Dahabshiil
Golis

Bayaan, Cambaareyn iyo Baaq ku socda Maamulka Puntland.

Qoraalkan waxaa lagala xiriiri karaa, Afhayeenka jaaliyadda beesha leelkase ee qurbaha:Maxamed Cali Madhoodho
madhoodhe_251@hotmail.com
Tell 4917626926900

Ku: Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxwaynaha Puntland.
Ku: Cabdisamad Cali shire, Madaxwayne ku xigeenka Puntland
Ku: Cabdirashiid Maxamed Xirsi gudoomiyaha BDGP
Ku: Odayaasha iyo waxgaradka beeshe leelkase ee Maamulka Puntland
Ku: Culumada,Isimada, Aqoonyahanada iyo Ganacsatada Maamulka Puntland.
Ku: Dhamaan Warbaahinta ka hawlgasha Dawlad goboleedka Puntland.

Anagoo ah Cuqaasha, waxgaradka, aqoonyahada, dumarka, iyo ganacsatada beeshe leelkase ee ku nool dalalka waqooyi mareykanka, yurub iyo carabaha waxaan bayaan ka soo saarnay xaaladaha ka soo cusboonaaday Dawladda Puntland bilihii ugu dambeeyay taasi oo horseeday Ammaan xumo, dil, iyo dagaalo wax u dhimay amaankii iyo sharaftii ka jirtey Maamulka Puntland.

Waxaan aad uga Xunnahay dilalka, qaraxyada iyo dhibaatooyinka dhawaanahan ka dhacay dhamaan gobaladda iyo magaalooyinka Puntland ee nabada iyo xasiloonida lagu yaqiiney.

Waxaan aad uga xun nahay qarixii iyo isku daygii la rabey in lagu khaarajiyo gudoomiyaha baarlamaanka Dawladda Goboleedka Puntland Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo qarax lala eegtay bishan Diseember gudaheedii.

Waxaan aad uga xun nahay dagaaladii dhawaantan ka qarxay magaalada gaalkacyo ee gobalka Mudug ee u dhaxeeyay dhinacyada Puntland iyo galmudug kaasi oo xaqiiqdii waxyeelo u geystay shacabka birimageydada ah ee walaalaha ah ee ku kala nool waqooyiga iyo koonfurta magaalada gaalkacyo.

Waxaan sidoo kale aad uga xun nahay qaar kamida ciidamada Ammaanka ee Puntland oo tacadiyo u geystay qaar kamida wariyaasha ka shaqeeya warbaahinta ka hawlgasha Maamulka Puntland gaar ahaana gobalka mudug iyadoo qaar kamidana xariga aan jawaab iyo dacwad lahayn loo gaystay ilaa hadana uu ku jiro gacanta ciidamada sirdoonka ee puntland (Puntland Intelligence Service), halka qaar kalana la isku dayay in lagu khaarajiyo gegida diyaaradaha ee Magalada Galkacyo taasi oo aanan ilaa hada wax jawaab ah aysan ka bixin ciidamada booliska magaalada gaalkacyo ee gobalka Mudug oo uu ugu horeeyo taliyaha booliska G/sare Muuse Axmed Cabdiraxmaan (Muuse Xasaasi).

CAMBAAREYN

Anagoo ah cuqaasha, waxgaradka, aqoonyahada, dumarka iyo ganacsatada beesha leelkase ee ku nool qurbaha waxaan si buuxda u cambaareynaynaa:

1- Ugu horeyn waxaan cambaareynaynaa Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud faroole madaxweynaha maamul goboleedka puntland oo aanan wax jawaab ah ka bixinin dhibaatooyinka iyo tacadiyada loo geystay weriye Maxamed Yaasiin Isxaaq oo ilaa hada ku jira gacanta ciidamada sirdoonka puntland ilaa iyo hadana aan la garaneyn waxa lagu haysto iyo halka uu ku sugan yahay magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

2- Waxaan dhaleecayntaasi mid lamida u jeedinaynaa Cabdixakiim Axmed Guuleed wasiirka warfaafinta puntland oo mar uu Wareysi siinayay idaacadda BBCda laanteeda afka Soomaaliga Wariye Maxamed Yaasiin sheegay in wax cad lagu hayo wariyaha isagoona ilaa hada shaaca ka qaadin waxa lagu haysto weriyahaasi.

3- Sidoo kale waxaan cambaareynaynaa ciidamada sirdoonka Puntland ee loo yaqaano PISta oo tacadi iyo xarig u geystay wariye Maxamed Yaasiin Isxaaq, oo si sharci darro ah habeen Madoow ay gurigiisa kala baxeen iyagoonan haysan warqada u fasaxaysa iney xiraan islamarkaan ku xadgudbay xuquuqdiisa muwaadinimo.

4- Sidoo kale waxaan cambaareynayaa qaar kamida ciidamada booliska ee gobalka mudug oo 17kii bishii November dhaawac u geystay wariye Maxamed Yaasiin Isxaaq, taasi oo uu taliyaha booliska gobalka mudug G/sare Muuse Axmed Cabdiraxmaan (Muuse Xasaasi) uu sheegay in arintaasi gudi loo saaray oo la baarayo iyadoona ilaa hada wax jawaaba laga bixinin taasina ay muujinayso dhibaatada ay geysan karaan qaar ka tirsan ciidamada booliska Gobalka Mudug .

5- Waxaan sidoo kale cambaareynaynaa dhamaan cidii isku dayda iney khalkhal iyo ammaan xumo ka abuurto nabadda iyo xasiloonida ka jirta Maamulka Puntland.

