Farxiyo Maxamed Qayre
Horseed Media
Muqdisho.
hal askari, ayaa ku geeriyooday 4 kalena dhaawacyo, ayaa ka soo gaaray kadib markii xalay Qarax loo adeegsaday Miinooyinka Meelaha fog laga hago lagu weeraray Ciidamo ka tirsan dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo ku sugnaa inta u dhaxeysa Xaafada Dabakaayo Madow iyo Saldhiga Degmada Dharkeenley ee Magaalada Muqdisho..
Weerarkan oo dhacay xalay fiidkii hore, ayaa waxa qaar ka mid ah dadka Degmada Dharkeenlay ay sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa Qaraxan lagu weeraray Ciidamada ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Guddoomiyeha degmada dharkeenley Macalin C/lle Cali Hilowle , ayaa sheegay in qaraxaasi uu sababey dhimashada hal askari oo ka mid ah Ciidanka degmada iyo dhaawaca 4 kale wuxuuna ku eedeeyay weerarkan in ay ka dambeeyeen kooxo oo ku tilmaamay nabad diid.
Ciidamada Dowladda ee la wareeray ayaa, kadib rasaas furay inkastoo aan la sheegin cid waxyeelo ka soo gaartay rasaastaasi, waxana saaka degan xaalada goobtii falkaani ka dhacay ee degmada dharkeenley.
Magaalada Muqdisho oo ay dadaalo culus ku dhexmarayaan Ciidamada dowladda iyo kooxaha mucaaradka, ayaa dadka ku nool waxay wehel u noqdeen dhibaato joogta ah oo ka soo gaadha dagaalada dhinacyada hubeysan ku dhexmaraya caasimada.
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily emailupdates, right now!