Abaaro iyo Biyo la’aan oo baahsan ayaa iminka ka jira degmada Caluula oo ka mid ah degaanada hoos taga gobolka Bari.
Xareed Ciise Cumar oo ah Duqa degmada Caluula oo maanta u waramaayay Horseed Media ayaa sheegay in abaarahaasi ay saamayn ba’aan ku yeesheen dadka iyo duunyada ku nool degmada Caluula ee gobolka Bari.
Waxaana u intaasi ku daray gudoomiyuhu in Biyo la’aanta ka jirta degmada ay sababtay in dadku ay cabaan biyaha dhanaan ee Badda,taasina ay sababtay in durba ay u geeriyoodaan qaar ka mid ah dadweynihi cabay biyahaasi.
Gudoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in meydka dadki u geeriyooday Biyahada Badda ee ay cabeen qaarkood marki biyo lagu dhaqo la waayay lagu dhaqay biyaha Badda.
”Ceelka ku yaala degmada Caluula mudo ayuu bamkiisu jabnaa,hase yeeshe dhowaan ayaanu baamkaasi helnay waxaana aan ku howlanahay sidii aan uga shaqaysiin lahayn”,ayuu yiri.
Mar u ka hadlaayay goobaha sida ba’aan ay abaaraha iyo Biyo la’aantu ay uga jiraan degmada Caluula ayuu sheegay in goobahaasi ay qayb ka yihiin;Gardaadin,Dibir,Faranfar,Yicib iyo Barxa.
Ugu dambeynti waxaa u sheegay in aysan jirin ilaa iyo hada cid ka tirsan Hay’addaha gargaarka bixiya iyo maamulka oo la soo gaaray Gargaar Bin’aadanimo,waxaana u maamulka Puntland ka codsaday in degmada Caluula ay u sameyaan ciidan si buu yiri loo bilaabo canshuuraha degmada siduu hadalka u dhigay.
Horseed Media.
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!