6- Cambaareyntaasi waxaan mid lamida cambaareynaynaa isku daygii la rabay in lagu khaarajiyo Wariye Xasan Maxamed Jaamac (Jidka) oo isaguna ka mida madaxda warbaahinta ka hawlgasha Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

BAAQ

1- Waxaan ku baaqeynaa in la adkeeyo Ammaanka iyo xasiloonida maamulka Puntland, ayna tahay mid muqadasa iney ka qeyb qaataan dhamaan bulshada qaybeheeda kala duwan loogana dambeeyo Xukuumadda Maamulka Puntland.

2- Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan masuuliyiinta kor ku xusan oo uu ugu horeeyo madaxawaynaha maamulka puntland mudane Cabdiraxman sheikh maxamed maxamuud faroole iney xaqiijiyaan iney xoriyadiisa dib loo siiyo weriye Maxamed Yaasiin Isxaaq oo aanan ilaa hada la garaneyn waxa ;lagu haysto iyo meesha lagu hayo.

3- Waxaan ku baaqaynaa in la garawsado in Muwaadinka Maxamed Yaasiin isxaaq uu yahay muwaadin soomaaliyeed kana soo jeeda Maamulka Puntland oo uu kamid yahay wariyayaashii Puntland kazoo shaqaynayay tan iyo 1993 oo ay ahayd 5 sano ka hor aasaaskii Maamulka Puntland ayna tahay arin raqiisa in haatan ciidamada PIStu ay xabsiga dhigaan muwaadin intaasi kkasoo shaqaynayay gobalada Puntland oo aanan garanayn waxa lagu haysto.

4- Waxaan maamulada Puntland iyo galmudug ugu baaqaynaa iney xaqiijiyaan nabadda iyo xasiloonida magaalada gaalkacyo iyo dhamaan gobalka mudug si loo xaqiijiyo iney nabad iyo iyo is afgarad kuwada noolaadaan shacabka soomaaliyeed ee walaalaha ah eek u wada nool Gobalka Mudug.

5- Waxaan ugu baaqaynaa ummadda soomaaliyeed ee walaaleheen ah ee ka soo cararay gobaladii ay daganaayeen ee koonfurta soomaaliya oo ay ka socdaan dagaalo arxan darro ah iney ka qeyb qaataan nabadda iyo xasiloonida ka jirta maamulka puntland ayna niyadda gashtaan in koonfurta soomaaliya iyoo puntlandba ay yihiin gobolo soomaaliyeed oo ay xaq u leeyihiin iney ku noolaadaan ka shaqaystaan isal markaana wax ka bartaan.

6- Waxaan baaqaasi mid lamida u direynaa madaxda, golaha wasiirada iyo saraakiisha ciidanka iney xaqioijiyaan in falal cadaawad muujinaya aysan ciidamada iyo shacabka puntland qaarkood kula kicin shacabka soomaaliyeed ee walaaleheen ah ee dagaalada iyo ammaan darada uga soo cararay gobalada koonfureed.

7- Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Puntland guud ahaan gaar ahaana madaxda gobalka mudug iney joojiyaan dhibaatada iyo cagajugleynta lagu hayo warbaahinta xorta ah ee gobalka mudug isalamarkaana la xaqiijiyo in sharciga iyo qawaaniinta u degsan saxaafadda ka hawlgasha Puntland lagu dhaqo islamrkaana la sameeyo sharci lagu qeexayo Qawaaniinta iyo anshaxa saxaafadda
(Lawn and ethics of media).

8- Waxaan baaqaasi mid lamida u direynaa warbaahinta ka hawlgasha Maamulka Puntland iney dhawraan sharciga iyo anshaxa saxaafadeed islamarkaana ay ka fogaadaan wax kasta oo wax u dhimi kara amniga, xasiloonida, sharafta iyo jiritaanka Puntland.

9- Waxaan sidoo kale baaq u direynaa odayaasha, waxgaradka, aqoonayahada siyaasiyiinta iyo ganacsatada beeshe leelkase ee ku sugan gudaha Maamul Goboleedka puntland iney ka shaqeeyaan sidii uu dib xoriyadiisa ugu heli lahaa weriye Maxamed Yaasiin Isxaaq ayna u xaqiijiyaan in sharciga la horkeeno askarigii dhaawaca u geystay weriyaha bishii Nov ee sanadkaan.

10- Ugu dambeyntii waxaan baaq iyo codsiba u direynaa madaxda maamulka puntland ooo ugu horeeyo madaxwayne Cabadiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole inuu xaqiijiyo sidii uu weriye maxamed yaasiin isxaaq uu dib ugu heli lahaa xoriyadiisa isalamrkaana sharciga la horkeeno dadkii ka dambeeyay dhaawicii 17kii Nov lagu dhaawacay wariye Maxamed Yaasiin Isxaaq.

Qoraalkaan cadeynaya cambaareynta iyo baaqa ku wajahana masuuliyiinta kor ku xusan waxaa idin soo direy cuqaasha, waxgaradka aqoonyahanada, Duamarka iyo ganacsatada beesha leelkase eek u dhaqan dalalka Waqooyiga Mareykanka, Australiya, Yurub iyo Dalalka Carabta.

1-Cabdullaahi Ugaas Maxamed Wakiilka Ugaaska Guud ee Beesha Tanade.

2- Cabdinaasir Ugaas Axmed Ugaas Maxamed.

3-Suldaan Maxamed Jaamac Shire.

