Dahabshiil
Golis

Porfirio Lobo oo Ku Guuleystey Doorashadii Dalka Honduras

loboMusharaxa mucaaradka muxaafadka ah Porfirio Lobo ayaa u muuqda ninka ku guuleysanaya in uu noqdo Madaxweynaha dalka Honduras ee bartamaha qaarada Ameerika.

Kadib markii la tiriyey laba meelood marka sadex loo qaybiyo codadka la dhiibtey ayuu helay Mr.Porfirio Lobo 56%. Elvin Santos ayaa galay kaalinta labaad kadib markii uu urursadey codad dhan 38%, waxaana uu ku dhawaaqey in laga guuleystey.

Porfirio Lobo ayaa ah 61 jir siyaasi ah, sidoo kale waxa uu xubin ka yahay beeralayda dalka Honduras, waxa uu doorashadii hore ee 2006 galay kaalinta labaad, kadib markii uu ka guuleystey Manuel Zelaya.

Doorashada dalka Honduras ayaa abuurtey rajo iyo yididiilo soo gashay dadka wadankaas kadib muran siyaasadeed oo daba dheeraadey kadib markii la inqilaabay Madaxweynihii hore, wadamo badan oo caalamka ka mid ahna ay xariga u jareen xiriirkii wadankaas, taas oo ka dhigtey mid go’doon ah.

Dadka ka qaybqaatey doorashada ayaa lagu qiyaasey 60%, iyada oo uu madaxweynihii la inqilaabay Manuel Zelaya uu ugu baaqey taagerayaashiisa in aysan ka qaybqaadan doorasho lagu sharciyeynaayo inqilaabkii lagu sameeyay.

RELATED STORIES

Comments are closed.