Dahabshiil
Golis

Shirkii Midowga Afrika oo ka furmay Tripoli

 Horseed Media
Tripoli, Libya

Maanta oo Isniin ah ayuu Magaalada Tripoli ee Caasimada Wadanka Libya ka furmay shir weyne ay kasoo qeyb galeen hogaamiyeyaasha Wadamada ku bahoobay Ururka Midowga Afrika.
 
Shirkaas oo ay ka soo qayb geleen Madaxweynaayasha Dalalka Qaarada Afrika oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika ayaa diirada lagu saaray xasradaha ka taagan qaar ka mid ah Wadamada Qaarada Afrika oo ay ku jiraan Wadamada ku yaala geeska Afrika ee Suudaan iyo Soomaaliya.
 
qadaafiShirkaas ayaa waxaa shir gudoominaya Madaxweynaha Wadanka lagu qabanaayo Shirka ee Libya ahna Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika ee iminka ee Koorneel Mucamar Al-Qadaafi.
 
Waxaana Shirkaas inta uu socdo looga hadli doonaa arimo ay ku jiraan Xaaladihi ugu dambeeyey ee Wadanka Soomaaliya gaar ahaan dagaaladi ugu dambeeyey ee ka socday magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya oo u dhaxeeya Ciidamada DFKM ah iyo Kooxaha Islaamiyinta ee ka soo horjeeda.
 
Wadanka Soomaaliya waxaa shirka uga qayb galaaya Wefdi u hogaaminaayo Ra’isulwasaaraha DFKM ah Cumar C/rashid Cali Sharma’arke oo iminka ku sugan Magaalada Tripoli asagoo maalinimada sabtida ka amba baxay Magaalada Caasimada ee Muqdisho isaga iyo qaar ka mid ah golaha Wasiiradiisa.
 
hogaamiyaalQaar ka mid ah ergada ka qayb galaysa Shirka oo Saxaafada goor hore maanta la hadlay ayaa waxay sheegeen in Shirka lagu baaqi doono sidii taageero dheeraad ah loo siiyo DFKM ah ee Soomaaliya oo ay iminka soo foodsareen Xaalado adag oo ay ula jeedaan dagaalada ay wadaan kooxaha Islaamiyinta ee ka soo horjeeda, kuwa oo ay sheegeen in ay kaabeyaan Dagaalyahanin ajaanib ah.
 
Gaba gabada shirka ayaa lagu wada in laga soo saaro qodobo ku sabsanaan doona wax ka qabashada dagaalada ka jira dalka Soomaaliya.
 
Wadamada Itoobiya iyo Eritereya ayaa horey u qaadacay in shirkaasi looga hadlo xurgufta dhextaal labadaasi dal.
 
qadaafi40Khuburada Siyaasada ayaa sheegay in Itoobiya iyo Eritrea ay saamayn ku yeesheen arimaha Wadanka Soomaaliya gaar ahaan dagaalada ka socda koonfurta Soomaaliya, iyagoo sheegay in labadaas wadan ay kala taageeran Dowlada iyo Kooxaha Mucaaradka oo dagaalo culus u dhaxeeya.
 
Kulankan ma noqonayo shirkii ugu horeeyey oo ay yeeshaan Madaxda Wadamada Ururka Midowga Afrika oo ay ka hadlaan arimaha Soomaaliya, waxaana ka jirta Shirar horey loo qabtay oo aan wax natiijo ah kasoo bixin, go’aamadii lagu heshiiyey.

Maalinimada beri ah oo ku beegan ayuu Hogaamiyaha dalka Liibiya Col.Qadaafi u dabaal degayaa sanadkii 40aad oo uu maamulayo dalkaasi, ayadoo xaflad balaaran oo munaasabadaasi ku saabsan ay kala qeyb geli doonaan hogaamiyaasha Afrika ee hada shirka u jooga dalkiisa.
 