4-Suldaan Subeer Xaaji Maxamuud.

5-Suldaan Siciid Cabdi Maxamuud (X,Nool)

6- Maxamed Garaad Maxamuud.(Afar-indhood)

7-Dr.Khaliif Muuse Samatar.

8-Dr.Cabdullaahi Axmed Karaani.

9-Dr.Cabdullaahi Salaad Dude;

10-Prof.Ismaaciil Qaali Samatar.

11-Dr.Cismaan Qaali Samatar.

12-Prof.Cabdiraxmaan Qaali Samatar.

13-Prof.Maxamed Xuseen Ilka Dahab.

14-Dr.Cismaan Salaad Xaaji Cabdi.

15-Eng.Abshir Cismaan Qayliye.

16-Dr,Shucayb Yuusuf Xaaji Cabdi.

17-Eng.Maxamed Cabdulqaadir Marshaale.

18-Eng.Yuusuf Maxamuud Cilmi.

19-Eng.Jaamac Xirsi Cabdi.

20-Eng.Bile Aadan Sooldaad.

21-Eng.Xasan Yuusuf Xaaji Cabdi.

22-Eng.Cumar Maxamuud Sowjar.

23-Prof.Siciid Cali Jaamac Diini.

24-Eng.Jaamac Cali Jaamac Diini.

25-Eng,Cabdirashiid Cali Jaamac Diini.

26-Duuliye Sare Faarax Salaad Gendershe.

27-Prof.Maxamuud Nuur Wardheere.

28-Eng.Axmed Cabdi Xasan nooli.

29-Cabdirisaaq Caafi Axmed.

30-Siciid Axmed Gurey.

31-Maxamed Aadan Sooldaad.

32-Cabdi tahliil Geesood’

33-Cabdi Salaad Xaaji Cabdi.

34-Dr.Raage Cabdulqaadir Marshaale.

35-Dr.Cawil Cabdulqaadir Marshaale.

36-Yuusuf Cbdulqadir Marshaale.

37-Eng,Liibaan Abshir Shaarlood.

38-Xarbi Abshir Shaar lood.

39-Axmed Jaamac Ismaaciil Kilwe.

40-Cali Xaaji Shire Xaaji Axmed.

41-Cali Maxamuud Jirac Cali qoorgooye.

42-Maxamed Aadan Goley Fuube.

43-Eng.Axmed Nuur Cumar Madoobe.

44-Maxamed Aadan Halac.

45-Aadan Maxamed Nuur Dheere.

46-Axmed Siciid Gaban Cadde.

47-Jamaal Bashiir Qoslaaye.

48-Cabdi Bashiir Qoslaaye.

49-Maxamed Jamaal Bashiir.

50-Cumar Cabdi Daqare.

51-Cabdulqaadir Axmed Kamtiirey.

52-Faarax Baalle.

53-Dr,Cabdisalaan Sh.Xasan Nuux.

54-Maxamed Cabdikariin Sh,Xasan.

55- Aadan Iyadeema.

56- Axmed Warsame Cabdi xidig.

57-Cabdinaasir Aadan Sooldaad.

58-Cali Siciid Surcad.

59-Maxamed Xasan Cadde.

60-Ciise Maxamed Guraase.

61-Cumar Maxamed Guraase.

62- Cabdirashiid Jaamac Juunle.

63- Faarax Cilmi Ciise.(Faarax Dalab)

64- Mahad Cali Berbera.

65-Cabdulqaadir Cali Berbera.

66-Saleemaan Siciid Dhoodi.

67-Faarax Axmed Caato.

68- Maxamuud Axmed Shire.

69- Xoosh Cabdi Gurxan.

70- Cabdulaahi Daahir Jama.

71- Saacid Xasan Khaliif.

68-Maxamuud Ciraweyne.

69-Maxamuud Axmed Caato.

70-Faarax Cigaal Dhoore.

71-Daahir Cigaal Badhawo.

72- Bashiir Cabdi Xasan .

73-Axmed Jaamac Wilad.

74- Cabdullaahi Aadan Seed.

75- Cabdinaasir Siciid Xasan.

76- Xuseen Faarax Cali.

77- Birre Maxamed Guraase.

78-Cabdirashiid Daahir Gaboobe.

79-Cabdiraxmaan Sh.Ismaaciil Awxaashi.

80-Xuseen Nuur Wardheere.

81- Cabdisalaan Xasan Warsame.

82—Muuse Yaasiin Warsame.

83-Cali Maxamed Yuusuf Dhegay.

84- Maxamuud Yuusuf Dhegey.

85- Cabdulaahi Yuusuf Qalooc.

86- Cabdikariin Yuusuf Qalooc.

87-Cabdi Muuse Xaange.

88-Maxamed Aadan Dabamare.

89-Cabdikuus Aadan.

90-Cabdisalaan Danla,aan.

91-Cabdirashiid Danla,aan.

92-Cabdullaahi Maxamed Saalax.

93- Maxamed Diiriye Warsame.

94-Qaasin Awmaxamed Cali Dheere.

95- Cabdikariin Xasan Nuur.

96- Dr.Cabdulqaadir Maxamed Aadan(Tolkay)

97- Cabdullaahi Cabdi Xirsi Cali.

98- Cabdulqaadir Maxamed Axmed

99- Cabdiwahaab Cabdi Buur.

100- Maxamed Xuseen Xaashi (Shaaribacase)

101- Cabdulqaadir Afmeged.

102- Saacid Daahir Siciid.

103- Axmed Siciid Xaashi.

104-Dr.Jamaal Daahir Ganey.

