C/qani C/laahi Cabdi
Horseed Media.
Gudoomiyaha gobolka Mudug Axmed Cali Salaad oo maanta Saxaafada kula hadlaayay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in dagaalo aysan ka socon koonfurta wadanka Soomaaliya,mar laga reebo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Waxaana u xusay in dadka ka soo barakacay magaalo aan ahayn Muqdisho in ay ku noqdaan goobihi ay ka yimaadeen,isagoo sheegay dadka ka soo barakacay gobolada kale ee Koonfureed in aysan u aqoonsanayn in ay yihin barakacayaal waayo ayuu yiri gudoomiyuhu gobolada kale dagaalo kama socdaan.
”Siyaasada Puntland waxay ahayd martigelinta Umada Soomaaliyeed,laakin xaaladu waa ay isbedeshay waxaa soconaaya adimada ayaa i go’ay adna aan ku gooyo taasina ma yeelayno”,ayuu yiri.
Mar uka hadlaayay gudoomiyuhu sida ay ku garanayaan Barakacayaasha rasmiga ah ee uu ugu yeeray in ay ka soo barakaceen waxaa u ugu yeeray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay garanayaan Barakacayaasha ka soo barakacay Muqdisho oo u sheegay in ay u aqoonsanyihin barakacayaal.
Axmed ayaa sheegay in uu ugu baaqayo dadka Itoobiyaanka ah in iyana isaga baxaan magaalada Gaalkacyo,isagoo sheegay in ay Dowlada Itoobiya ay leedahay aysana diyaar u ahayn in ay martigeliyaan dal Dowlada leh dadkiisa.
Nabadgalyada Gaalkacyo
Gudoomiye Koorneyl Axmed Cali Salaad ayaa sheegay in uu ugu baaqaayo dadweynaha Puntland in ay ka shaqeeyaan Amaanka guud ee gobolka gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo ah xarunta gobolka.
Wuxuuna tibaaxay in ay ogyihin in dadweynaha ku nool magaalada Gaalkacyo ay hubeysanyihin,isagoo hoosta ka xariiqay in ay amar ku qabaan in ay isdifaacaan oo aysan Ciidamada ku halayn waxka qabashada xaalada Amaan ee magaalada,sida u hadalka u dhigay.
”Dadweynaha waa in ay soo qabtaan cida ay ka shakiyaan,lana shaqeeyaan Ciidamada Amaanka”,ayuu yiri.
Si kastaba 21.10.2009 ayay ahayd marki Madaxweynaha Dowlada Puntland u sheegay in dadka Barakacayaasha ah ay qayb ka yihiin dadka dhibaatada ka wada gudaha Puntland,isla markaasina ay ilgaar ah ku hayaan.
Horseed Media.
asalaamu calaykum warax matullaahi wabarakaatuhu // bahda horseed media iyo akhriye yaasha caalamiga ah dhamaantoodba waxa ii raaca gudoomiyaha gobolka mudug iyo madaxda mudug guud ahaan kuwa puntland hadii aydan difaaci karin dadkiina talada u dhiiba kuwa idin garaacaya u noqda kaba qaadyo si dadku u nabad galo hadii kale taxi peyers kiina difaaca,af joogto ah dhaar,dilkii oo kugu sii batay oo wax talaaba ah oo aad qaadayso aanu jirin waa sidee xaaladiina,mise sheekada adinkaa ka dambeeya salam
marka hore waaxan salaamaya shaqaalaha horseedmedia.
salaan ka bacdi hadii aan u soolaabto hadalka kasoo yeeray gudoomiyaha Mudug waxaan leeyahay waxaa jira sadex qalad
waxaa iskaleh qaladadkaas ugu horen shacabka loogu yimi puntland maxaa yeelay waxaa ka maqan waxa lagiraahdo wadanigadii oo waxaad moodaa in ay ku dhex milmeen dadkii soobarakacay oo hadana loo adeegsanayo in ay iyagu fuliyaan danbigii tal labaad waxaa iskaleh dowlada oo aad moodo in ayan ubabislayn waxa ay masuulka katahay
waxaa tageero mudan geesinimada uu muujiyay madune ahmed cali salaad waxaa u mudan yahay la siiyo tageero buuxdo isaga iyo mamulkiisaba. waxaan looga bahan hayahay sida galkacayo go’aanka uga soo baxay in garoowe iyo qardho iyo bosaaso ku daydaan,eyna u eegaan musaalnimada saaran ay noqan meel aan hadhow wax ka qabasho lahayn.
