Dahabshiil
Golis

Hay’ada Socdaalka ee Sweden oo Go’aan ka Gaartay Somalida Magangalyo Doonka ah

C/casiis “Sankubayo”
Horseed Media
Sweden

 
Warqad-qoraal ah oo ku lifaaqnaa magaca wasaarada socdaalka iyo Arrimaha sharciga ee Dalka Sweden ee Migratoin-Verket ayaa lagu sheegay baaritaano ay sameeyeen ay ku ogaadeen inay jirto khatar weyn oo soo food saartay somalida hadii aan la aqbalin codsiyada dadka magan galyo doonka ah ee ka soo cararay Dalka dagaaladu la dageen ee Soomaaliya.
 
Gudi ka koobnaa garsoorka maxkamada sare oo si qoto dheer ugu kuurgalay xaalada ay ku suganyihiin Soomaalida kasoo baxsada dagaalada iyo rabshada ka holcaya gudaha Wadanka gaar ahaana gobolada koonfureed, hakaasi oo noqotay meel amaankeedu uu faraha kabaxay ayaa qalinka ku duugay go’aankaasi
 
Waxaana Gudigu baaritaano ay sameeyeen kadib ka soo saareen go’aan buuxa oo ah in dadka Soomaalida ee aan sharciga haysanin hada ay xaq u leeyihiin in magan galyo laga siiyo Dalka Sweden sibay yiraahdeen ay ugu noolaadaan oo aan dib celin lagu samaynin,  go’aankaas kasoo baxay hay’ada garsoorka & waaxda socdaalka ayaa ah mid si rasmi ah loogu dhawaaqay.
 
Go’aankan kasoo ha’yda socdaalka Sweden ayaa ku soo beegamaya xili ay dagaalo iyo iska hor-imaad lagu riiqmay wali si isdaba joog ah uga soconayan Gobolo iyo degaamo kala gedisan oo dhaca dhanka koonfureed ee Dalka Soomaaliya,  kuwaasi oo marba marka ka dambeysa sii karaar qaadanaya.

Horseed Media

One Response to “Hay’ada Socdaalka ee Sweden oo Go’aan ka Gaartay Somalida Magangalyo Doonka ah”

  1. Buraale says:

    Haa waa run dadku waa dhibaataysanyahay waa in la garabgalaa, maanta caalamko dhan ayaa soomaaliya ka yaaban waxa kadhacaaya, inay caawiyaana iskudayaaya. Taasna waa wax dalka u faa’ido ah . 20 sano ayuu dalku burbur kujiraah, marka xaaladisa aad ayaa loogu baqayaa taas ayaana aduunku kanaxay oo dhankay doonto hanoqoto caawimad ayuu ku wadaa. Soomalina ilaahay ha mideeyo amiin. walee waxbey isku dhigeen.