105-Cabdinuur Axmed Warfaa.

106-Bashiir Cabdi Shiikhdoon.

107- Axmed Ilka Boqol.

108- Cabdiwaaxid Diiriye Awjaamac.

109- Dr.Cabdinuur Diiriye Awjaamac.

110- Dr.Cabdiramaan Diiriye Awjaamac.

111-Mursal Maxamed Jaamac.

112-Cumar Xuseen Ilka Dahab.

113- Abshir Xuseen Ilkadahab.

114-Ismaaciil Cabdi Salaad.

115- Abshir Cabdi Salaad.

116- Maxamed Cabdi Salaad.

117- Maxamed Cabdi Salaad Cismaan (0rshe)

118- Aadan Bile Cali.

119-Maxamed Bile Cali.

120- Yuusuf Xaaji Cabdi Ciise.

121- Xasan Cali Xaaji Cabdi.

122- Cabdulqaadir Maxamuud Cilmi Marshaale.

123- Cabdirisaaq Maxamed Xaaji. Ilka digir.

124- Cabdullaahi Maxamed Ibraahin.

125- Qaasin Siciid Yuusuf.

126- Cabdirisaaq Axmed Kilwe.

127—Maxamed Axmed Kilwe.

128-Cismaan Cali Muuse Diini.

129- Axmed Cali Muuse Diini.

130-Cali Axmed Ilka dheere.

131- Mahad Axmed Ilkadheere.

132- Maxamuud Xaaji Shire Kabaweyne.

133- Abshir Cali Aadan.

134- Maxamed Cumar Madoobe (nuune)

135- Mawliid Maxamed Xaaji.

136-Ismaaciil Maxamed Seed.

140- Jaamac Muuse Samatar .

141- Saleemaan Cabdinuur Kaabe.

142- Isaaq Cabdinuur Kaabe.

143-Saleemaan Cali Jaamac Diini.

144- Maxamed Cali Muuse Diini.

145- Cabdisalaan Maxamed Xaaji Axmed.

146- Cabdinaasir Cali Daahir Dhegadheere.

147- Cabdisamad Cilmi Xaashi.

148- Yaange Cabdullaahi Doymare.

149-Cali Warsame Cismaan

150- Maxamed Cabdraxmaan Wardheere.

151- Tanade Xirsi Ismaaciil.

152- Cali Warsame Araxey.

153- Axmed Warsame Caligeesood.

154-Cabdirisaaq Maxamed Goobe.

155- Cabdi huruuse Caabi.

156- Ibraahin Cali Jaamac Diini..

157-Cakaabir Maxamuud Qurux.

158- Siciid Xaashi Yuusuf

159-Bashiir Khaliif Muuse.

160-Aadan Dayib Xaaji Maxamuud.

Gabdhaha beesha leelkase ee baaqaan wax ka diraya.

1-Madiino Xaashi.

2- Ardo Axmed Banjar.

3-Xalwo Muuse Xaange.

4- Xalwo Maxamuud Qurux.

5- Aamino Geelaaye.

6-Faadumo Maxamed Xaaji Timacad.

7-Fawsiyo Maxamed Xaaji.

8- Nasro Cali Xaaji Cabdi.

9-Mahado Axmed Gaar-cad.

10-Khadiijo Yuusuf Xaaji.

11- Siciido Cumar Madoobe.

12- Hodon Bile Cali.

13- Faadumo Cabdulle Dhuubac.

14- Fartuun Axmed Xaaji.

15—Caasha Cali Xaaji.

16—Fawsiyo Maxamed Xariir.

17-Raxiimo Maxamed Xariir.

18-Maymuun Bashiir Qoslaaye.

19- Sahra Bashiir Qoslaaye.

20- Khadra Bashiir Qoslaaye.

Waxaan dhawrnaaba waa jawaabta xigta bayaankan baaqaan iyo cambaareyntan aanu u jeedinay madaxda iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland.

Afhayeenka jaaliyadda beesha leelkase ee qurbaha:
Maxamed Cali Madhoodho
madhoodhe_251@hotmail.com
Tell 4917626926900

23 Responses to “Bayaan, Cambaareyn iyo Baaq ku socda Maamulka Puntland.”

  1. mudane says:

    ASC WR WB waanu dhagaysanay waxa ay beshu ka cabanayso ok ma ahan in ay beshu ka cabato dano shaqsi ee waa inay ka gilgilataa danaha guud

  2. DR saciid samater says:

    waan idin salmayaa salaan kadib waxaan aad ugu faraxsanahay beesha leelkase tanade ee yar iyo weynba ka xumaatay dhibkii loo gaysatay wiilkooda wariyaha ah.
    waxaan dhaliil ba’an usoo jeedinayaa faroole waxana leyahay walal ama madaxweyne xilka waxaad ucaysaa reer puntland waxan ku leyahay reer leelkase waxa kacaraysiisay mahan wax yar ee runta ku dhaq shacabka shacabkuna waxa uroon waa runta. maxkamaduna waa kalinta kowaad ee maamulka marka wariyaha maxkamad halasoo taago

  3. cawaale says:

    Walaalyaal waxaan idin wediinayaa Leelkase maxay uga duwan yihiin dadka dega Puntland oo ka qaylisiiyay, iyaga miyaanu sharcigu qaban, miyaynan isu arag inay reer PL yihiin, ilayn dadka kaleba waa la xiraa beel qaylinayana ma arago, mise wax iyaga u gaar ah ayaa jira

