7 malyan oo qof oo ku nool dalka Itoobiya ayaa waxaa soo foodsaarey khatar dhanka gaajada ah, kadib markii la waayey xili roobaadkii.
25 sano ka hor waxaa ku dhintey dalka Itoobiya 1 milyan oo qof kuwaas oo u dhintey gaajo, waxaana xukuumadda dalkaas ay caalamka ka dalbatay in lala soo gaaro gargaar cuno oo deg deg ah haddii kale ay dhici karto in dadku gaajo u dhintaan.
Galbeedka dalka Itoobiya iyo xuduudka ay la wadagaan Suudaan ayaa xaaladda ugu ba’an ka taagan tahay.
Hay’adda cunada aduunka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegtey in 20 milyan oo qof oo ku nool Africa ay u baahan yihiin gagaar cuno.
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!