Cismaan Axmed Ciise
Horseed Media
Bosaso, Puntland
Wafuud isugu jirta dhakhaatiir,ganacsato iyo mas’uuliyiin ka socota dalka Lubnaan oo qaabilsan dhanka xanaanada xoolaha ayaa shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada Boosaso ee xarunta Gobolka Bari.
Wafuudan ayaa waxay wakiil uga yihiin xukuumada Lubnaan hubinta caafimaadka xoolaha Dawladda Soomaaliyeed ee Puntlnad si ay heshiis ganacsi ula saxiixdaan, heshiiskaas oo la xiriira dhoofinta xoolaha.
Waxayna maanta kulan ku la yeesheen xarunta weyne ee Maxjarka magaalada Boosaaso mas’uuliyiin ka socotay dawlada Soomaaliyeed ee Pontland oo ay kamid yihiin wasirka wasaarada xanaanada xoolaha ee Puntland Axmed Xuseen Doonyaale iyo agaasimaha guud ee Maxjarkaasi Max’ed Faarax Max’uud.
Wafuudii ka socotay dawlada wadanka Lubnaan ayaa waxa ay kormeer ku sameyeen qaybaha kala duwan uu ka kooban yahay Maxjarka xanaanada xoolaha ee magaaladatan. Ka dib markii uu u soo dhamaaday wafdigan kormeerkooda ayaa waxaa ujeedada ka danbeysa imaatinkooda saxaafada uga warbixiyey agaasimaha guud ee Maxjarka Max’ed Faarax Max’uud oo sheegay in wafdigani uu yahay afar qof oo isugu jira wafdi ka socda dawlada Lubnaan iyo wafdi ganacsato ah oo iyagu ka shaqaysta xoolaha nool.
Sawirada oo Dhamaystiran Halkan ka daawo:
Agaasimaha guud ee Maxjarka magaalada Boosaaso Max’ed Faarax Max’uud ayaa waxa uu ka hadlay ujeedada ugu weyne ay wafdigan u yimadeen Puntland gaar ahaana Maxjarka magaalada Boosaaso in ay tahay sidii ay u kormeeri lahayeen qaybaha kala duwan ee u ka kooban yahay Maxjarka,isagoo sheegay in ay wax ka su’aaleen xanaaneynta xoolaha,qaabka loo daaweyo xoolaha iyo xanuunada ay ka baraan xoolaha ku jira Maxjarka iyo xooluhu in ay yihiin kuwa cayilan.
Waxaa kaloo uu intaasi ku daray agaasimaha Maxjarka in ay wafdigan ay soo tuseen shaybaarka lagu baaro xanuunada xoolaha ku dhaca,xoolaha nool ee iyana ku jira Maxjarka,sidoo waxa uu intaasi raaciye in ay soo tuseen melaha xoolaha laga soo dejiyo isagoona sheegay in ay ku qanceen sida ay hawshu u socoto kuna amaanay dadaalka ay wadaan.
Max’ed Faarax Max’uud ayaa waxaa kaloo uu sheegay in wafdigan ay sheegeen in ay doonayaan in ay labada dawladood waa Puntland iyo Lubnaane ay yeeshaan xiriir dhanka ganacisaga ah oo ku aadan xoolaha Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa isna ka hadlay imaatinka wafdigan wasirka wasaarada xanaanada xoolaha ee Puntland Axmed Xuseen Doonyaale ayaa waxa uu sheegay in ay u madax banaan yihiin in cid walba oo dawlada Puntland u timaada ay heshiis lageli karaan ayna u madaxbaan yihiin cid kasta oo u timaada dawalada Soomaaliyeed ee Puntlan.
Hanbalyo Cumar Ismaaciil Waabari iyo Maxamed Faarax iyo guud ahaan Dawladda PUNTLAND
[WORDPRESS HASHCASH] The poster sent us ’0 which is not a hashcash value.
Assalaamu Calaykum
Hanbalyo iyo duco ayaan u dirayaa dhamaan shacabka walaalaha aan nahay reer Boosaaso, waxaanan salantaas ka dib waxaan hanbalyo iyo bogaadin gaar ah hawada u marinayaa madaxda Dawladda Puntland iyo maamulka iyo madaxda sare ee Shirkadda suurta galisay suuq gaynta xoolaha Soomaaliyeed iyo dhismaha Maxjarka siiba Cumar Ismaaciil Waabari “Amiirka” iyo Mudane Maxamed Faarax, waxaan idin leenahay halkaas ka sii wada waxaanan idiin rajaynayanaa guulo isbada joog ah iyo horumar booqashada waftigani u tahay bilawgii,
Aaad iyo aad ayaa ugu faraxsanahay horumarka iyo ganacsiga ka socda magaaladayda qaliga ah ee BENDER QAASIM, tankale waxan jeclaan lahaa oo kale in wax laga qabto wax alaale iyo waxii sumcadeeda wax udhimaaya oo laysugu mid noqdo oo aan dawlad iyo wax kaleeto lagu halayn. tusaale ahaa haddii wadan uun dhibaato iyo sumcad xumaan laga sheego meeshaas akhirkeedu waxay noqotaa meel laga haajiro oo wax soogalaya oo horumar ah aysan jirayn marka waxaan marka hore umahad naqaaya Ilaahay oo maanta BENDER QAASIM ka dhigay gurigii umada soomaliyeed waxaan marka xigana umahad celinayaa dawlada katalisa iyo waxgaradka dagaanka iskaleh oo ah dad nolosha iyo nabadaba lala wadagikaro. waxaan ilaah ka baryayaa inuu ka qabto waxii neceb nabada iyo horumarka BENDER QAASI, waayo waa cadoow neceb horumarka iyo nabada BENDER QAASI. wabilaahi toowfiiq.