  4. Layaab says:

    dhamantiin salan iga gudooma.
    waxan soo dhowaynayaa bayaanka walaleeheen soo direen, waxan rajaynayaa inay jawaabta saxda ah ee ay dhowrayaan la helidoono.
    wariyaha insha alah waxan rajaynayaa in alle ka samata bixiyo kooxda shisheeyaha ah.
    reer puntland inay meel ugasoo wada jeestan kuwa nabada qasaya.
    waad mahadsan tihiin

  5. DR Yusuf issa says:

    ASALAAMA CALEYKUM WW,
    WAXAAN ANIGU SHAKHSIYAN CANBAARAYNAYAA BEESHA LEELKASE OO U HADASHAY SI QABYAALADEED WAXEYNA RAJO LA’AAN DHIGEEN UMADDA REER PUNTLAND EE KU TAAMEYSAY INEY GARAAN DIMQORAADIYAD,MARKA LAYAAB MA JIRO MADAXWEYNAHA PUNTLAND INUU XIRTO CIDUU U ARKO INUU DANTIISA KA HORIMAANAYO! PUNTLAND QABYAALAD UMA BAAHNA SOOMALI DA KOONFUR KA TIMI AYAAN RABNAA INEY XAQ UYEESHAN INEY NOQDAAN REER PUNTLAND,KANA CODEEYAAN ,ISKANA SOO SHARAXAAN, NINKII WAQTI CAYIMAN JOOGA AMA GANACSI IYO DEGAAN KULEH,KA DHAAFA PUNTLAND QABYAALADA IYO WIIL BAA NALAKA XIREY INTAAS OO DR IYO PROFESSOR MA WAXEY USOO DIREEN DHAMBAALKA QABYAALAD WAXAAN LEEYAHAY KA BIXIYA RAALI GELIN HANA HORISTAAGINA GEEDI SOCODKA NABADA,WIILKAASNA WAXUU KA MIDYAHAY UMADDA SOMALIYEED WAXII SHARCI DARO KUXIRAN EE KUJIRA XABSIYADA PUNTLAND ANIGU APEAL KHAAS AH UMA SAMEYNAYO HAL QOF BECOUSE OF QABIIL,BALSE WAXAAN SI NAXARIIS LEH UGA CODSANAYAA WAXII DULMAN EE GARDARO KUXIRAN DAWLADU CASE KOODA INEY MAXKAMADA GEEYAAN,SI CADAALAD KU JIRTONA LOO QAADO IYADOO LOO FIIRINEYN KANA ILA QABIILIYO KANAAN HAYB WADAAGNAA!!!
    MAHADSANIDIN

  6. Ahmed says:

    Horseed, maxaad gabayga u tirtirteen, anigu waan akhriyay balse caadi ayuu ahaa, waxaana ka xasuus nahay DADKU WAY WAREEREEN TANIYO WAAGI AAD TIMIDE AFWALIINJE HAWAJIHIN WASIIR KULA KULMIYO DAWLAD WADIDEEDE, WAXAAD MAXAMED SAARTEEN IYO DULMIGA KULA WALAALOOBEY, WADAAD MARAYSAAN KULUMA ADIYO WIILKAAGU.

    INTAAS AYAAN KA XAFIDAY GABAYGA AY SUXUFIYIINTU SOO ALIFEEN.

    MARKA WAA RUNTOOD DHIBAATO KAMA HOREYN NINKAN, QARAXYO BADAN, MADAXDII OO LA QARXINAYO, XILDHIBAAN LADILAY, DAGAALKA GAALKACYO OO RAALI LAGA YAHAY.

    WAX AYDAAN OGEYN BAA JIRA HORSEED, WAAD OGTIHIIN CABURINTA FAROOLE KU HAYO SAXAAFADA MADAXA BANAAN EE PUNTLAND, HORSEED WARIYEYAAL WAA LAGA XIRAY, MARKA HADDE WAXA LA IDINKA RABO WAA INAAD SHEEGTAAN ERAYADAAN.

    } MADAXWAYNE FAROOLE OO LA KULMEY MADAXWAYNAHA KENYA.
    } MADAXWAYNE FAROOLE OO LA KULMEY WASIIRKA ARIMHAA DIBADA ITOOBIYA.
    }FAROOLE OO LA KULMAY ODAYAASHA NUGAAL.
    }FAROOLE OO HAY’ADAHA LA KULMEY.
    }FAROOLE OO WIILKIISA U MAGACAABAY LA TALIYAHA MADAXWAYNAHA XAGGA SAXAAFADA KKKK BAL MAXUU SAXAAFAD KA OGYAHAY WIILKAAS, RADIOGIISA WAAD ARAGTEEN WAX DHAGAYSTO MA JIRTO, XOOGAA QABYAALAD U DHAGAYSATA AYAA JIRTA.

    MARKA WAXYAABAHA LAGU CABURINAYO SAXAAFADA WAA ARIMAHAN OO KALIYA SHEEGA, OO HA SHEEGININA ASKARI KA TIRSAN MADAXTOOYADA OO NIN KU DILEY MADAXTOOYDA HORTEEDA, WAAD BAQAYSAAN IDINKA SXAAFADA AH MAXAAD U SHEEGI WAYDEEN WIILKA CIIDANKA FAROOLE KU DILEY MADAXTOOYDA GADAASHEEDA BANAANKA DALXIISKA HALKA AY DAGAN YIHIIN WASAARADAHA HAWEENKA, QORSHEYNTA IYO WARFAAFINTA, WIILKA WAXAA DHALAY KHAATUMO OO WASAARADA DDR-TA LA SHAQEEYA.

