Dahabshiil
Golis

Barack Obama oo Salaan Sharaf Siiyay Askar Maraykan ah oo lagu dilay Afghanistan.

Horseed Media

News Desk.

Madaxweyne Barack Obama ayaa marki ugu horeysay aqoonsaday isla markaasna siiyay salaan sharaf meydad Askar maraykan ahaa oo lagu soo daboolay calanka Wadanka Maraykank kuwaas oo dib loogu soo celiyay dalka Maraykanka.

Muuqaalka Madaxweynaha Maraykanka Obama oo joogay munaasabada duco iyo sagootin ah ayaan horey loo arkin sano badan xita Madaxweynihi hore ee Maraykanka George.W.Bush waxaa ula kulmi jiray oo keliya qoysaska murugeysan,laakin weligiis ma uusan tegin ”Dover Air Force Base” oo ku yaala Delaware halkaaso ah goobta lagu soo dejiyo meydadka Maraykanka ah ee ku soo dhinta dagaalada Ciraaq iyo Afghanistaan.

Xaqiiqdi warbaahinta ayaa laga mamnuucay in ay soo bandhigaan muuqalka naxashyada meydadka lagu sido 18-sano ilaa u madaxweyne Obama u ka qaaday horaantii sanadkaan.

Go’aanka Madaxweyne Obama oo ku aadan in u muujiyo taageeradiisa wadanimo ayaa waxaa ay keentay su’aalo badan hadii Gordon Brown Ra’isulwasaaraha Britain u isaguna ku deyan doono Obama iyo in kale maadaama Gordon Brown u si weyn iga ilaaliyay in u faraha la galo cawaaqib xumada ka timaada dagaaladii u Ingiriisku ku lugta lahaa.

Horseed Media.

Comments are closed.