Waxaa ka bilaamatay dalka Jarmalka maxkmad, la soo hortaagey John Demjanjuk oo ah 89 jir, ninkan ayaa lagu eedeynayaa in uu galay denbiyo dagaal mudadii Nazi-gu uu ka talinaayey dalka Jarmalka ee dagaalkii labaad ee aduunka.
Mr.John Demjanjuk ayaa lagu eedeynayaa in uu ka qaybqaatey dil loo geystey 27 000 oo qof oo Yuhuud ah, waxaana dilkaani ka dhacay xarun ku taala magaalada Sobibor ee dalka Poland, halkaas oo uu ka ahaa waardiye xabsi.
John Demjanjuk ayaa u dhashery dalka Ukrain, waxaana uu haystaa dhalasho Maraykan ah, waxaana aad u liita caafimaadkiisa.
John Demjanjuk waxaa horey xukun dil ah ku ridey maxkamad ku taala dalka Israel laakiin waxaa markii danbe sii deysey maxkamadda sare ee Israel.
Maxkmadda ku socota Mr.John Demjanjuk ayaa noqoneysa tii u danbeysey ee la saaro qof ka qaybqaatey dagaalkii labaad, waxaana uu ka soo muuqdey maxkamadda isaga oo lagu wado kursiga lagu riixo dadka curyaamiinta ah.
Ururada xuquuqda aadanaha iyo in badan oo kamid ah shacabka Muslimiinta ayaa waxa ay is weydiinayaan waqtiga maxkamad la soo taagayo saraakiishii galay denbiyada dagaal markii la xasuuqaayey shacabka Falastiininyiinta ee ku dhaqan marinka Gaza.
Horseed Media + Wakaaladaha
Wararka Dibadda
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!