    SAXAAFADA ANAGU KA NAGASAN MAYNO AMAAN OO KALIYA, WIXII JIRA WAA INAAD SHEEGTAAN, HANAKA BAQINA WAA HAWSHIINA QOFNA SHAQADIISA INUU KA CABSADO MAAHAN, KANA FAGOW WAX DHIB KEENAYA, DAWKADA WAA KA EEDEYN KARAA OO WAXA AY KU KHALDAN TAHAY WAA IN LA SHEEGO MAAHAN IN LA QARIYO, SABABTOO AH HADAAN LA IS DHALIILIN WAXBA SAXMI MAAYAAN.

    CADAALADU HA JIRTO, SAXAAFADEEY WAAN IDIN GARAB TAAGAN NAHAY, NINKAAS MAXAMED YAASIIN ISXAAQ AHNA HALOO DOODO HABEEN IYO MAALIN WARKIISA HALA SHEEGO, FAROOLE MARKA WARKAAS KA BATO ISAGAA SII DEYN DOONEE, MIDA KALE SHARCIGA FAROOLE KEENAY AYAABA YAAB LEH IN DADKA GURYAHOODA LAGA BAXO, HADANA XABSIGA LA GEEYO IYADOON MAXKAMAD JIRIN, MARKA MAXAAD KU DIIDAYSAAN GABAYGA GABADHU SOO QORTEY OO AH DADKU WAY WAREEREEN TANIYO WAAGI AAD TIMID MA WAX BEEN AH ILAAH BAAN IDINKU DHAARSHEE, AMAAN DARO, GAAJO IYO DHIBAATOOYIN BADAN AYAA YIMID, ALLOW BOQORKII SOO CELI.

    MAHAD OO DHAN EEBAY U SUGNAATAY, HORSEED MEDIA WAAN SALAAMIN.
    BYE

  7. fartun nur says:

    asc wr wb waan idin salaamay dhamaantiin bahda horseed media oo noo sahashay inaan ka war helno bayaankaan iyo sidoo kale dadka reer puntland ee aragtidooda iyo fikirkooda ka dhiibtey.

    anigoo mahad balaaran u jeedinaya labadoodaba horseed iyo bahweynta puntland.

    ugu horeyn anigu waxaan ka mid ahayn jaaliyadda reer puntland ee dibedda dalkii uga nool dhabtiina baaqaan iilama muuqdo mid maamulka puntland nabad galyadiisa wax loogu dhimayo balse waxa uu iila muuqdaa mid ammaanka iyo kalsoonida shacabka puntland sare u qaadaysa, dad ayaa qabyaalad ka dhawaajiyay horta hadaan soomaali nahay waa in la kala gartaa qabiil iyo qabyaalad, qabiilka ilaahay ayaa sheegay in la isku garto laakiin qabyaaladu waa wax xun mana ahan wax qabyaalad ku salaysan in laa baahiyo mana filayo idaacada iyo masuuliyiinta horseeed ee tifaftirey bayaankan hadii qabyaald uu ku lug leeyahay iney soo publish gareyn lahaayeen, any way gabadha gabayga kuhaantaa u tirisay madaxwaynaha qaranka puntland afkaaga alaha ku celiyo waa in maamulka lala shaqeeyaa, isla markaana la garb istaagaa waa muhiimada shacbiga reer puntland oo idil laga doonayo.

    maamulka waxaa laga doonayaa inuu shacbiga ku dhaqo dastuurka qoran ee ay puntland dajisatayNEWS IN SOMALI
    Bookmark and Share
    Weriye Maxamed Yaasiin Isxaaq oo Weli Xabsiga Ku Jira Maxkamad La’aan
    December 27, 2009

    Weriye Maxamed Yaasiin Isxaaq oo magaalada Gaalkacyo uga soo warami jirey idaacadda VOA ayaa weli ku jira gacanta laamaha amniga ee Puntland.

    Maxamed Yaasiin Isxaaq ayaa laga soo qabtey magaalada Gaalkacyo 21.12.2009 saqdii dhexe isaga oo qoyskiisa la hurda, waxaana soo xirey ciidanka PIS-ta ee Gaalkacyo.

    Weriye Isxaaq ayaa loo gudbiyey isla markiiba magaalada Garoowe waxaana uu ku sugnaa halkaas muddo kooban.

    Wararka ugu danbeeyay ee aan ka helayno xaaladda Weriye Isxaaq ayaa sheegaya in loo dhaadhiciyey magaalada Bosaso laguna hayo xabsi ay gaar u leeyihiin Ciidmada PIS-ta.

    Xoghayaha ururka MAP oo ah dalad mideysa suxufiyiinta Puntland Burhaan Axmed Daahir ayaa ku tilmaamey xariga weriye Isxaaq mid aan sharciga loo marin oo si argagixisnimo ah gurgiisa habeenbar loogu dhacay, taas oo ka baxsan qaynuunka uyaala Puntland.

    dastuurka Puntland ayaa qoraya qodobkiisa 26aad faqradiisa 4aad: Eedeysane kasta waa in 48 saacadood gudahood xariggiisa maxkamadi ku xalaaleyso.

    hadaba maxamed yaasiin in ka badan todobaad ayuu xabsiga ku jiraa miyeysan dadkuu ka dhashay xaq u lahayn iney bayaan arintaasi kasoo saaran iyadoo aan oganahay 1998 markii la dhisayay maamulka puntland lagu unaky qaab qabiil oo ay maamulka wada dhisteen beelaha walaalah ah ee gobalka wada dega.

