Dahabshiil
Golis

Poll: Yaa ka danbeeya Qaraxyada Puntland

Warbaahinta Horseed Media ayaa samaysey codqaadid ku aadan qaraxyada iyo amnidarada muddooyinkii danbe ka dhacaayey Dawladda Puntland, hadaba Poll-ka oo socdey muddo sadex maalmood maalmood ah ayaa waxaa ka qaybqaatay dad gaaraya 770 qof, ma jirin wax ku soo noq noqosho ah, inkasta oo errorka lagu xisaabtamaa uu yahay 3 – 5%, waxaana ay u dhacdey sidaan:

1. Xarakada Al-shabaab ayaa ka danbeysa waxaa u codeeyay 273 qof
2. Siyaasiyiin Mucaarad ah oo u dhashey Puntland waxaa u codeeyay 204 cod
3. Dawladda Itoobiya ayaa laga soo abaabulaa waxaa u codeeyay 129 qof.
4. Dawladda Puntland ayaa ku legleh waxaa u codeeyay 110 qof.
5. Dadka soo barakacay waxaa u codeeyay 54 qof.

Hadaba waxaa muuqata aragtiyo kala duwan oo laga baxshey, dawladda Puntland oo marar badan farta ku fiiqdey barakacayaashu in ay khalkhal wadaan ayaa muuqata in dadka ka qaybqaatey codeyntan aysan la qabin, inkasta oo ay la qabaan in Al-shabaab lug ku leeyihiin qaraxyada ka dhacaya Puntland.

Dhanka kale waxaa soo baxay in uu jiro tuhun weyn oo laga qabo siyaasiyiin mucaarad ah oo ku kacsan Xukuumadda Madaxweyne Faroole in dad badan ay muujinayaan sida ay macquul u tahay in ay lug kuleeyihiin amnidarada ka socota Puntland, sidoo kale waxaa dadka qaarkiis muujinayaan in ay dhici karto maamulka dhexdiisu in aanu ka marneyn.

Inkasta oo shacabka Soomaaliyeed aysan aqoon dheeraad ah u lahayn arimaha cod qaadida ama Poll-ka, laakiin wadamada horumaray ayaa iska leh hay’addo baaritaan ku sameeya shacabka si loo ogaado qaabka ay u arkaan waxyaabaha socda ama, wax la doonaayo in la hirgeliyo.

Booliska wanaagsan waa labo:

1- Mid ka hortaga intaan faldanbiyeedku dhicin isaga oo isticmaalaya sirdoon sare halkaasna ku baajiya khasaarooyin in ay dhacaan denbiilahana xabsiga u dira.
2- Mid soo qabta denbiilaha sharcigana horkeena.

wax intaas u dhexeeyaa ma jiraan:

[poll id="2"]

Horseed Media
Editorial Team

26 Responses to “Poll: Yaa ka danbeeya Qaraxyada Puntland”

  1. abdirahman says:

    “barakacayaasha kama danbeeyaan yaga toodii la yaaban ee masakiinta yaan lagu gafin waa iga talo “

  2. Halyey says:

    Walalayaal ma aha in la is daaliyo oo runta laga bayro cida amaan xumida puntland ka damaysa way cadahay waana 1ciidankeda amaanka oo caadu uleh tuurashada qaraxa si hawlgal ay ugu helaan tii ay samaynayeen ayaa dad nabada puntland necebna ay ka faa iidaysteen marka puntland waxba yaysan galgalane ha hagaajiso ciidanka amaanka nabaduna way hagaagine

  3. somali says:

    Siyaasiyiin Mucaarad ah oo u dhashey Puntland waxaa u codeeyay 204 cod

  4. xuseen says:

    dadka soo barakay ayaa ka danbeya

  5. Afcase says:

    Markahore waxan salamaya dhamaan shacabka reer puntland kadib hanbalyo ayaan
    Idinleyahay calanka cusub intakadib hadan gudagalo fikirkeyga waxan ahay nin reer puntland aqona wan uleyahay puntland
    Wax yabaha kasocda oo isugujira qaraxyo iyo dilal waxa kadanbeyay…xarakada.allshabab waxayna u adegsanayan dad kabahan ee nabadgalyada usodoontay xarakada..allashabab alownagaqabo dalkakaqabo dad kaqabo

