Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Weriye Maxamed Yaasiin Isxaaq oo Weli Xabsiga Ku Jira Maxkamad La’aan

Weriye Maxamed Yaasiin Isxaaq oo magaalada Gaalkacyo uga soo warami jirey idaacadda VOA ayaa weli ku jira gacanta laamaha amniga ee Puntland.

Maxamed Yaasiin Isxaaq ayaa laga soo qabtey magaalada Gaalkacyo 21.12.2009 saqdii dhexe isaga oo qoyskiisa la hurda, waxaana soo xirey ciidanka PIS-ta ee Gaalkacyo.

Weriye Isxaaq ayaa loo gudbiyey isla markiiba magaalada Garoowe waxaana uu ku sugnaa halkaas muddo kooban.

Wararka ugu danbeeyay ee aan ka helayno xaaladda Weriye Isxaaq ayaa sheegaya in loo dhaadhiciyey magaalada Bosaso laguna hayo xabsi ay gaar u leeyihiin Ciidmada PIS-ta.

Xoghayaha ururka MAP oo ah dalad mideysa suxufiyiinta Puntland Burhaan Axmed Daahir ayaa ku tilmaamey xariga weriye Isxaaq mid aan sharciga loo marin oo si argagixisnimo ah gurgiisa habeenbar loogu dhacay, taas oo ka baxsan qaynuunka uyaala Puntland.

Dhanka kale dastuurka Puntland ayaa qoraya qodobkiisa 26aad faqradiisa 4aad:  Eedeysane kasta waa in 48 saacadood gudahood xariggiisa maxkamadi ku xalaaleyso.

Hadaba weriye Isxaaq ayaa maalintii todobaad silsilado ku xiran wax maxkamad ahna lama soo taagin waxaa la isweydiinayaa xuquuqda muwaadin ee Puntland miyaanu lahay weriye Isxaaq maadaama 48saac ka badan xabsi lagu hayo, iyada oo aysan jirin maxkamad xalaaleysey xabsigiisa.

Sidoo kale Weriye Isxaaq ayaa loo diidey in ay soo booqdaa saaxiibadiis iyo ehelkiisi taas oo meelkadhac ku ah dastuurka u yaala Puntland: qodobkiisa 26aad Faqradiisa: 6aad. oo u dhigan sidan:  Eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay in ay soo booqdaan eheladiisa, qareenkiisa, dhakhtarkiisa iyo asxaabtiisa, waana la damiinan karaa haddii sharcigu oggol yahay.

Dawladihii soo maray Puntland ayaa dhamaantood ka sinaa tacadiga iyo xabsiyada loo geysto weriyaasha, waxaana dhamaantood masuuliyiintu ay sheegtaan in saxaafadda Puntland ay xumaanta sheegto isla markaasna buun buuniso, taas oo ah mid xaqiiqda ka fog, saxaafaddu waxa ay sheegta waxa ka dhacaya dalka haddii ay wanaag sameeyaan madaxdu iyo haddii kaleba, waana isku xiraha bulshada iyo dawladda, waxaana inta badan waxqabadka madaxda soo bandhiga oo dadka la socodsiiya waa saxaafadda, waxaa jira hanjabaadyo loo direy qaar kamid ah saxaafadda Puntland, waxaana lagu tilmaami karaa waqtigii ugu xumaa ee abid soo mara saxaafadda Puntland.

Xukuumada hadda ee Puntland ayaa saxaafaddu ka rajeyneysey in wax badan ka duwanaato kuwii ka horeeyey, gaar ahaan Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo marka la eego aqoonta uu leeyahay, iyo isaga oo lagu tilmaami jirey nin saxaafadda saaxiib la’ah, laakiin rajadaas ayaa u muuqata mid ceeryaamo isku qarisey, mana ahan mid amniga Puntland wax u qaban karta in la cadaadiyo saxaafadda madaxa banaan, isla markaasna cadow laga dhigto, ayadoo saxaafaddu tahay midda isku xirta Bulshada iyo maamulka.