    sidoo kale waxa dastuurkeena ku qoran:
    Eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay in ay soo booqdaan eheladiisa, qareenkiisa, dhakhtarkiisa iyo asxaabtiisa, waana la damiinan karaa haddii sharcigu oggol yahay.

    hadaba maxamed miyuusan puntland u dhalan maxaa loogu diidey iney soo booqdaan eheladiisa, iyo asxaabtiisa.

    dhinaca kale dastuur kasta oo uu maamul leeyahay waxaa ansixiya baarlamaanka ciidamada maamulkan waa lagu xusaa ee sxbayal waxaa isweydiintu tahay PIS halkeebaa lagu ansixiyay ama ay dastuurkeena kaga qoran tahay.

    alaha amuuraha sahlo, maamulka iyo madaxdana xaqa al;aha tuso warbaahinta xorta ahna allaha cadaadiska iyo caburinta ka dulqaado, amaanka soomaaliya guud ahaan gaar ahaana kan puntland allaha sare u qaado.

    Mahadsanidiin.

    waa walaashiin fartun nur

  8. Naayaa fatxi caaqibada rabbi kaa qaad maxaad madaxwaynaha u habaaraysaa hoostaada ka hel. Wuxu maxay tahay qumayado. Mida kale leelkase sharafta ayaa dhibaysa markii gudoomiyaha baarlamaanka la siiyey ayey bilaabeen. Adeer maalin walba dad ayaa la xiraa wiil xuna oo wariye ah madaxda yaan loo canjarafaysan. P.i.s.ta waa ciidan jira waana awooda puntland haysato

  9. marshaale says:

    asc dhaman reer puntland waxaan soo dhaweenayaa baaqa usooo dirteen dowlada puntland ama madax wayanaha iyo madax wayne kuxigenka iyo gudomiyaha parlamanka midakale waxaan raba dadka fariimaha soo diraayo in aay reer puntland aay yihin dilmuqradi qof walbana u soo dirikaro cabashadiisa cid goni uleh punt majirto lasocda taas waa mahadsan tihiin

  10. sxb yaal madonayo in aan ka hadlo wax kale waxaan doonayaa in aan lahadlo horseed sxb yaal khalad ayan u arkaa waxyaabaha aad samaynaysaa oo ah in aad dadka iska fasaxdaan oo larabo la iska yiraado waan in aan ladhaafin soohdint asluubta waxii qofla xun ayaa qof lawanaasan lama rabo in lasameeyo (personal attack) wa shamefull in qof magaci lasoo qaado qofku wax hasheego laakiin yuusan dhaafin xadka oo aan ula jeedo shaqsi wax laga sheegayo ama nameka lasheego waa maahdsantihiin

  11. Bosaaso says:

    War Puntland waxaan dhihilaa garsoorka hagaagsada iyo cadaalada war shacabkow Dambiile idinkuna ha u hiilinina oo iska daaya qabyalada (qolada Pis ladhaho Ciidan Dastuurka Puntland noogu jira maaha garanmeyno meeshay naga soo galeen)
    mahadsanidiin

  12. GARSOOR says:

    waxaan soo dhaweyneynaa bayaankaa/cambaareynta ah dhibaatada lagu hayo dadka somaliyeed oo ay u geystaan shaqaalaha itoobiya walee waa la isaga daba imaan mideeda kale maamulka puntland waxaa go’aankiisa kama danbeysta ah maalmahaan danbe iska leh WIIL iyo AABIHIIS walee waa cajiib waxaan uma leynayaa in ay ka dhacdo kaligii cunow kaligaa cel celi WAXAANI WAA TAARIIKH

  13. suleiman says:

    sc. waxaan aad oo layaabaa ,hadii wax yar dhacaan ama qof la xiro si kastaba ha u dhacaanee in aad aragti qolooyin baaq direya iyagoo leh anagoo ah beesha reer hebel ah iwm. maamulka waa laga caban karaa oo waa biniaadim khalad ka dhici karo ,laakiin habkee ayaa loogu gudbin karaa cabashada ayey suaashu ka taagan tahay??. waxaan fili arimahan iyo kuwo lamid ah inaan horumar lagu gaareyn inta lagu jiro anagoo ah beesha reer qurac ama reer qansax ah!!!!!!!!.

  14. fatxi says:

    s/c beesha leelkase waxa ay ka hadashay wax jira oorunta kusalaysan anigoo ah suxufiyiin soomaaliyeedna waxaan uraacinaynaa gabygaan oo aan utirinay faroole

    gabygii

    (GABAYGA WAAN DELETE GARAYNEY SI KAMA AH AYUU U FAKADEY CAY IYI HABAAR UNBUU AHAA
    ADMIN

    WAAN KA XUNAHAY DADKII DHIBSADAY GABAYGA)

    aaaamiiiiin aamiin aamiin

    • hawa says:

      As, wr wb all,

      Fatxi qumay qumayo dhashay baad tahay kugu noqoy habarku, qof damiir leh oo reer puntland umalayn maayo in aad tahay ,adiga saas u hadlayaa ma istihaahishid in wax laguu soo qoro,waxaans ela yabanahay horseedmedia waxa ay u sii daayeen qoraalkaaga, anigu shaqsiyan qoraalkan hadduu ku sii jiro waxan u arkayaa in horseed raalikatahay oo iyadu wax ka soo diyaarisay,shacabka damiirka lehna waxay kala noqon doonan kalsoonidii aan u haynay horeseedm.

