Dahabshiil
Golis

Wefdi ka socda Rugta Ganacsiga Puntland oo ku sugan dalka Yemen(Sawiro).

Horseed Media

News Desk.

Gudoomiye Ku Xigeenka Rugta ganacsiga Puntland Siciid Cismaan Ciid oo iminka booqasho ku jooga dalka Yemen ee deriska la ah Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay ganacsatada kala duwan ee ku dhaqan dalkaas.

Hadaba wefdiga ka socda Rugta Ganacsiga Puntland ayaa waxaa ay kulamo la qaateen 17.11.2009 ganacsato u dhashay dalkaas Yemen kuwaas oo ku sugan magaalada xeebta ah ee Mukalla ee xarunta u ah gobolka Hadraamuut,waxaana u ahaa mid looga wada hadlaayay sidii wada shaqayn dhanka ganacsiga ah u dhexmari lahaa Rugta ganacsiga ee Puntland iyo ganacsatada gobolka Hadraamoot.

Sawir 2.

Kulankaas ayaa waxaa ka qaybgalay sidoo kale Gudoomiyaha gudiga ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Mukalla Abshir Yuusuf Xassan,waxaana dhanka ganacsatada Yemen horkacaayay Gudoomiyaha Rugta ganacsiga ee Hadramuut Cumar,Madaxa xirrirka guud ee Carabta Axmed Mataan iyo weliba ganacsatada halkaas ku dhaqan.

Gudoomiye Kuxigeenka Rugta ganacsiga ayaa sheegay in kulankaas u ahaa mid la isku soo hadal qaaday sidoo kale xirrirka Taariikhiga ah ee u dhaxeeya ganacsatada Magaalada Mukalla iyo kuwa Puntland.

Sawir 3

”Waxaan yeelanay kulan ku sabsan isbarasho,waxaana ku heshiinay sidii wadashaqayn xoogan u samayn lahayn isla mar ahaanta aan isdhaafsano booqashooyin kala duwan”,ayuu yiri.

Wuxuuna tibaaxay in ay soo dhoweyn balaaran kala kulmeen ganacsatada ku dhaqan Mukalla ayna balanqaadeen in ay xoojin doonaan xirrirka ganacsi ee u dhaxeeya iyaga iyo ganacsatada Reer Puntland.

Sawir 4.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Rugta ganacsiga ee gobolka Hadraamoot ee ku taala magaalada Mukalla,waxaana sidoo kale wefdiga Rugta ganacsiga Puntland ka codsaday ganacsatada Yemen in ay wax ka qabtaan cabashada ka soo yeeraysa ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan Mukalla.

Sawir 1.

Ugu dambeynti waxaa lagu wada in u dhowaan soo gaba gaboobo booqashada ay dalkaas Yemen ay ku joogaan wefdiga ka socda Rugta ganacsiga ee Puntland oo u horkacaayo Gudoomiye Kuxigeenka Rugta Siciid Cismaan Ciid.

Horseed Media.

3 Responses to “Wefdi ka socda Rugta Ganacsiga Puntland oo ku sugan dalka Yemen(Sawiro).”

  1. said says:

    Obababa

    Salaaam Hambalyo

    G/1/Ee Champer Commerce-ga pland

    Mr Siciid Xuseen Ciiid

    Gudoomiya ganacsatada rer p/land mukulla

    Mr Abshir Hasan yusuf

  2. fardoowso says:

    Aslssmu cslsykum wsrsx mstullshi wsbsrsksstuhu
    salan kadib waxa aan halkan an ka shekayaa somalida yemen ad ayaa ay urafatsanyihin somaliya halooceliyo in shaa allah wadankoda ayaa u dhanta yemen kuma aysan gaajooden wadankoda
    walaamu calaykum waraxmatullahinwabarakaatuhu

  3. AL says:

    waa arin wanagsan oo qalbiga u roon waba qofkii masuul ah oo u hadlaya ganacsato soomlaiyed in hatramut gar ahan reer mukalla ay ula dhaqman ganacsatada somalida waa arin cusub ,marka waxan leeyahya halka kawada ilaheyna ha diin fudueyo kuwa kalana ha idinku deydan ban leeyahya waxan ujeedaa wixii wanaf raba ee uma jeeda qolyahha dhgiiga ku faraxasha koley idinka daadegi meysee