Hussein Farah
Horseed Media

26 Responses to “Weriye Maxamed Yaasiin Isxaaq oo Weli Xabsiga Ku Jira Maxkamad La’aan”

  1. waxan layabanahay midkan iska hadlayo oo an murtida ku hadlaynin mohamed yasin wa wiil xaqiiqda ka hadlo ilahayna xikmad ugu deeqay dowlada puntland wayku qaldantay xarigii wariyaha rali galina wa laga bixiyay marka warka ad wadan halkas ku joojiya mohamed yasiin noolow

  2. puntlland waxay wariyaha muwadinka ah ku samaynayso haka fiirsato maxayelay wax an sumcad xumo ka aheen uma soojidayso runtii wa wax ad loga xumado waxyabaha ay boliska kula dhaqmeen wariyaha ushaqeenaayo shacabkisa

  3. Puntite says:

    Ninkii danbi gala sida dadka ayauu la mid yahay, in sharciga la soo taago weeye oo la xukumo, hadii uu yahay cadowga puntland(enemy within ) waa in jaasadiisa la mariyaa.

  4. waxaa wax aad looga xumaada ah dad aan is qabanayn kooda qaldan iyo kan kalaba ani garan maayo waxa lagusoo eedeeyay eedaysanahaa laakiin dastuurka puntland hadaan raacno waxa uu qorayaa inqofkasta 48saac gudahood danbigiisa maxkamadda loohorgeeyo marka ani shaqsi ahaantayda mafahmin arrintan kollay waxbaa jira!!!

  5. aramko says:

    marka hore tan Puntland iyana sidi daahir diyaale ayay bilawday mise waa macnakale waxn oo uxidhan yahay Maxamed Yaasiin Isxaaq oo waa wareey tii puntlanda ma s/land ayay lamid noqotay

  6. caaqilka says:

    salaan kadib maxamed cise waxan leeyahay maxamed yaasin waa nin reer puntiland ajnabi maahan wadankana xaq buu ku leeyahay danbi uu wadanka kagalay maanan maqal ee waxa loo haystaa maahan danbi waa tacadi kadhan ah saxaafada somaliyed haduu danbiile yahay danbigiisa maa lasheego maxaa loogu tumanayaa dasturka puntland oo uu qax u leeyay in lahorgeey maxkamad sdoo kale waxaa iswaydiin mudan yaa haysta mapuntland mise pis ta maxamed ciise hadalkaaga waa hadal waxashnimaa kan haysta iyo adiga isku caqli baad tihiin maxamed yasina xornimadiisa gacantaada kuma jidho in gardaro lagu haystana shacabka reer puntland waa og yihiin ilaah iyo umad wax garad ah buuna leeyahay marka walaal hadalkaaga wanaaji laiskama hadlee mahadsanidiin

  7. Muxiyadiin Waddani says:

    Xarigaasi wax aan magacxumo ahayn Puntland u soo jiidi maayo, bal eeg waxa uu qorayo Waagacusub.com, dadka Puntland neceb oo dhan baa ka faa’iideysanaya oo bedelaya sheekada.

  8. M c j says:

    Marka hore Aslma clykum, salaan ka dib waxaa fiican inaynu iska dayno wax xun sheega aynu caadaysanay “NNNKH wuxuu yiri wax san ku hadal ama iska aamus” marka ereyga ah saxaafadu waa xor marka la leeyahay, ma la iswaydiiyey ilaa intee bay xor tahay?.
    Saxaafad waxay rabto run iyo been aan kala socayn , dadka isu diraya, Dadka aflagaadaynaya , barabogaando iyo iska horkeen caadaysatay marka la xirana leh saxafadu waa xor wll xornimada noocaasa oo aad reer galbeedka ka maqashen waa been ee iska hubiya iyaguba kuma dhaqmaan.