  15. puntland waa wax qabiil ku dhisan markii xisbiyo lasameeyo ayaan qiyaasikaraa haddii alle idmo1

  16. Marka u horaysa waxaan salaamayaa bahda war baahinta soomaaliyeed,shacabka soomaaliyeed iyo beesha laylkase ee qurbaha kunool.
    salaan kadib maxuma in laga hadlo amnoixumada soo wajahday puntland oo kadhalatay amni xumada iyo cuqdada ay dadka koonfurta dagaa ay uqabaan dad reer puntland taasina waxaa kuu cadaynaysa hadalkii kasoo yeeray beesha Hawiye xiligii dawladii c/lahi yuusuf ee ahaa “marna aqbalimayno in ay nabad kunoolaadaan reer puntland intaan anagu qaxarka kujirno”.
    Dhinaca kale waxaan aad uga xumahay in afhayeenka beesha laylkase uu kahadlay arinkan markii qarax lala beegsaday alla ha sharfee Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland marka waxaad moodaa inuu san kahadlin markii ciidanka amniga puntland lagu laayay qarax boosaso kadhacay “marka anigu waxaan leeyahay war yay naan u arag in qabiilkagu uu san qaran ahayn ee aan danteena reer punland kawada shaqayno oo hadaad marka muwaadin reer puntland ah uu qarax ku dhinto aad kahadli waydo laakiin mid beesha laylkase ah kahadasho dee meel gaarimayso” hadalkaguna waa kaa khasaaray.
    Dhinaca kale Marka ciidanka sirdoonka maraykanku ay kugu xirayaan USA oo waliba caruurta kaa urursanayaan kama hadashee wmaxaan uga hadlaysaa marka Ciidanka sirdoonka puntland ay hawl maalmoodkoda gudanayaan teeda kale miyaadan ogayn in PIS-tu ay yihiin ciidan punt-landese ah oo amniga kashaqaynaya qabanayana ninkii lagu arko inuu khalad kujiro .
    Dhinaca kale yaasiin isxaaq waa wariye dhawr jeer buuna khalad galay waana loo digay marka yaasiin asagaa cadaynaya waxa uu kawaday khaladka uu ka galay umada reer puntland .
    MARKA GABA GABADII LAYLKASOW QABYAALADA ISKA DAAYA SOCONMAYSO DADKA KALANA QARAX HA KU DHINTEEN ANAGA YAAN WAX NASOO GAARIN

  17. Abdullaahi Hussein Yusuf ( Abbasmadani) says:

    Waxaan ka xumahay, xariga loo gaystay maxamed yaasiin isaxaaq, oo aan aad iyo saaxiibo nahay, waxaana ku taageerayaa cambaaraynta aysoo jeediyeen, jaaliyadda magaceeda kor ku xustay…inta ay sheegeena waa runtood…

    waad mahadsan tihiin guud ahaan shaqaalaha horseed media oo noo sahlay in aan soo bandhigno fikirkeena.

    BY Abdullaahi Hussein Yuusuf( Abbasmadani)

  18. seeta dheere says:

    Waxaan dhamaan maamulka puntland madaxdeeda ugu baaqayaa inay saxafada kadayaan dhibaatada ay ku hayaan waayoh saxafadu waa xor lamanah caburun karo sidoo kale waa in qofka lasaraa maxkamad hadii uu leeyahay danbi if sh/he is criminal must put in the court maahan anaa xoog leh ee waa anaa xeel leh hade labo lakuma heloh markii xiligii xade muuse waxaan dhagaysan jirteen radio garoe wuxuu u tabin jiray shacabka taas oo lagu xumeynayey maamulka marka hadii aad taas wax ka’oran weyday ma’ahan inaad ciqaabtid kuwa kale radio garoe maxadiis buu ku hadlaa? mise waa wiil kayga leh jeesto

  19. Leelkase goormaa xishoodkii laga tegey?
    Maxay tahay Warqadda furan ee sida aan anshaxa lahayn Madaxweynaha aad ugu cambaareyneysaan?Hadaad Nabadda wax ka tarikartaan Qurbaha kama soo qayliseen ee dalka ayaad imanlahaydeen oo wax sixi lahaydeen.XISHOODKA YAAN LAGA TEGIN.

  20. maxamed puntlander says:

    BACAL SALAAN walaalahay waxoodu ma ahayn waano ee waxaa la is oronkaraa waxay ahad salfad qabiil ku dheehanyahay ama caro walaal hadii uu wariye Maxamed Yaasiin Isxaaq u danbi galayna sharciga ayuu hor imaanayaa waxii uu sharcigu ku qabto ayaana lagu qaadayaa ee nina dambi u san lahan lama saaraayo

  21. imaani says:

    waxaan idin wadiiyey aaway jananadeenii iyo kornaladeenii itii kaleba sheegtee

  22. galeeyar says:

    ASC WAXAAN WAX KA ORONAYAA CABAREENTA LOO JEEDIYAY MAMULKA PUDLAND OO U SOO JEEDIYEEN WALALAHA LEEL KASE WAXAAN ORONLAHA CABAAREENTA INAAD KOR U QADAAN GOBOLADA MAQAN IYO WAXII MAAMUL XUMA AH AAD QARIN DHANKIINA AAD WAX KA QABATA TAAN OO YANAN WAX KASTA MAMULKA LOO DAYEEN REERKA WIIL IYO CIROOLE IYO GABDHABA SAAD BAYANKA U SOO SARTEEN AAD DHANKIINA WAX QABATAN