Waxaan Is weydiiyaa Tolow Xoolo La dhoofiyaa wadankii maku dhaqan Yihiin Hadii eey Gabaabsi sii yihiina see loo Tayeeyaa?
1986 waxaan Diiwaan Gelshay 3,000,000 Sedex Milion oo neef in laga dhoofiyey Dekada Berbera waqtigii moosinka Xajka ,waxaan isleeyahay waqtigaan Guracan ee uu marayo wadanka in aan laga heli kareyn Cadadaas & wax u dhow .
Mida Kale Cudurka hortaagan xoolaha Soomalida waa Rift -Vally waxana looga gudbi karaa Talaal in lagu sameeyo Neef kastoo laga dhoofinayo Puntland State
Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Puntland waxaan kula talinayaa in reer miyiga lagu dhiiri geliyo ineey Lo,ada Dhaqdaan si looga gudbo Caana Booraha dibada laga keeno ,
s/c marka xiga ramadaan kariim. shacabka punland waa in ay soo dhoweeyaan wax walba oo lamooda danta dadka iyo dalka,inat’ay wax inooka cadaanayaan, waayo maamulada soo mara puntland shacabkooda kalsooni buuxda ma siiyaan, waayo marka la rabo shacabka in wax loo sheego uma sheegaan wax uun ayaan maqalaa sidii khilaafkii hore ee maxjarka.hadaba si aanay u dhacin tiiyoo kale,waana in daawlada iska ilaalisaa wax walba oo shacabka u keeni kara khilaaf,ay sabab u tahay. nin jaclaysi,dangaara.heshiis maldahan.khadka anaa la imi.waayo maanta ma joogni xili la murmo xili lays khilaafo.
Waa guul mar haddii Lubnan oo aad inoo ka fog wafdi xoolo raadis ah ka yimaadeen.Waxan rajeynayaa in waddamo badan oo kale iyana wufuudi ka iman doonaan oo aan xoolaheennu ku xirnaan suuqyada Khaliijka Carabta keliya sida hadda jirta.Waxaad mooddaa in eynu mar hore u baahneyn hirgelinta maxjarka oo faaido badani ugu jirto dhamaan xoolaleyda,ganacsatada iyo dowladdaba.Waxan kaloo ka sugeynaa maamulka haatan majaraha haya in ey abuuraan mashaariic wax ku ool ah dadkana u faa’ideeya.
waa wax lo bahanyahay shaqada ay wadan ganacsatada puntland
asc waxan slamaya dhamaan shaqalaha horseed waxan halakana kaleeyahya waa waxa lugu faraxo arintaan hada kasocota maxjarka waan horamaraka wadankeena teeda kalana sxb shirwac cadde muuse wax masameene shicibkaa saas noqdaya waa ahaa madaxa wayne balse wa laga daba shaqayn jiraya caddena waxana kama ogayana masakinta xoolaha laga sooqaado kadibana loogu sheekeeyo wa dhinteen cadde intuu hayey madaxanimada wax aan ka sheeganayana majidho balse shicibka aya musuqmaamus waday kan hada hayana wan arakayana wuxuu soosaaro qof walaba waayaha ayan udaynayana oo xaqiiqdiisa soosaraysa ee waxaba ha haqasin shirwac sxb cadde si sharaf leh ayu ukoraya ugana dagay mara labaad waxan leeyhya mabruuk hormarakaan ay sheegaya soamalidu ee putlan kusoo kordhaya
Salamu Calaykum
Wa bacda salaan, waagii hore intuusan Maxjarkan suuragelin Madaxweynihii hore ee puntland Cadde Muuse in masaakiinta xoolo dhaqatada ah inta neefkooda laga soo qaado lagu dhihi jiray waa laguu soo gadayaa, waxaa dhici jirtay in loogu sheekeeyo Neefkaagii Doonida ayuu ku dhintay intii uu safarka ku jiray ama waxaa dhici jirtay in xooolo badan la iska daba geeyo deedna ay xooluhu isku qiima jabiyaan Suuqyada carabta. Maantase waa Alle Mahadii haddii ninka Xoola dhaqatada ah uu neefkiisa keenayo Maxjarka halkaana lacagtiisa ku qaadanayo oo aan loogu sheekayneyn in Neefkiisii uu DOONIDA ku dhintay inta safarka lagu jiray.Madaxweynaha Hadda talada hayaa waxaan aaminsanahay inuu haysto FURSAD aysan helin MAdaxweynayaashii isaga ka horeeyey marka laga reebo (C/laahi Yuusuf oo helay fursadii ugu weyneyd) oo ah; Adduunka oo u heelan inuu wax la qabto, Siyaasaddii Somalia oo isbadashay oo aan ula jeedo Federal aad taakulaynaysaa ma jiro oo aad wax u dirayso markaa Mashruuca ugu weyn ee aad samayso ha noqdo sidaad wax uga qaban lahayd degaanka EYL ee BAHALO GALEENKA noqday Sumcadda Gobolkanna dilay, ka dib u soo jeeso horumarka kale waayo Burcad Badeedka haddii ay waayaan maraakiibtii ay qabsan jireen ooay ka heli jireen lacagaha easiga waxaan shaki ku jirin inay noqonayaan BURCAD BARRIYEED gasha jidka dheer ee isku xira magaalooyinka Puntland. Waxaan aaminsanahay Madaxweynahayagiyoow inaad leedahay kartidaas aad ku soo afjari kartid arrinta Burcad baddeedka waayo haddii imminka ay xataa Adduunku wax noo qaban lahaa oo Dekedo iyo Jidad la sameyn lahaa dee Gaaladu wax ay ku andacoonaysaa meel aan wax soo amrino maleh oo baddii Jidgooyaa taal, Arimuhu ma fuddudee Madaxweeynoo Ilaahay ummadaan Nabadgelyo ha u keeno.
