Dahabshiil
Golis

Madaxweyne Faroole oo ka waramay safarkii uu ku tegay Kenya

C/raxman Maxamed Muuse(Ilkacase)

Wakiilka Horseed Media

Garoowe,Puntland.

Shirki khamiislaha oo ay yeeshaan Golaha Wasiirada ee Puntland ayaa maanta ka dhacay xarunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyinta ugu sar sareysa ee Dowlada Puntland iyo golaha Wasiirada ayaa ah mid arimo badan looga hadlaaya,waxaana u Madaxweynaha kaga hadlaayay safarki u ku tegay dalka dibadiisa.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Faroole ayaa ka hadlay ugu horeyn kana warbixiyey safarki u dhowaan ku tegay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.wuxuuna sheegay in u halkaas kulamo kula soo qaatay masuuliyin ka tirsan Beesha Caalamka iyo weliba Saraakil ka tirsan Qaramada Midoobay gaar ahaan qeybta horumarinta.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay khilaafki dhowaan soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweynaha DFKM ah ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed,wuxuuna sheegay in u diyaar u yahay sidii miiska wada hadalka la isku keeni lahaa DFKM ah iyo Puntland ayna ka wada hadlaan wixii dan u ah Umada Soomaaliyeed.

Wuxuuna sidoo kale sheegay in labada dhinac looga baahanyahay in ay ka arinsadaan sidii dib u dejin loogu samayn lahaa dadka Barakacayaasha ee ku sugan degaanada Puntland kuwaas oo ka soo cararay dagaalada iyo Colaadaha ka jirta gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka warbixiyey kulan ula qaatay Ra’isulwasaaraha DFKM ah ee Soomaaliya Cumar C/rashid Cali Sharma’arke,waxaana u sheegay in ay ka wada hadleen sidii dalka looga samayn lahaa maamulo la mid ah Puntland.

Wuxuuna sheegay in ay jiraan gobolo raba in maamulo loo sameeyo sida gobolada Hiiraan iyo kuwa Jubooyinka ee ka tirsan gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Waxaaa u sidoo kale carabka ku dhuftay laga bilaabo maanta ay Dowlada Puntland ka tashan doonto aayaheeda iyo horumarkeeda isla mar ahaanta cidna kala tashan doonin.

Ugu dambeynti waxaa u sheegay in Saraakisha Qaramada Midoobay ula soo kulmay ay ka wada hadleen sidii horumar loogu samayn lahaa Degaanada Puntland ayna balanqaadeen in talaabadaas ay ku dhaqaaqi doonaan.

Shalay ayay ahayd Madaxweynaha Dowlada Puntland C/raxmaan Faroole u soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada ka dib marki u mudo 10-maalmood u ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Horseed Media.

8 Responses to “Madaxweyne Faroole oo ka waramay safarkii uu ku tegay Kenya”

  1. Waad salaamantihiin Dhamaaan qorayaasha iyo inta ku xidhan Webkan waan fiican tahay sida Horseed Media u uruuriso aaraahda dadwaynaha.
    Faroole hadaan Case kiisa wax ka idhaahdo.
    Markuu Soo qaadayo HIIRAAN iyo JUBOOYINKA Muxuu isaga indhatirayaa dad walaalihii ee REER SSC oo u odhan la yahay iyana waxay rabaan maamul u gaar ah.
    Faroole intuusan isagu xaqraadsan waa inuu umadaha kale xaqooda u ogolaadaaa iskana daayaa Merginalization ka uu ku caanbaxay.
    Salaama.

  2. Bari Bari says:

    Faroole Madaxweyne mudan amaan

    Waxaan halka ku amaanaya madaxweynaha Puntland, dadka saadaliya siyaasada geeska Africa ayaa iyagu qaba in faroole yahay shaqsi hogaamin kara siyaasada Puntland, dadka aqoonyahan ka ee reer Puntland ayaa iyagu qaba in Faroole yahay shaqsi iibin kara soona dhicin kara xaqa siyaasadeed ee ka maqan Puntland, dadka halkan faroole wax kaga sheegaya waxaan rabney iney qodobo noo sheegaan ey faroole ku diidayana mise waxoodu waa iska maagin aan sal laheyn

    Guul Puntland

  3. C/Saalax says:

    The case is not Farole or any other individual person . The bottom line of puntland’s destruction is based on injustice , complexes and lack of understanding about the grass root of the problem . If you deny my rights how come you expect me to protect your security and life , that is irrational thinking . Hundred thousands of people like me today don’t care whether puntland collapses or not .

  4. finland says:

    mr faroole waa nin mas uul ah aqoona uleh wax kasta sida ay udhici karaa allena ku xiran oo la kaashanaya, dadkuse waxaa ay dhahaa waa xanaaqbadanyahey qofku waxaa uu xanaaqaa marka uu arko muxaanta naftiisa,dalkiisa, iyo duunyadiisaba lagu wado uma dulqaadan karo lkn ninka aan xanaaqey waa qof aysan wax dan ahna kalaheyn uun tiisa kaliya eeganaya lkn mudane faroole waa muwaadin somaliyee waxaa alla uga baryayaa in uu ku guuleysto howsha wey uu uuhayo amiin salamakuyeelo wax xuna allaha kaqabto

  5. What goes around comes around, faroole waa ku fashilmay inuu Puntland hagaamiyo, wadankii wuxu noqday sidii Bakaare MARKET maalin walba qarax, xabad ayaa ka socota..faroole wuxuu shalay oran jiray maamulkii cade muuse la dagaalama oo diida canshuurta maanta wuxay maraysaa in nabadii ceel ku dhacday oo la dilo garsoorkii iyo rayidikii, waxaan ka codsanaynaa inuu is casilo madaxweynaha inta aan wax intan ka badan aysan dhicin, waana muuqataa hada xaalku inuu marayo allow i bixi,,,,NO leadership

  6. Qardho says:

    Salaama…

    Faroole is the best leader, support u mr president…. do more!!!

  7. kenya says:

    m.faroole waa nin mas’uul ah, laakin hal cillad ayuu leeyahay taasna waa inuu maareyaa. taasina waxay taahay dulqaadkiisa ayaa yar ama markiba wa uu xanaaqa waayo.tusaale ahaan aminarts ayaa malin wax ka shegay madaxweynaha kadib intuu sawirkacmeedki intii la soo copy yey ayaa waxaa la horkeenay dawlada.midakale waa M.shariif lakulankiisi.midkale waa tan kukala dhacday hogaanka ssc xaglo toosiye markaa waa nin dulqaadyar odaygu waa inuu dulqaad yeelshaa waxbadan oo adan ku farxin ayad arki

  8. kalkacyo says:

    madaxweyne noolow puntland cadow badan bey ledahay wan ognahay haday raban ha ahaadaan numanka mad madow oo konfurta daga hagu batan hadey rabane hadana waxa sii baxay cadow yar yar oo rer puntland ah kuwas na allaha ka qabto walaalahod wayo qarax yada ka dhacaya bosaso iyo kalkacyo nin reer puntland ah ahayn ma samayn karo wixii qaraxi kadhacay gobalada puntland raga sameyey wa rer puntland kuwa kamid ah oo cada qatayal nin hawiya ama balo kale ha ahaado kuma dhaco inuu p/l dhibateyo