Sawirka Ninkii ka danbeeyey Qaraxii Hotel Shaamow (Sawiro)

tuhunWaxaa isa soo tareysa dhaliiceynta iyo eedeynmaha ku aadan kooxdii ka danbeysay Weerarkii shalay ka dhacay Hotel Shaamow oo ay ka dhaceysay munaasabad ay ku qalin jabinayeen Ardayda Jaamacada Banaadir.

Qaraxan ayuu ka danbeeyey nin naftii hure ah oo la sheegay inuu soo xirtay Dharka haweenka ama Jalbaab, ninkaasi oo halkaasi ku dilay 22 ruux oo ay ku jiraan 3 wasiir, arday, macalimiin, waalidiin iyo suxufiyiin ku sugnaa goobta munaasabada.

Ninkan la sheegay inuu weerarkan ka danbeeyey ayaa istaagay goob aan ka fogeyn meeshii ay fadhiyeen Wasiirada dowlada ka socday kadibna halkaasi isku qarxiyey xili bartamaha looga jiray khudbadihii ay halkaasi kasoo jeedinayeen macalimiinta iyo mas’uuliyiinta halkaasi lagu casumay.

Kooxda Al Shabaab oo ay dowlada ku eedaysay inay weerarkan ka danbeeyeen ayaa afhayeen uhadlay beeniyey in weerarkan ay ka danbeeyeen. Hase yeeshee kooxda Al Shabaab ayaa ah kooxda kaliya ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya gudaheeda oo horey u sheegatay weeraro noocaan oo ay fuliyey qof naftii hure ah.

HADDII AAD DOONEYSID SAWIRADA OO DHAMAYSTIRAN WAA DAAWAN KARTAA WAXAADNA KU DAAWAN KARTAA ADIGA OO RAALI KA AH OGAANSHANA U LEH IN SAWIRADU YIHIIN KUWO NAXDIN BADAN OO UURKUJIRTU BANAAN KA TAALO  HADDII AAD TAHAY QOF AAN ADKEYSI LAHAYN AMA DA’DAADU YARTAHAY HA ISKU BOOQAN  DIB UGA NOQO

Password: shaamow

HALKAN RIIX SAWIRADA OO DHAMAYSTIRAN: WESBITEKA KUU SOO BAXAY KU QOR PASSWORDKA AH   shaamow

Khalif Ali
Nairobi Kenya

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.