  9. Garaad says:

    Maxamed Yaasiin waanin wadani ah oo wariye ah oo aan waxba udhimin pis Ee shaqadiisa gudanayay mana ahan nin khaa inwadan ah laakiinse waaloo xoogsheegtay oo wax matarayaashii baa sicadadi kujidho uqafaashay qaar baa kuqoray halamasaafiriyo waa liidnimo inaad saas uhadashaan maxamed yaasiin ma aha ajnabi ee waanin muwaadin ah oo kudhashay kuna sookoray waxna kubartay Gaalkacyo sixoriyad ah buuna u joogay eecidna magan umanoqon mana noqon doono magan aan ahayn maganta allaah waana arkidoonaa in shaa allaah isagoo xor ah iyo Cidlooga barya tagayaana majirto xoriyadiisa sas ogaada

  10. abdi Hassan says:

    waxaa la yiri hooyo baa wiil keedi hadli waa yey markaas bay tiri allow iiga hadli iyada oo aan ku darin wax san, maalintii dambe buu hadlay oo yiri wax aan loo fadhin, waxaa xiktey allow iga aamusi, hada media da Cadde allow naga qabo bay dheheen kuma darin mid dhaama, waxaa u badaley mid aan xitaa caruurtiisa laga nadad galayn..

  11. Mohamed says:

    Asalamu caleykum all .waxan rabaa inan u iftimiyo akhristiyasha horseedmedia in arinta wariyahan ay tahay barorta orgiga kaweyn. Waxaa jira shuruc saxafada ay ledahay oo xadeyn ama limit u sameysa saxafiga wuxuna yelanaya xuquuq u leyahay iyo wajibaad saran.hadaba xuquqda waxba lagu mutesta wajibadkana tasbay dabasocota ee wariyahan iyo kuwa kalaba ma mutesten xuquqda sharciga u ogolyahay? Jawabtu wa maya.sababta canshur mabaxsho aqonsi ma mulka masin so marka horaba wuxu kushaqenayaba so sharci daro mahan.bal u firsada walalayal qaladka waxa weye marki horaba sharciga laguma dhaqmin hadana sharci ba laga hadlaya. Wabilahi towfiq.

  12. Abdi says:

    Ninkaan far baa ku mudan ee sababta VOA u badaliwaysay maxay tahay?waa markii labaad oo la xiray horayna waa looga digay howlaha uu faraha kula jiray,xataa hadduu Alqaaciida yahay Puntland ha ma saafuriso,laakiin yaan xabsi lagu hayn.

  13. abdirizak mohamed says:

    Asc waaxaan salamayaa horseed media iyo dhamaan saxafada rer buntland ee runsheega ah waxaa wax aad looga xumaado ah wariye mohamed yasin isxaaq oo si waxashnimo oo gardaraa loo xiray waxan ugu baaqaynaa hadaanahay qurba joogta bunland in si shuruud la aan ah xoriyadiisa loosiiyo.hadii wax cad lagu hayana naxkanad lasoo taago.qolada xirtayna waa asha haado ladirir qofkii difacaya waa qof aan diin lahayn sas ha ogaado nabaday

    • waan saalamy dhman wariyasha ka hawul gaala puntland iyo somaliy runtii waxaan uu arka xariga sharci darada ee lagu hayisto maxamed yasin inu yahay mid ay puntland ku ceebay say sharafteedi iyo magacii ay adunka ku lahayid intaba waana xaq daro in muwaadin intaad xabsi lagu haysi to