waxaan halkaan mar labaad dhihi mudane ahmed cali salaad guulayso. waligaa.
asc wr wb waa wax lagu qoslo warka ka soo yeerey hogaamiyaha mudug kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk dadka masakinta qaraxyada ka danbeeyo waa wax lagu qoslo kkkk yaa diley wasiirkii seefta banaanka,,,,, yaa diley tabliiqii ,,,,,, yaa diley hogaamiyihii maxkamada iyo dad badan oo lagu qaarijeyey pland kkkkkkkkkkkk isku xishoo fadlan hogaamiyaha mudug adigu kugu soo laaban leebke taariiqdana ku qoreyso hadalada cadifadeysan.
waxaa mahad iskaleh alllah na abuurtay kadib waxaan raaa in aan ka hadlo qobka ah dhibaatada ka jirta puntland xiligaan hada ah waa mid ugub ku ah ee xagee katimid?
jawaatu waxaa waaye waa dadka ku soo kordhay marka sidee ayaa loola dhaqmayaa waa in taas la iswaydiiyaa marka dowladu waa in ay shaqadaas qabataa ayada oo shacabka ka helaysa gacan shcabkuna ayaga ayaa iska leh nabada taas waa in ay ogaadaan sidaas darteed cidii dhib wada hala qabbto cidii aan waxba gasana haladaayo (qabta dambii
gudoomiyaha gobolka mudug war macquul ah ayuu ka hadlay waayo markii aad ka tagto dhulkii aad ku noolaan jirtay oo aad tagto dhul kale waxaa xaq lugu yeelanayaa in la hubiyo caafimaadkiisa wax uu u socdo.
markaas ayaa qofkaas loo aqoonsan kartaa inuu meesha uu yimid ku noolaado iyo in kale sidda somalida weydiisata qaxootinimada USA iyo yurub iyo afrika
War waxaan waa khalad, in dad masaakiin ah oo barakacey la dhaho G/mudug ha iskaga baxaan, shaley bee aheyd marka Abdullahi Yey uu dad nagu direy, maanta ayeey tahey marka dad qaxooti ah oo kasoo barakacey G/boladooda la dhaho G/bolka mudug ha iskaga baxaan, waxaas waa khalad, okey.. Soomaalida mid waqooyi ilaa konfur dadku waxey isha ku hayaan wa puntland naceeb, yaa dadka nagu direy? maxeyse dadku ku naceen puntland? masoo maali maa waalan mise puntland? adeerayaal dadka masaakiinta ah faraha
Waxaan umalaynayaa waxaan jirin wadashaqayta ciidama sida sirdoonka, Boliska, Daraawiishta oo aan run ahaantii lahayn hab lagushaqeeyo iyo qalabkii ciidan lahaanjiray. waa inlahelo ciidamo kadhexmuuqda magaalooyinka iyo xaafadaha. (24saac). 2. in la istaajiyo qofkii iyo garigii lagashakiyo. 3,qofkasta oo reer puntland at waa in uu toogtaa qofkii madaxa duubta oo indhahakaliya soosaara ilayn dumar ma ahee. Midakale arintii mardhacdaa yaysan labojeer ookale dhicin. NABADU WAA WAXQAALI. THNX. PLD
Waa arin in lasoo dhoweeyo mudan, waxa qaska iyo fidnada ka wada deegaanada Puntland waa kuwo loo soo xawilay, marka kuwaas loo celiyo meeshii ay ka yimaadeen waxaa la arkayaa kuwa deegaanka kasoo jeeda ee dadkaas ku xirna.
Hadalka Gudoomiyaha waa mid mudan in la dhiiro geliyo lagana hirgeliyo dhamaan deganada Puntland gaar ahaan magaloyinka waaweyn ee ah ilaha dhaqaalaha.
“Adinkaa i go’ay adna waan ku goonayaa” waa hadal sax ah oo jira.