  6. Ramla says:

    sure we knw whos behind all this shit….its just selfishness…they should leave our land alone. God bless punland=)

  7. ibrahim shire says:

    Osman walal aniga qabiil mesha maso gelin, lakin wasiirku asagaa qabaa’il farta ku fiiqay oo raba inuu puntland madaxa isu geliyo,mida kale wuxu difaaca kooxda shahaado la dirirka ah, mesha adka leedahay puntland la’aantood faroole masoo gareen walal ayaga oon jirin aya puntland nabad aheed.
    waxad is waydiisaa dhibaatada ay gacanta kula jiraan oo ah jaajuusida masaajida, isku u adeegida wadamaada ajnebiga ah, fidinta waxyaabaha xunxun sida qamriga, iyo etc.
    walal puntland wa u bahantahay criminal investigation ayada ay u madax banantahay.

  8. osman says:

    waxaa ka danbeeye qaraxyada puntland waa dad shisheeye balse gacan kahela dad reer puntland ah siiba ganacsadata iyo nimanka garka dhardheer ayay ka helaan waayo dadka caadiga ah waxay rabaan nolol iyo nabad laakin alshabaab waxaan aminsanahay awood bay ku leedahay balse waxaan aaminsanahay sida guud waa arin qabiil oo ka danbeeyeen qabaailka koonfur ugu horeyaan shekh shariifka dowladiisa iyo galmudug iyo somaliland iyo jabuuti inay ka danbeeyan fadlan ka fakara cadowga dibada intaad gudihiina egaysaan idinkoo wax kale ku salaynayaaa ps peace for p/l

  9. aniga waxaan aaminsanahay dadka soo barakacay inay ka danbeyay qaraxyadaas sababtoo ah waa dadkii la ogaa oo sida arxandarada ah dadka u dilijiray, teeeda kale dadkan soo barakacay waa basaakin wax kharash ahna ma hestaan hadii lalaaluusho manaxayaan, dowlada ppl waa inay ilgaar ah ku fiirisaa dadka soo barakacay oo allshabab u shaqeeya>>>>>>>

  10. cabdiwahaab says:

    annigu waxaan u malaynayaa in ay ka denbeeyaan PIS maxaayeelay falalkii waxay shacabku ku tuhunsanaayeen in iyagu ka debeeyaan sida u arkaan shacab badan oo reer puntland ah marka waxaan leeyahay ha la iska daayo Dadka masaakiinta ah ee kasoo barakacay dhulka dagaal u yihiin sida qoraxda oo kala maxaayeelay waxaan keenay puntland dhib marka waxaa la la soo dhaweeyo dadkaas masaakiinta ah

  11. MOHAMED says:

    HORSEED-MEDIA WAXAAN KU BOORINAYAA IN AYSAN ALLE KACABSIGA AY SAN KA TAGIN OO AYSAN ASHAHADA-LADIRIRKA AYSAN DIFAACIN RUNTII CIDDA KA MA QARSOONA WAXA AY YIHIIN IYI CIDDA AY U SHAQAYAAANBA (PIS) AMA ASHAHAADO-LADIIRIKA ANAGA OO PUNTLAND U DHALANAY AYAA NICIB MAALIN AYAAN WAX LAGA QABAN DONAA INSHA-ALLAH WAXAA LEYAHAY ISKA BOOBOODA MAALMO WIILASHII WILSSHA AHAA MAALIN UUN BAY IMAANAYAAN GOBOLADAAN INSHA-ALLAH

  12. Mowliid says:

    Dear All,
    Dhamaantiin waad salaamantihiin, salaan kadib haddii aan u gudbo fikirkayga ku aadan qiimaynta siyaasadeed ee amniga Puntland ciddii ka danbayso waa sida tan:
    1. Xisbul Islam + Al Shabaab (Ilaah hanaga qabtee)
    2. Qurun gaallo u shaqayso oo ridda ah (PIS iyo Ethiopia Nacalatulaahi calayka)
    labaduba waxay adeegsaniyaa Internal Displaced iyo Local Peoples. waanna xaqiiq jirto waxba yaan indha la iska tuurin…………. si la isaga horkeenno shacabka iyo Xisbul Islam+Al shabaab waxaa la abuuriya jawi naceeb iyo qarax bulshaduna ay u nacdo kuwaas burcad diimeedka… dhanka kale si loola dagaalamo PIS+Ethiopia waxay abuuriyaan qaraxyo iyo colaad meel walba ay joogaan kuwaas……………. for more information contact with me through electronic mail mowliid_muumin@yahoo.uk