  14. Ex Qardho Man says:

    salaama akhyaarta khaasatan bahda horseed<
    wariyaha hadii laxiray sida saxa ah in uu maxkamad arko ayey ahayd oo aan Jailka lagu hayn.. lakin hadiiba ay dhacday WAXAY KU DHACDAY BAA MEESHA KU JIRA.. waxaa laga yaabaa intaan dhamaanteen ka ognahay arintan iney kabadan ogtahay Dawladu..
    lakin aniga waxa iga yaabisay Media du waxay u shaqaysaa waa qowmiyada meesha degan ha ahaato bulshada noocyadeeda kala duwan marka lagu daro dowlada ilayn askarigu ama wasiirku intuu shaqada noo hayo buu magacaas leeyahay markuu shaqada ka boxo ama gurigiisa tago ha ilaawin inuu SHACAB YAHAY….
    Media dii baa waxay u ekaatay xisbi mucaarad oo ISKU DHERERINAYA DOWLADII.. talaabo walba ay dowlada qaado baad dadkii qalad uga dhaadhicinaysaan….
    ma aqoon yari bay idin ka tahay ma aqaan ma website kii dawlada daba dhigta baad maqasheen suuq buu leeyahay ama dadkaa mooda inuu runta qoro … waxaad iska dhaadhiciseenba arintiinu SUXUFI NIMO way dhaaftay…
    waxaan idin oran lahaa shacabka iyo dowlada halakala ilaaliyo …
    BAL WAXAAD WADA AQRISAAN INTA QOF OO HALKAN COMMENTGA KU DHAAFTAY 90% WAXAY JECEL YIHIIN IN DAWLADA SHAQADEEDA LOO DAAYO WAANA KU TAAGEERSANAHAY SHAQADA AY DOWLADA NOO HAYSO!!!! THINK ABT IT

  15. asc wixi laga shakiyo ha la baaro laakiin tacadiga ha laga daaayo saxafada mohamed yaasiin haduu dambi leeyahay maxkamad ha la keeno ee hadii aan lagu haysan dambina xoryadiiisa ha loo soo celiyo ayaan ka codsanaynaa mamulka puntland inay sida ugu dhakhsiyaha badan u siiyaan xoriyadiisa

  16. C/ MAXAMED MUUSE says:

    UGU HORAYN WAXAAN SALAAMAYAA DHAMAAN REER PUNTLA SALAN KABID,

    WAXYAA LAYAAB AH IN AY MAAMULKA AFWALIIJO UU CAADAYSO IN XIRXIRO SUXUFIYIIN REER PUNTLAN WAXA UUN DOONAYAA IN UU CABURIYO SUXU FIYIINTA WIILKIISA OO HAYSAYT QALBKII RADIO GAALKACYO EE GARAWE 2000 UU BILIQAYSAT WAA GII UU AHAA WASIIRKA MAALIYAD PUNTLAND

    TALNABAA WAXA UU MAGABAY MID QON AH OO WASIIR KU SHEEG WAXA ENT KA SIIDAYEY MAXAMED YASIIN ISXAAQ WAA AL QACIIDO (KKKK) WAA INTUU UUU U SHEEGAY MAXADWEN AFWALIIJO,

    WAXA UU KA RABO SAXAAFADA PUNTLAN IN AY NOQOTO TAN KOON FURTA OO KALE RADIO KASTA IN YEESHO QABIIL GOONI AH

  17. Salaan Sare marka xigta aad ayaan uga xumahay xarigga sharci darada ah ee dowladda Puntland uu wali u xiran yahay Wariye Maxamed Yaasiin Isxaaq,waana cambaaraynayaa aniga oo ku hadlayay afka suxufiyinta reer Puntland.

    Waxaana Dowladda Puntland laamaheeda amaanka ee gacanta ku haya Maxamed Yaasiin Isxaaq ugu baaqayaa in ay iska siidaayaan haddii kale Sida Ugu dhaqsaha badan Maxkamad u soo taageen.

    Waayaab Waayaab dambiga Maxamed Yaasiin lagu haysto waxaaba badan kay Puntland naf ahaantiisa ka gashay.

    Ugu dambeyntii waxaan leeyahay Puntlandney Wariyaha xaqdhowr.