Horseed Media

6 Responses to “Shirkii Midowga Afrika oo ka furmay Tripoli”

  1. asha says:

    kkkkkkkkkkkkk soomalidiina maba shiixaysaan inaad aamustaan baa la idiin qataa why baad arimaha africa iyo caalamka uga hadlaysaan aaway dalkiinii xagee ku ogaydeen is waydiiya su aashaa intiidaan u gudbin caalamka becouse we r the worst country in the world, DAL DAD WAAYEY IYO DUNI DAMIIR BEESHAY!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

  2. Rogcadaa says:

    Salaam dhamaan umada islamaka ah ee soomaan , bacdu salaan waxaan u arkaa arintaan in aay tahay mid aan aheen waxa waxa lugu tataryo somaliya iyo sudaan am cid kel bal waa arin yoolkeed koowaad uu yahaha aganade siyaasadeed uu ku dhisanayahay ururka afrika , hadii ay sidaas tahay in ay ka dhabtahay baaq sax ah ha ka soo saaraan ethoupia iyo Erteria markaas ayaan arkeenaa waxa aay afrikada hurada aya shirka ka soo saaraan

  3. hanadb@hotmail.com says:

    Odagii Qadafi waa ugu jirtaa maalmahan adduunka waa isbaray,,waxaa ugu qosol badneed siduu UK iyo Scotland u bahdilay, markii ey soo daayeen odagii loo haystay afdubkii (lockerbie bombing),,kadibna u soo dhaweeyay sidii geesi camal. Taas oo muuqan karta ninkii falkaas oo kale sameya oo mareykan iyo ingriis argagixiya, sidaso kale baa loo abaalmarin.

  4. DANJIRE says:

    S/a

    Shirka Libiya maxuu kuwii hore uga duwan yahay? Runtii wax uu uga duwan yahay ma jiraan–> shibro yahow heesa . Shirkaan waa kan Jamacada carabta oo kale…..waa labada urur jamacada carabta iyo ururka afrika labada shir dawladeed een aduunka ugu tayada xun……..Mudo dheer ayey shirayeen hadda illaa maanta lama hayo wax natiija oo ka soo baxa oo maslaxad ugu jirto ururka afrika wadamada ku jira iyo ururka jamacad carabta kuwa ku jira…waana sababtaa mida aan ugu timaamay shimbiro yahaow heesa.

    Sababtu waxay tahay–shirka waxaa isugu yimaad dhamaan kaligii taliyaal matalaya ummada ay magaceeda sitaan—dusha sarena waxaa ka maamula reer galbeedka oo aan marna doonayn in labadaan urur xor u ahaadan qadiyada ummadahooda iyagoo u adeegsanaya raga maamulka haysta oo ah—-amiiro ama madaxwayneyaal–asalkooda yahay shacuubta ay matalayaan hase yeeshee ah kuwo adeegayaal u ah reer galbeedka oo xukunka ay hayaan reer galabeedka ayaaba u wada dhiibay oo ku taageero in ay saas u shaqeeyan–kii ka leexda waa dil iyo xukunka oo laga qaado, mid kale oo diyaara ayaabna markaas reer galbeedka u diyaarsan……eegey — afrika iyo arabtu midna xoriyad ma haystaan ay iskood ayahooda uga tashan karaan–shirkaana waa dhoola tus been ah oo shacuubta faraha badan lagu seexinayo—bari ayaa roob imaanaya ee xooga sii adkaysta…sidii ay walideeba ahayd..khayraadkoodiina waa laiska guranayaa….ayagun baahidoodaas ayey ku joogayaan.

    wabilaahi towfiiq
    Eng. danjire

  5. Dahir Mohamed says:

    Col qadafi oo dalka libiya ka talinayey 40 sanadood ,hadana u wada xukunka wiilkiisa,waa arin muujinaysa in madaxda Afica,ay meesha u tageen oo qura fantasiyaha loo dhigaayo nidaamka kale taliska ah ee qadaafi.qadaafi ma boqorbaa,runtii waa boqor isago is-magacaabay,kaligiina ma ahee waa la mid ah,madax badan oo carab iyo afrikaanba leh,bal eeg masar,xusni mubaarag waxaa uu xukunka qabasaday,ka dib geeridii anwar al saadaad,oct/06 1981,ilaa maantay isagaa ah,tuuniisya waa la mid uganda waa lamid iyo qaar kaloo badan,war dadka aad xooga ku xukuntaan bedela,oo dimoquraadiyada ku dhaqma.

  6. maryama says:

    ethiopa iyo eleteria wa si dag dag inay uga baxaan afaraha SOMALIA