Maxamed Cabdi Xuseen(Kuuriya)
Horseed Media
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa waxaa u si kulul u cambaareyey weerar lagu dili lahaa Madaxweynaha DFKM ah ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed xilli u ku soo laabanaayay gudaha Magaalada Muqdisho.
Axmedou Wald Cabdalla Ergayga Qaramada Midoobay ee u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo war saxaafadeed ka soo saaray xafiiskiisa isla markaana ay warbaahintu heshay ayaa waxaa u dhaleeceyey weerarki lagu damacsanaa in lagu dilo Madaxweyne Shariif una tibaaxay in arintaas ay tahay mid aad u fool xun oo aan loo bahnayn.
”Dil qorshaysan oo lagu doonaayo in lagu dilo Madaxweynaha waxaa ay la mid tahay dil qorshaysan oo lagu dili rabo umada Soomaaliyeed,waxaana ay niyad jab u tahay dadka ku soo dadaalayay in Soomaaliya ay hesho nabad iyo deganaansho oo ka shaqaynaayay arimaha dib u heshisiinta”,ayuu yiri.
Wuxuuna hadalkiisa ku daray in dadki amray in la qaado falkaas ama dilkaas ay yihin dad aan gebi ahaan dareen lahayn ayna diidanyihin in ay ka qayb qaatan wada hadalada ayna san wax dano ka lahayn hanaanka nabada ee Soomaaliya oo iminka la wado.
Mr.Cabdalla ayaa sidoo kale sheegay in Beesha Caalamka ay aad uga soo horjeesatay iskudeyga dil ee lagu rabay in lagu khaarijiyo Madaxweyne Shariif una sidoo kale sheegay in Bishi May ee aynu soo dhaafnay Kooxahaas ay ku fashilmeen in ay afgambiyaan DFKM ah.
Ugu dambaynti waxaa u ugu baaqay cidi ka dambeysay weerarkaas in ay iska dhaafaan isla mar ahaanta ay ku soo biiraan wada hadalada nabadeed ee lagu doonaayo in la isku keeno dhinacyada isku haya siyaasada iyo talada wadanka kaas oo ay hor kacayso Qaramada Midoobay.
Madaxweyne Shariif ayaa arbacadi aan soo dhaafnay ka badbaaday weerar ay ku soo qaadeen Kooxaha Mucaaradka xilli u ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho,waxaana ay dooneyaan in ay dilaan iyadoo dagaal aad u qaraar u dhexmaray Kooxaha Mucaardka iyo Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ah oo wadajir ah oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Horseed Media.
ASC, Waan ka xumahay warkaas