  13. qaali says:

    waxaas oo dhan waxa kadabaye barakacayaasha waa iyga waxa ay ka dagilahadaha wadanaka nabada ah saa waa u qoodhilayihiin oo waxa soo xasuusataa meeshoodi hal ka ay ku danabayeso

  14. agaaaaaaaaaaaaa awowga ala gub cakuyey

  15. kamal says:

    salamu calay kum waxan salamaya dad waynaha meel kasta ha joogen waxan dhahaya calanka puntland oo cusub mahan mid qabiil mana aha in lagu duminayo amniga puntland mana ah mid u gaar ah somalia way ku jirta puntlan mana go in

  16. ibrahim shire says:

    Salamulahi calaykum, salankadib walalyaal aniga fikirkayga waxan qabaa in qaraxyadan farsamaysan ay lugkuleyihiin:
    1. kooxda sirdoonka PIS oo ku magac dheer(shahaado la dirir)waxayna doonayaan inay new projects ku helan,
    2. Alshabaab oo ah koox seef la bood ah, cidwalbana gaalaysiinaysa, oo xalalsatay dhiiga walalaha muslimka ah.

    waxan qabaa inaysan barakacayaashu wax lug ah ku lahayn sababtoo ah guryohoodii ayey amaandaro uga yimaadeen mana qabo inay meel ay nabad iyo soo dhowayn ka heleen qarxinayaan.
    wasiirka amniga puntland wuxu mudan yahay in la casilo sababtoo ah wuu kassoo bixi wayey shaqadiisa, asaga iyo maamulada gobolada iyo saraakisha amniga.
    Talo soo jeedin
    1.waxan kula talinayaa mamulka faroole inuu amniga puntland khasatan magalada dekeda ah u dhibo gashaanle sare cabdirsaq afguud, la ogyahay siduu ugu hagar baxay xiligii col cabdulahi.
    2. Gebi ahaanba la xiro hay’ada fasahaadka ee shahaado la dirirka(PIS)
    3. In la joojiyo xirxirista culumada puntland oo la ogyahay doorka ay kaqaateen tacliinta puntland iyo nabadaba.
    4. In saxafada laga daayo xirxirista iyo caburinta, puntland waxay ka midtahay melaha an saxafad xor ah ka jirin.
    5. In garsoorka puntland wax laga bedelo, sababtoo ah ummad garsoorku ka qaloocsamo way burburtaa.
    mahadsanidin

    • osman says:

      ibraahim shire adiga waxaan filayaa in aad tahay dadka cuqdaadu ka buuxdo adiga iyo dad badan oo aan meesha ka arko waxaad farta ku fiiqaysaan waa qabiil ee idin kama aha wax ha hagaagan waxaan aaminsanahay in puntland pis haday san jidheen aysan maanta faroole soo gareen sanad wasiirka amniga inta uu qabtay wasaarad qabatay bal sheega teede kale shahado la dirirka waa idinka leh waryaa itixaadka iyo alshabaabka la dirirayaa kuwaasa gaalo udhowe

  17. as .c.w dhamantin , arinkan ku sabsan qaraxyada iyo yaa kadanbeya waxan aminsanahay ,waxa so abaabulaya qorshahan waa cadow shisheeye ah oo ay kow katahay itoobiya,sirdoonkeeda, ujeedadeena ay kamid tahay in dagalo iyo iska hor imaad lagu abuuro deganka puntland iyo inta nabada ah ee kasoo hartay qaranka somaliyeed, waxayna u adeegsan karaan koox walba oo kayeesha in ay u fuliso sida , siyaasiyinta, oo leh iyaguna dana gaar ah, iyo shaqsiyad baahan oo lagatay, siyaasad kadanbeysana ay tahay in amandaro lagu abuuro, goboladan nabadgalyada ah, macanaha waa qorshe kamid ah duminta iyo burburinta lagu hayo dalka soomaliya, qorshuhu waa uu kaweyn yahay sidad moodeysid, qorshahana waa qorshoyinka loogu talagalay inta kahartay soomaliya,in lagu dumiyo,

