Maxkamada Ciidamada Milateriga ee dhowaan lagaga dhawaaqay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku xukuntay Askari ka tirsanaan jiray Ciidamada Daraawiishta ee Dowlada kaas oo la sheegay in u hore dil ka geystay Magaalada Muqdisho.
Askarigaas oo lagu magacaabo Ibraahim Axmed Maxamuud ayaa lagu eedeyey in u Ex-Kontrool Afgooye bishi aan soo dhaafnay ee October u ku dilay haweenay ka ganacsan jirtay Qaadka.
Xukunka lagu riday Askarigaas oo ah dil ayaa maanta waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyin ka tirsan maxkamada,waxaana ka soo qaybgalay qoysaska haweenayda la dilay iyo Askariga kuwaas goobjoog ka ahaa marki ay maxkamadu ku dhawaaqaysay xukunka.
Tan iyo marki la furay Maxkamada Ciidamada Milateriga ee DFKM ah ee Soomaaliya ayaa waxaa dhowr jeer oo hore Askar ka tirsanaan jiray Ciidanka Dowlada lagu xukumay xukun dil ah kuwaas oo lagu soo eedeyey falal kala duwan.
Inta badan Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa cabasho ka muujiya Askar xiran dareeska Ciidanka DFKM ah kuwaas oo dhac iyo waxyaabo kale u geysta.
Horseed Media.
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!