Horseed Media
News Desk.
Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ayaa waxaa ay si daayeen markab xamuul ah oo ka babanaayay Calanka wadanka Isutaga Imaaraatka Carabta kaas oo la sheegay in u siday shixnad hub ah.
Gudoomiyaha ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho Cali Maxamed Siyaad Dheere ayaa sheegay in markabkaas la si daayay maanta ka dib marki ganacsatada ay Burcad Badeeda la galeen wada hadalo.
Isagoo u waramaayay Wakaalada wararka ee Reuters ayuu ka gaabsada in u cadeeyo in ay bixiyeen lacag madaxfurasho ah iyo inkale,isagoo walaac xoogan ka muujiyey in mar kale ay qafaashaan Burcad Badeeda Soomaalida.
”Wada hadalada waxaa ay soo gaba gaboobeen habeenimadi xalay,Markabkuna xalay ayaa la si daayay balse waxaan ka cabsi qabna in ay Burcad Badeeda mar kale qabsadaan”,ayuu yiri.
Cali Dheere Gudoomiyaha ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa beeniyey in markabka u ahaa mid shixnad hub ah siday,balse u siday shixnado ganacsi ah oo isugu jiraan bagaash kala duwan oo ay iska lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed sida u hadalka u dhigay.
Burcad Badeeda Soomaalida marki ay qafaasheen Markabka ayaa quburo qaabilsan dhanka Badda ay ku warameen in markabka u siday hub sharci darro ah,waxaana ay sheegeen in uu siday DFKM ah iyagoo ay intaas raaciyeen in u isticmaalayay magaca been abuur ah.
Markabkaas ayaa marki la si daayay ka shiracday Dekada degmada Garacad ee gobolka Mudug halkaas oo dhowrki maalmood la soo dhaafay lagu haystay.waxaana u markabka iminka ku si jeeda Dekada Magaalada Muqdisho sida u sheegay Cali Dheere.
Ila iyo iminka ma cada ama ma jiraan warar xaqiijinaaya shixnada markabka u sido,marka laga soo tago hadalada iskhilaafsan ee ka soo yeeray Gudoomiyaha ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo Qubuurada ku takhasusay arimaha Badda.
Horseed Media.
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily emailupdates, right now!