Kooxda Barcelona ayaa u yeertay Weeraryahnkeeda hore Samuel Eto’o si uu kooxda ula dabaaldago guulahii lixda Koob Ee sanadkan 2009,iyadoona Ciyaaryahankaan ay ku casuuntay inuu soo galo garoonka Camp Nou kulanka ay sabtida Villarreal la ciyaari doonto Barc.
Sida uu qorshaha yahay xoogaa dabaaldagyo ah ayaa laga hor marin doonaa ciyaarta Villareal,iyadoona ay ciyaaryahnada kooxda Barc u dabaaldagi doonaan guulihii lixda Koob oo ay Barc ku guuleysatay sanadkaan.
Maamulka Barcelona ayaa go’aansaday inay u yeeraan Ciyaaryahnada kooxda ka tagay sidii ay ula dabaal dagi lahaayeen taageerayaasha kooxda iyo ciyaaryahnada kale,iyadoona ciyaryahanada la wacay ay kala yihiin Eto’o,Gudjohnson iyo Sylvinho kuwaasoo xubno muhiim ah ka ahaa Guulihii Uefa Champions League iyo Horyaalka La Liga Spain.
Eto’o oo haatan Kooxda Inter u safta ayaa tarabuunka ka daawan doono ciyaarta,ka hor inta uusan garoonka dhaxdiisa kula dabaaldagin Ciyaaryahanad iyo taageerayaasha Koxda Barc.
Kooxda Barcelona ayaa sanadkaan waxey u aheyd sanadkii ugu fiicna taariiqada Kooxda,iyadoona ku guuleysatay dhaman koobabkii ay ka qayb gashay sida the Champions League, La Liga, Copa del Rey, Spanish and European Supercups, and the Club World Cup.
Guulaha Barcelona sanadkaan 2009 kuma eka lixdaan koob, ee waxaa intaas usii dheer ciyaryahanadeeda oo ku guuleystay abaalmarino shaqsiyeed sida Messi oo hantay abaalmarino badan sanaadkaan waxana ugu muhiimsaneyd abaalmarinta Ciyaaryahanka yurub iyo Caalmka ugu wanaagsan 2009.
Xussen Riiko
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!