Dahabshiil
Golis

Raysalwasaarihii Hore ee Dawladda Israel oo Maxkamad La Horkeenayo

Horseed Media
News Desk

Ehud Olmert Raysalwasaarihii hore ee dawladda Israel ayaa lagu soo oogey musuq maasuq iyo helida lacago sharci daro ah.

Xafiiska xeer ilaaliyaasha dalka Israel ayaa sheegay in maxkamad la horkeenayo Ehud Olmert kadib markii la ogaadey in uu lacag laaluush ah ka qaatey shirkad laga lee yahay dalka Maraykanka isla markaasna uu ka beensheegay kharashaadka ku baxay safarkoodi.

Musuq maasuqa lagu soo oogey Ehud Olmert ayaa ka soo bilaamanaya markii uu ahaa duqa Magaalada la haysto ee Qudus, iyo mudadii uu ahaa wasiirka.

Denbiyada looga shakiyey Ehud Olmert ayaa ku kalifay in sanadkan bilowgiisi uu ku dhawaaqo in uu ka degaayo xilka Raysalwasaaraha iyo kan xisbiga Kadima uu ka hayo, waxaana uu hadda khatar ugu jiraa in xabsi lagu xukumo.

Ehud Olmert ayaa lagu xasuustaa dagaalkii xooganaa ee ku qaadey dalka Lubnaan bartamihii sanadkii 2006, dagaalkaas oo dawladda Israel ay ku bur burisey dhamaan kaabayaashii dhaqaalaha ee Lubnaan isla markaasna lagu laayey kumaankun qof.

One Response to “Raysalwasaarihii Hore ee Dawladda Israel oo Maxkamad La Horkeenayo”

  1. C/naasir says:

    Anigu waxan u arka in gaaladi ilaahay isku dirayo