Ayuub Cabdiraxmaan
Horseed Media
Madaxweynaha DKM ah ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa waxaa u shalay gelinka dambe Magaalada Abu-Dhabi ee Wadanka Isutaga Imaaraatka Carabta kula kulmay Madaxda Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta.
Munaasabad afur ah oo ay soo qaban qaabiyeen Masuuliyinta Wadanka UAE ayaa la sheegay in Wefdiga Madaxweynaha ay ka qayb galeen ayna ka wada hadleen arimo fara badan oo labada dhinac quseeya.
Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa waxaa u qasriga lagu Magacaabo Bateen kulan albaabada u xiran ula qaatay Madaxweynaha Wadanka Imaaraatka Sheikh Khaliifa Bin Zayeed al Nahyaan.
Madaxweynaha Wadanka Imaaraatka Carabta ayaa si diiran isaga iyo golihiisa Wasiirada iyo Saraakisha Dowladiisa u soo dhoweeyeen Wefdiga Madaxweyne Sheikh Shariif.
Ka dib marki u dhacay Munaasabada Afurka ay wada qaateen Masuuliyinta labada dal ee Imaaratka Carabta iyo Soomaaliya,ayaa waxaa bilaabmay kulanka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kan Imaaratka Carabta.
Kulanka labada Madaxweyne,waxaa ugu horeyn Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed warbixin dheer ku sabsan xaaladihi ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo dadaalada nabadeed ay dowlada wado ee ku aadan sidii Nabad iyo deganaansho lagu soo dabaali laha Wadanka.
Wuxuuna sheegay in Dowlada KMG ah ee u Madaxweyne ka yahay in ay ka go’aantahay in ay nabad iyo xasilooni ku soo daabasho gudaha Wadanka Soomaaliya.
Madaxweynaha Wadanka isu taga Carabta Sheikh Khaliifa Bin Zayeed ayaa muujiyey in Dowlada Wadanka Imaaraatka Carabta ay diyaar u tahay mar waliba in ay ka qayb qaadato dadaalada nabadeed ee lagu doonaayo in lagu soo dabaalo wadanka Soomaaliya.
Waxaana u sheegay in Dowlada Wadanka Isu taga Carabta ay mar waliba jeceshahay in ay midoobaan umada Soomaaliyeed ayna ka baxaan Dhibaatada ay iminka ku jiraan.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in u aad ugu faraxsanyahay in u booqasho uu ku yimaado Wadanka isu taga Carabta.
Wuxuu Dowlada Wadanka Isu taga Carabta ka codsaday in ay taageero siiso DKM ah ee Soomaaliya iyo umada Soomaaliyeed.
Waxay sidoo kale Labadaas Masuul ka wada hadleen xirirka u dhaxeeya labada dal,isla markaana u sheegay in loo bahanyahay in labada dal ay isaga kaashadaan dhinacyo fara badan.
Kulanka Madaxweyneyaasha Wadamada Soomaaliya iyo Isutaga imaaratka Carabta waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Saraakiil sar sare oo ka tirsan Dowlada Wadanka Imaaratka Carabta oo u ka mid ahaa Raysalwasaare ku xigeenka Imaaraadka General Shaikh Saif Bin Zayed Al Nahyan, Wasiirka Arimaha Gudaha Shaikh Mansour Bin Zayed Al Nahyan, iyo madax kale oo badan.
Madaxweynaha DKM ah ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa waxaa u beriyahan dambe booqasho ku jooga Wadamada Carbeed,waxaana u hore booqasho ku tegay Wadanka Qadar halkaas u kulan kula soo qaatay Amiirka Wadanka Qadar.
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily emailupdates, right now!