Dahabshiil
Golis

Burcad Badeed qafaashay Dooni laga leeyahay Yemen.

Maxamed Cabdi Xuseen(Kuuriya)

Horseed Media.

Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah ayaa qafaashay dooni laga leeyahay Yemen kaas oo maraayay Xeebaha Gacanka Cadmeed gaar ahaan kuwa u dhaxeeya xeebaha Soomaaliya iyo Yemen.

Mid ka mid ah Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida oo  magaciisa ku soo koobay Bashiir ayaa Wakaalada wararka ee Reuters u xaqiijiyey in ay gacanta ku dhigeen dooni nooca kallumaysi oo u sheegay in u maraayay meel u dhow Xeebaha Degmada EYl ee gobolka Nugaal oo ay Burcad Badeeda ku leeyihin fariisin aad u weyn.

Waxaana u tibaaxay in kallumaysatada u dhashay dalka Yemen ay kala kulmeen iska caabin xoogan isla mar ahaanta ay haysteen hub oo ay rasaas ku soo fureen marki ay weerareen.waxaana u tibaaxay in mid ka mid ahaa Burcad Badeeda weerartay u dhintay mid kalena u ku dhaawacmay rasaasta ay soo fureen kallumaysatada Yemen.

Ugu dambaynti waxaa u sheegay in ay iminka gacanta ku hayaan doonida isla markaana ay dhowaan dalban doonaan lacago madaxfurasho ah ay ku si deyn doonaan,iyadoo u ku eedeyey in ay jariif ka wadeen xeebaha Soomaaliya.

Falkan afduubka ah ayaa ku soo beegmaaya xilli Burcad Badeeda Soomaalida haysta Lamaaneyaasha Ingiriiska ay dalbadeen lacago madaxfurasho ah oo gaaraysa 7-milyan oo doolarka maraykanka.

Horseed Media.

Comments are closed.