda Qardho waxaa ku yaala saddex ceel oo hadda shaqaynaya kuwaasi oo markii hore soo saari jiray 60M3 maalintii hadana waxay marayaan inay maalintii soo saaraan 40M3 taas waxa kaliftay abaaraha Puntland ka jira inay biyihii hoos u dhacaan waxaa loo baahanyahay meesha hadda 40 M3 ka marayso inay 120 M3 soo saaran ayaa la rabay baahida biyaha weeye dhibaha jira waxaa kow ka ah sida magaaladda Qardho waxay ku taal bartamaha Puntland soonahana waa dhulka cawska leh la isuguna yimaado culayska jira waxa uu yahay badashada Bulshada Goboladda Puntland baahidi marka la isbarbardhigo isuma qalmayso qalabka waxaan rabnaa inana hadda ka shaqaysino oo si habsami ah hawshena u wadno…”.

Isku soo wadda duubo Gobolka Karkaar waxaa ka da’ay roobkii gu’ga balse waxa uu noqday mid aan dadka ku filnaan iyadoo xoogagi cawska ahaa ee ka baxay Gobolka Karkaar  ay isugu soo guureen reer guuraa abaartii hore naafeysay.

Horseed Media

Comments are closed.