Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Kulan Lagu Qabtey London oo Looga Hadlay Falalkii Amaandarada ahaa ee Gaalkacyo Ka dhacay (Sawiro)

Ahmed Yasir
Horseed Media
London UK


Kulankan oo ahaa mid ay kasoo qaybgaleen culimada diinta, aqoonyahanka, iyo waxgarad ka tirsan jaaliyada reer Puntland ee ku nool Magaalada London.

Waxaa shirkan diirada lagu saarayey dilalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo mudooyinkii u danbeeyey iyo sidii wax looga qaban lahaa, waxaana laga soo saaray baaq iyo talo soo jeedin ku aadan xalka arrimahaas.

Sidoo kale waxaa alle loo baryey looguna duceeyey kulankaas dadkii falalkaas ku nafwaayey oo ay ka mid ahaayeed wasiirkii warfaafinta Puntland warsame Cabdi Shirwac oo 5tii Ougst lagu dilay Gaalkacyo iyo waliba culimo wadaadada tabliiqa ahaa ee iyaguna lagu dilay isla magaalada Gaalkacyo.

Waxaa lagu booriyey in dowlada Puntland ay sii wado dedaalka iyo xasilinta ay ugu jirto Gobolka, waxaana lagu amaanay dowrka ay xukuumada Puntland ka qaadatay nabadeynta magaalada Gaalkacyo.

Dadkii kulankaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Gudoomiyha Jaaliyada Puntland Prof.Warfaa A. Garweyne oo ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay nabada, isagoo xusay in loo baahan yahay in colaadaha ka taagan Mudug iyo Ufeyn ee macno darrada ah loo baahan yahay in laga waantoobo.

londo_peaceSawiro Badan Halkan Ka daawo

Mukhtaar Sh, Osman oo isaguna u hadlayey culimada ayaa sharxay in qofkii qof dila uu mudanyo cadaab aakhiro, waxaan ka codsan lahaa daalimiintii wax dishay ee culimada iyo wasiirkaba dilay in la soo qabto oo cadaalada la horkeeno.

Yusuf Nuur Osman oo isaguna aqoonyahanka u hadlayey ayaa sheegay in dowlada kaligeed aan waxba laga sugin oo la la shaqeeyo si ay dowladu markaas howsheeda u gudato, laakiin dowladu kaligeed danbiilaha masoo qaban karto, hadii ay shacabku gadaal marsadaan danbiilayaasha.

Kulankaas waxaa loogu baaqay beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Ufeyn in ay dagaalka ku joojiyaan si shuruud la,aan ah oo ay miiska wadahadalka fariistaan.

Dhamaan dadkii kasoo qaybgalay waxay muujiyeen sida ay uga xun yihiin dilalka iyo aanooyinka qabiilka ku dhisan oo ay dadku wali ka waantoobi la,yihiin, waxaana dhamaan Bulshada reer Puntland lagu adkeeyey inay ilaashadaan nabadooda oo ay gacan siiyaan dowlada Puntland.

Ugu danbayntii C/rashiid Mohamed Daahir oo shirka soo agaasimay ayaa u mahadceliyey kasoo qaybgalayaasha shirka ,wuxuuna dadkii goobjooga ahaa kula dar-daarmay in dadku ay wax walba uga tagaan nabada darteed, oo dhibta la xakameeyo intii qof muslim ah oo aan waxba galabsan loogu dili lahaa aano qabiil.

4 Responses to “Kulan Lagu Qabtey London oo Looga Hadlay Falalkii Amaandarada ahaa ee Gaalkacyo Ka dhacay (Sawiro)”

  1. waa kulan nabadeed waana loo baahan yahay in la addresgereeyo xaaladaha mudug iyo ufeynba…
    runtii dadkan jaaliyada london way is xilqaameen waxaana ku boorinayaa inay mar walba u istaagaan sidii xumaanta loo waayi lahaa oo uu wanaaga u shaqayn lahaaaaa
    Horseedmedia saaxiibayaal idinka mahadsanidin, sida aad nabada ugu ololeysaan…………………

  2. Zalaaan , Bahda Horseed, iyo dhamaan. Waar Gaalkacyo kama duwana Magaalooyinka kale e PUNT LAND, Dowlad ku sheega PUNT LAND ee uu hogaamiyo Faroole maxay wax uga qaban waysay Qabiiílka walalaha ah ee ku dagaalamaya Gobolka Bari, imisa ayay iska dileen Beelaha ku dagaalamaya Gobolka Bari?? hal nin oo la dilay iyo 100 qof oo dagaal isku laayay yaa badan?
    Intii uu meesha yimid Faroole waxaan arkaa amaankii Punt Land oo faraha ka baxaya ! ee Gaalkacyo waa magaalada idiin ah Difaaca maskiin ayaad tihiine ! Faroole sow maa ahayn kii ku weeraray Maleeshiyaad qabiilkiisa ah Parlamanka PUNT LAND, waa run sida la sheegayo sow maaáhaa !

  3. xassan Faarax says:

    Walee Gaalkacyoy waxbaa harsan, Xmara waad aragtaan waxa saas u galay waa Dilka macna darada ruuxa aan waxba geysan sida Biri ma gaydada, looma oo yaanka iyo masaakiintii Dilkoodu socday tan iyo 1991–20 sano oo cadaaba.

    walee gaalkacyoy waxbaa kuu harsan

    xasan faarax

  4. Dahir Mohamed says:

    waa arin wanaagsan,in dadko ka xaajoodaan,wixxi wanaag ah iyo xumaan ah ee ka dhaca dalka somali guud ahaan,gaar ahaana maamul goboleedka dowlada puntland ee somalia,oo uu fadhigani quseeyey.tan magaalada gaalkacyo oo ah runtii meel ay had iyo gooraale ka dhacaan,fal danbiyeedyo aad u fool xun,oo aan waxba laga qaban,si waafaqsan sharciga u yaal geyigaasi,arinto waa fududahay haddi dadka ama bulshada meesha degeni ay raali ka tahay in dadka oo dhan si cadaalad ah,loogo dhaqo sharciga.laakiin waxa meesha yaala waa magaalada kaalkacyo ee waa meel ku dhisan hab qabyaaladeed,aan wax sharci ah,ka shaqayn karayn.bal eeg ragii sida barrerka ah u laayey culumaddi salaada subax tukanayey,ee alle dartiis u yimi in ay diinta faafiyaan,ayaan dadkii falaagada ahaa ee dilay aan ilaa iyo hadda,wax talaaba ah oo laga qaaday aanay jirin,sababto,waa maxay.?dadka meesha degen ayaa inta badan u nixin ninkii ayna isko qabiil ahayn.walee habaarkii aad gasheen waad heli doontaan haddad tihiin reer gaalkacyo,xumaanta aad sameyseen,idinka ay dib idinko soo noqon,waayo dadkii diidaa cadalad wax u danbayn,baaba iyo qulqulato aan joogsi lahayn,inta aad qabiilka wax ku maamulaysaan,waxba idinma higalayaan,haddi ay ahaan lahayd,horomar dhaqale iyo mid wax barashaba waayo,arimahaasi oo dhan waxay ku xiranyihiin,in meesha sharci ka jiro,ee reer gaalkacyoodow,habka habka qabiilka iyo falaaganimada ku dhisan ka baxa,dhagar qabayaashana u arka dad dabiilayaala ah,uu mariya waajibkooda sharciga ah,waa haddii aad nidaam iyo dowlad rabtaan haddii kale sidaas ku jira.