Ansixinta Buugaan oo ka kooban nuqulo fara badan oo loogu talagalay wax ka qabashada Degaanka iyo Duurjoogta Puntland ayaa yimi ka dib marki maanta u horkeenay Golaha Wakiilada Wasiirka degaanka iyo duurjoogta Puntland C/qani Yuusuf Cadde.
Kulankaasi oo ka dhacay hoolka Barlamaanka Dowlada Puntland ee magaalada Garoowe goobjoog ka ahaa Xildhibaano gaarayay 39 oo ka mid ah 66-da Xildhibaan ee Dowlada Puntland.
Wasiirka Degaanka iyo duurjoogta oo inta aan loo gudo gelin Ansixinta buugaasi madashaasi khudbad ka jeediyey ayaa sheegay in loo baahanyahay in buugaasi la ansixiyey buu yiri loo badbaadiyo degaanka iyo Duurjoogta.
Golaha Wakiilada Puntland ayaa khudbadaasi ka dib loo qaybiyey buugaasi,kuwaasi oo nuqulada u buugaasi ka koobnaa Indho indhayn ku sameeyey.
Barlamaanka Puntland oo gudo galay Ansixinta buugasi ayaa waxaa ogolaaday meel marinta buugaasi Xildhibaano gaaraya 38 sida u ku dhawaaqay Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Barlamaanka Dowlada Puntland Salaad Xarreed halka u ka soo horjeestay hal Xildhibaan oo ka mid ahaa Xildhibaanada goobta joogay.
Dhowaan ayay ahayd marki Golaha Barlamaanka buugan ay horkeenen Wasaarada Degaanka iyo Duurjoogta iyo Hay’adda Care International si loo ansixiyo,hase yeeshe Barlamaanka ayaa waqtigaasi codsaday in qoraalka buugaasi wax laga bedelo.
Waxaana muuqanaaya in Barlamaanku ay ku qanceen qaabka loo soo dhigay buugaasi,waxaana la filaaya in maalmaha soo socda buugaasi la horgeeyo Golaha Wakiilada Wasiirada si ay go’aan uga qaatan.
Si kastaba arimahan ayaa ku soo beegmayaan xilli ay jiraan dhibaatooyin lagu hayo degaanka iyo Duurjoogta Puntland.
C/raxmaan Maxamed Muuse(Ilkacase)
Wakiilka Horseed Media
Garoowe,Puntland.
Hade meeyey nuqulka la ansixiyey. Soo in dadka loo soo bandhigo ma aheyn?
ascww,waa arin fiican in duurjoogta la badbaadiyo lakin waxay u muuqataa wax mar hore loo bahnaa batoo ah duurjoogta iska dhaafe waxaa la dhoofiyaa xolihii aanu hidaha & dhaqanka u laheyn oo la iib geeyey lab & dhedig meesha iyana la dhoofiyey inta badna duurjoogtii gaar ahan goroyadii ,libaxyadii,deeradii & kuwo kale oo badan xitaa dhagaxantii kaluunku uu ku hoydo melaha ka tirsan xeebaha puntland waa la dhoofyey oo weliba dad mamulka sheeganyey baa ka dambeyey baa l eedeynayey marka koley wx walba dab qabasho bey leyihin lakin waxaa iga afeef ah amey tahya qawda maqashii waxna ha ubadan lakin waxan u sheegaya mamulada isbedeley walow ay tooda badan ay ka mid ahayen ilaa 1998 oo puntland la igley oo ay la socdan inta badan waxa meesha ka jira taariikhda ayaa xusi ninkii umaddiisa & dalkisa wado u fala oo lagu daydo jiil jiil ka ka dambeeya marka ‘logow looba joogee’ kloey mamulka puntland hadey noqon lahayd mamulka dowladda ama barlamanka,isimada, wax garadka,hooypyinka,wadaadada, qofkasta oo ka tirsan ummadda reer puntland ama soomaliyeed waxa xil idinka saran yahay dalka & degaanka .
wabilaahi towfiq
kudayo puntland kudayo sida ay dadkeedo yahay ku dayo
maansha’allah waxaa ku dayasho mudan sida ay utashadeen iskuna amineen dadka reer puntland
waxaan walaalahayo reer kunfureedka u soo jeedinayaa in ay xabada iska dayaan oo dadkooda dhinac karacaan