Degmada Ufeyn ee ka mid ah degaanada hoos taga gobolka Bari ayaa lagu soo waramaaya in ay halkaas ka taaganyihin abaaro xoogan oo saameyey dad iyo duunyo.
Gudoomiyaha degmada Ufeyn C/laahi Shire Jebiye oo u waramaayay Horseed Media ayaa sheegay in abaaro xoogan ay halkaas ka taaganyihin isla markaana dadka ay bilaabeen in ay isaga baxaan degmada.
Waxaana u hadalkiisa ku daray in sidoo kale degaano hoos taga Ufeyn ay sidoo kale ka taaganyihin abaaro,isagoo sheegay in waqtigaan la joogo dadka Reer guraaga ah ay bilaabeen in ay ka xayamaan deganadooda.
Wuxuuna tibaaxay in dadweynaha Ufeyn ay iminka bilaabeen in ay Alle ka baryaan roob isla mar ahaanta dhowaan samayn doonaan isusoo bax Alle Tuug.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in wax Gargaar ah oo aan lala soo gaarin,waxaana u ugu baaqay Hay’addaha Samafalka iyo Dowlada Puntland in ay lasoo gaaran Gargaar deg deg ah.
Mudooyinki lasoo dhaafay degaano hoos taga gobolka Bari ayaa laga soo sheegaayay Abaaro iyo Biyo la’aan,waxaana degaanadaas ka mid ah Baargaal iyo Caluula.
Horseed Media.
Soomaalia iyo Gobolka Bari ee Soomaaliya dhibka saar sanadkan Cusub 2010.
Waa arin mar walba dhacada,in abaaro laga soo sheego,dhulka somalia sabatuna waa,arimo la xiriira meesha ay somalia dunida kaga taal,iyo dhulka soomaaliyeed oo ah dhul lama degaan xigeen ah,oo ay robabko ku yaryihiin,abaro istabajooga baa ka dhaca geyigaasi,looga ma bixi karo,deeq cunta ah oo mar walba la dalbado,ee waa in bulshada degen geyiga somalia iyo gaar ahaan reer puntland,ay la yimaadaan,isbadal wax ku ool ah oo ku saabsan in waxa laga badelo,hab dhaqan dhaqaalaha,ku dhisan nidaamka reer guuraaga,oo aan,ahayn mid sii socon kara,mustaqbaka dhow,waana in dadka la dejiyaa,si la isugo dhafo xoolaha iyo wax soo saarka beeraha,dadyowga ina la mid ka ah,xaga cimilada iyo,goor hore ayey bilaabeen,in ay arimahaasi ku dhaqaaqaan,iyagoo la kaa shanaya hay’adaha,horumarinta ee qaramada midoobay,iyo Bangiga aduunka,dhulkana sidaasi baa alle u qaybiyey oo somalia ay u noqotay dhul lama degaan xigeen ah,oo ay nolosho adagtahay,waxa se looga bixikaraa,in dadko shaqo,u soo jeesto,iyo in la joojiyo,dalbashada mucaawino,raashin ah oo aan cidna wax tarayn,dadkina ka dhigaysa in ay mar walba,ay noloshoodo ku tiirsanaado,yabooha cuntada ah ee dibada laga soo baryo.