Dahabshiil
Golis

20 Milyan oo Qof oo Ku Gaajaysan Geeska Afrika

September 30, 2009

Horseed Media
Wararka Caalamka

ugu yaraan 20 milyan oo qof ayaa ku gaajaysan Geeska Afrika, kuwaas oo u baahan gargaar deg deg ah, kadib markii abaaro dheer ay halkaas ka jirteen, sida ay sheegtey Qaramada Midoobey.

Abaarta ugu daran ayaa ka jirta Koonfurta Itoobiya, Waqooyiga Kenya, Somaliya, Uganda iyo Sudan. Dadka baahidu ku hayso Geeska Afrika waxa ay 6 Milyan ka badan yihiin kuwii sanadkii hore,kuwaas oo dhamaa 14 malyan oo qof.

Isbedelka ku dhacay cimilada ayaa loo tiirinayaa abaaraha daba dheeraadey ee halkaas ka jira, roobka ayaa ka dibdhaca waqyiyadii loo bartey ama la waayaa muddooyinkii u danbeysey, sida uu qorey Radio Sweden.

Comments are closed.