  18. that is good waa in la cadaadiyo maxaa yeelay saxaafada looma adeegsado kicinta shacabka iyo fidinta masoobooyinka wariye la xiro oo la xukumo waxaa k wanaagsan tubta toosan ee puntland maamulkana waxaan leenahay qofka xun waxaa ka wanaagsan bulshada inteeda kale ee hala badbaadiyo mahadsanidiin

  19. bur haan says:

    ASC WR WB MAXAMED CIISE SHARCIGA CIDANA KAMA WAYNA SHACAB KANA WAXAY HORO MAR KU GARAN CADIL DACADA OO KANA KU XIGA IYO KANA REER HEBAL AH AAN AQOONIN MAXAMED YASIIN WAA WARIYE UNA DHASHAY PUDLAND HADII WAX LAGU HASTO ILAH BA QALDAMINE HALA SOO TAGO MAXKAMAD OO DACWADIISA MADIYAHA LA LOO SOO DHIGI ADIGABA IN LAGU HASTO ANIGU MA OGALI MEDIYUHUNA MA OGALA EE WAXAY RADIYAAN XAQA DHIBANAHA HADII LAGA AAMUSANA WAA XAQDARO

  20. Galkacyo says:

    war waada biile wayan aniga kawar hayean oo galkacyo ku suga horseed media beenta maficna ninkan ma rabo inay puntland heer gaarto marka waa nin ay VAo usoo dirsatay duminta Dawlda Puntland

  21. Mohamed ciise says:

    Horta marki qof wariye ah la xiro maxay reer media oo dhan afka qaylo ugu shubtaan … qofku media ha ahaado balse waa la xiri karaa haddii uu khalad sameeyo free speech waa jiraa laakin meel kasta ood dunida joogto waxa rabtid kama shekayn kartid adigon cadayn iyo xog aad hubtid aan hayn haddii qofku uu ka wax isku dir ah ama lid ku ah jiritaanka puntland then ha la xiro maxkamadna in la so taago waxay ku xiran tahay availabilityga waayo waxa laga yaabaa in courtroomku buuxaba. waa midda labaade maqaalka waan akhriyey waxad no sheeegteen gaalkacyo baa laga so kexeeyey garowe ba la keenay ma hubtaan in boosaaso la keenayyy seee marka ku ogaaaaateeen in silsald uu ku xiran yahay io in u qol ku xiran yahay iyo inu guri xiran yahay ….!!!!!!!! think Reer mediayoow intaydan wax qorin waxa la idinku xirayo waa dagaal aad dowladda kula jirtaaan noqda shacab si xaq ah warka u so tabiya. salaaaaaaaaaaaam.

    • Abshir Said says:

      Mohamed Ciise afka aad ku hadlaysaa waa ki dawladda, waxaase aan ka ognahay Xaaladda Maxamed Isxaaq in ka badan inta aan soo qorney, laakiin haddii aad u hadleyso Dawladda why? ayaa dastuurka u der deraysaan oo maxkmad loo geyn waayey weriyaha? si loogu ooga danbiga uu galay

      • Wadani Somalian says:

        REER MEDIA WAA CADOWGA DADKA IYO PUNTLAND
        WAXAAY U SHAQEEYAAN AGENCYO AAN SOMALIA DAN KA LAHEEN. MARKA HORSEED MEDIA ILGAAR AH AYAAN IDINKU HEYNA SIR BADANA WAAN HEYNAA. PLZZZZZZZZ RUNTA SHEEGA NINKA XIRAN WAA DANBIILA SHARCIGANA WAALA KEENA HIILADA MEDIA NIMADA JOOJIYA. SALAMA

  22. bur haan says:

    Asc waxaa nasiib daro ah in meeshii la rabay in lagu day do dadka macno laa aan loo xirayo marka maamulka waxaa laga rabaa cadaalad maxamed yasiin haduu dabi galay ha lakeeno maxkamad hadii kalan halasii daayo magdhawna ha la siiyo maxkamadaha waa inay ilaaliyan sharciga oo aan dhaliil lala damacsan yahay ay gartaan wa bilaahi tafiiq by