Dahabshiil
Golis

Dalka Guinea Ayaa Canbaareyn Kala Kulmey Caalamka

September 30, 2009

Horseed Media
Wararka Caalamka


Dawladda Mileteriga ah ee ka talisa dalka Guinea ee Galbeedka Afrika ayaa canbaareyn xoogan kala kulantey caalamka, dadka canbaareeyay waxaa ka mid ah Xoghayaha guud ee Qaramad Midoobey Ban Ki-moon. Kadib markii ciidanka amaanku ay rasaas ku dileen dad kor u dhaafaya boqol qof oo mudaaharaadayey.

Sida laga soo xiganayo Isbitaalada dhimashada ayaa gaareysa 157 qof, sidoo kale qof Boolis ah oo magiciisa qariyey ayaa sheegay in ay heleen 87 qof oo meyd ah, kuwaas oo dhamaantood laga helay Garoon lagu cayaaro kubadda cagta oo mudaaharaadku ka bilaamay.

Dad kor u dhaafaya tobanaankun oo qof ayaa isugu soo ururay Garoonka Kubadda Cagta ee Caasimadda Guinea ee Conakry, kuwaas oo ku banaanxayaayey ciidanka mileteryga ah ee talada dalka haya tan iyo bishii December sanadkii hore. Kadib waxaa dadkii rasaas qabadsiiyey ciidanka amaanka.

Qiyaastii 50.000 oo qof ayaa ka qaybqaatey Mudaaharaadka looga soo horjeedo Muusa Dadis Camara ee talada dalkaas inqilaabka ku qabsadey sanadkii hore.

Comments are closed.