AAD IYO AAD AYAA UGU FARAX SANAHAY HOWLAHA KA SOCDA PUNTLAN OK
S/a
Xoolaha somaliya waa laf dhabarka dhaqaalaha ummada somaliyeed. waligeedna sidaas ayey soo ahayd…..Waa arin wanaagsan in xoolaha somaliya loo iib geeyo suuqyada caalmaka–waliba meelo fara badan si aynaan hal suuq ugu xirnaan oo haddii wax dhacaan markiiba albaabkiisa xirta xataa ayadoon la hubin in arinkaasi jiro. Waana midii dhacday sanadihii la soo dhaafay markii shirkadha carbeed diideen in ay xoolah somaliya qaataan–arimo siyaasadeed iyo shaki markaas yimid oo aan waxba ka jirin.
Waxaa jira arimo kale oo aad muhiim u ah, hase yeeshee aad moodo in aysanba ummada somaliyeed iyo waliba maamuladu muhiimad gaara siinayn—-Si xoolo tayo iyo riraba leh loo helo….waa in wax laga qabtaa—daryeelka xoolaha iyo xoola dhaqatada……waayo ayaga ayaa laf dhabkii ah, laáantoodna waxba ma jiraan. maxaa loo baahan yahay:– arniga waxay illa tahay ra yigayga in la helo—wasaarad aan maqaar saar ahayn sida mid hadda jirta:–waana in ay hir galisaa wasaaradaas— ceelal biyo, dhul jiilaalka xoolaha la daajiyo, daawayn joogta, illaalinta degaanka oo aan dhirta la jarin…..iyo in Canshuurta xoolaha dib loogu celiyo reer miyiga iyo degaanka ee aysan tuugadu daaro ku dhisan sida hada muuqata ama iska caadada u ah.
Aduunyadu waxay waligeed ku dirirayeen khayraadka, si ay u sii noolaadan—-maanta duunku waxa uu marayaa in tirada dadka aduunku ay aad u korordho iyo khayraadku sii yaraanayaan….. hadaad eegto sida xaalku noqonayo 2050 waxaa kuu muuqanaysa in tirrada dadku 9..5 billion noqonayso meesha ay hadda ka tahay 6.0 billion.. waa yaraan doona saliida shidaalka ee aduunka laga soo saaro. waxaa yaraanddina, agabka beeraha ka soo baxa…..waayo waa dhul mudo dheer la beerayey–suntana lagu shubayey. waa laga cabsi qabaa oo kale cimilada oo aad isu badali doonata–in kasta oo aan la hubin ee aad moodo mashruuc lacag in lagu cuno la doonayo.
Haddaba somali ma yar-yar maxaa meel u yaala oo ay jiilka soo socda ugu tala galeen?
aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay waxaana leenahay dowlada iyo shacabka reer puntland somaliya tartan ayaa ka jira marka waxaa la rabaa in aan waxyaabo badan fududeyno si aan tartanka nalooga badin oo waxanyagu u meel maraan.
waa wax lagu farxoo in xoolaha puntland wafti raadinayaa an yimaadaan iyaagoo soomaraya maxjarka bosaso madaa uufurmay suuqa xoolaha puntland xilii ay xirnay sanooyin badaan xoolaha somaliya maba lasii marin jiray dalka jabuuti
waa wax lobahan yahay in xolehena oo tayeysan in losadeyey meel qaymo iyo tayeyn leh islamarkasana,shacbiga xolodhaqtatda ah qimo wax tar uleh kaga fa’deysatan,isla markasna dunida ganacsi ula yelano,waa mid dhaqalaha mamulka puntland sere uqadeysa iyo ganacsiga aynu lalenahay islamka gaar ahaan kuwa carabta,waana dhiri galin ween,