Yaan la maaweelin dad deegaanadooda aysan dhib ka jirin
Hadal xambaarsan naxdin iyo Murugo
Hadalka ka soo yeeray masuulkan waa mid runtii wal-wal iyo calool xanuun xambaarsan, masuulkan waxa uu-san ogeyn hadalkiisa qiimeynta uu sameyn karo iyo cawaaqib xumida ka-iman karta waxaan filayaa in maamulka Gobolka Mudug ka jawaabi doonaa hadalka, waxaan sugayay inuu eedeyo cida eeda iska leh waa dariska Baraxley balse waxa uu farta ku fiiqey dad masaakiin ah aan awood laheyn, Mudane gudoomiye Baraxley ayaa u baahan in shaqo laga qabto dadkan iskadaa
Gudoomiyuhu kuma aysan habooneyn inuu yiraado dadka qaxootiga ha naga baxeen. Umad iyadu iskeed iskufilan ma jirto oo umad kasta meel bay ku daadsantahay.
Hadaad adigu leedahay dadka soo bara kacay hanaga guureen waa lagaa guuraya, laakiin waxaad ogaata inuu jiro dad kula dhashay iyano meelo kale bara kacayaal ku ah oo muteysnaan doono talaabo la mid ah ee midaad la damacsantahay dadka masaakiinta ee kula degan.
Hadaba Gudoomiyaha waxa laga doonayaa inuu hadaladaas ka raali bixiyo.
Hadalka ninkaa ka soo yeeray taariikhda inuu galli doono la iskuma hayo, Waa arin murugo leh in Soomaali tarxiilo Soomaali kale. Harti iyo qaasatan Majeerteen waxaan hubaa in ay ka war hayaan Majerteenyo dulkeeda LANDSCAPE in uusan aheyn mid bixinaya, waa kan Cali Saleebaan iyo Cali Jibraa’il iyo kuwa kale iska hor keenay, waa daruurta geela lagu cayrsanayo. Fadlan daaya dadka tabaaleysan, iskana qabta inta xun oo mariya sida sharcigu qabo. Balse ha baxeen dadka koofur ka yimid, waa ceeb
ha la celiyo meeshii ay ka yimaadeen qoray dableh bay la wareegayaan , madaxdoodaa sidaa u garatay in magalada muqdisho shacabka ka qixiyaan.. shendadaha iyo baabuurta ay la socdaan waa in la baadhaa laguna celiyaa meesha ay ka yimaadeen.. inta gaalkacayo joogta keliyaa maahee Puntland waxa qoxeeda joogaa waa in lagu celiyaa meesha ay ka soo qaxeen.. dhibaatadooda iyo is nacaybkooda yanay noo keenin ..
Waad aragtaan dadka maanta soomaali ilaahay gacanta u geliyey Meeshii ay ahayd in dadka labadbaadiyo ilaah ayaa badbaado lehe Ayaa midna soo eryayaa, midna leeyahay ku noqo kii ku soo cayriyey,waxaan maqli jirey, hal laba bidigle dheelmay dhanna uma fiyooba. war muxuu nin soo qaxay oo labada kabood gacmaha ku wataa geysankaraa,waar dilalka weynu ognahay aano ayey ubadan yihiin ee qabaa’ilka waxgaradkooda oo dhan isugu yeera oo halagu qanciyo in ay hubka dawlada ku wareejiyaan,f
SOOMAALIYEEY,,, HALAKALA GARQAATO SHEEKADA HADAA RABTAAN INAAD KA DHIGTAAN ” MUDUL GUBTAY MUDUL GUBTAY KAMA NAXO” TAAS WAXAAN MALAYNAYAA CAQLIGA SALIIMKAA INUUSAN YEELAYN. MADAXDA PUNTLAND WAXAAN LEEYAHAY SIRDOON XOOGLEH SHACABKA GUDIHIISA KAQORA, NIDAAM DHISAN OO CIIDAN ISGAARSIIN IYO GAADIID FIICANA LEH DIYAARIYA, UMADA SOO BARA KACDAYNA DAD AAN DHIB WADIN BAA JIREE UMADA YAAN LAGU WADA TAKFI FALIN. SHACABKA PUNTLAND NICMADA AAD HAYSATAAN XISAABSHA OO ALLE U MAHAD CELIYA, A/LILAH