  18. DR Yusuf issa says:

    Aad baan uga xumahay codqaadintaan ku saleysan marin habaabin qaraxyada puntland ka dhaca waxaa ka danbeeya
    1. PIS ururka shahaado la dagaalanka umaddii ay caburiyeen iyo fuxshiga ay ku sameynayaan wadanka jawaabteeda weeye,mana aminsani iney joogsanayaan inta groupkaas laga qabanayo wadanka.
    2.Siyasiin kasoo jeeda Puntland oo la shaqeynjirey cade muse iyo c.laahi yusuf kuwaas oo u arka iney iyagu xalyahiin balse hoog ah.
    3.Fashilka qeyb kamida maamulka faroole siiba Wasiirka aminiga,Gudoomiyaha gobolka bari Duqa degmada Bosaso iyo counsilkiisa,iyo taliyaasha ciidamada poliska iyo nabadsugida oo meesha waxba ku hayn .
    intaas wax dhaafsiisan oo qaraxyadaas sabab kuleh waa marinhabaabis cad,kana joojiya codeynta qarsoodiga ee ah marinhabaabiska.
    Mahadsanidin

    • Abshir Said says:

      Yusuf waxaan filayaa wax cusub lama aadan imaan: PIS waa Dawladda Puntland Dhexdeeda waana hay’ad kamid ah waana lanbarka 4aad, tan labaad ee aad ka dhawaajisey waa midda lanbarka labaad gashey ee ah Siyaasiyiin u dhalatay Puntland wax marin habaabis la yiraahdo ma jiraan ama wax akhri intaadan soo qrin ama iska daa.

      Horseed Media

  19. fahad mohaned qali says:

    ASC…dhamaan muslimiinta aynu nahay walaha..ee meel walba ku bool..
    …aniga fikrad ahaantayda..waxaan ku qiyaasi karaa qaeaxyada ka dhaca..puntland in ay fara ku lee yihiin xarakada AL-shabaab..aniga oo ah reer puntland…maan oran karo somaliland ayaa ka danbaysa..sababta oo ah..somalilanda waa ay ka dhacaan qaraxyadaas…marka fikradayda waa sidaa al..shabab…

  20. hortaa waad salamantihiin dhamaan dadkaa ka shaqeeya horseed media kadib aniku taas ba maqabo waxaana qaba fikrad ka kaar ah maxa yeelay aniku aqoon baan u leeyahay puntlland markaa waxaan aaminsanahay inay qaraxyadaan ka danbeeyaan cadaw ay lee dahay maa mulka puntlland oo somaliland oo adeeksanaysa dad callool shaqaystayaal ah markaa waxaan lee yahay arin ku waa saas ha lo ogaado dadka puntalland wasaa laamu calaykum jawwwwwwwwwwwwwwwwwww

  21. xasan says:

    waxaa ka dambeeya cadawga soomaaliya iyo islaamka oo doonaya in dadka muslimka ah ee walaalaha ah ay cadaawad dhexdhigaan oo ay isku diraan iyaga oo doonaya in ay ra’yul caamaka dadka ka soo horjeediyaan xarakooyinka islaamiyiinata ah si dadku ay u la coloobaan cid kasta oo sheegata inay kitaabka alle wax ku xukumayso

  22. Abdullahi says:

    Waa run sadaashan, laakin anigu waxan aminsahay in barakacayashu alshabab u soo adeegsato fulinta falalkaas oo kale ileen alshabab waa qeyb ka mid ah shacabka una badan konfur barakacayashuna waxay ka yimaden koonfur marka adeega fuliyayaasha howsha waa barakacayasha .. thnks horsed

  23. geeraar says:

    horseed media hawsha saas ku wada
    waa loo baahanyahay codaynta inaad samaysaan
    laakin erayga ‘poll’ wa af qalaad ee soomali u raadiya