Dahabshiil
Golis

Real Madrid oo ay usoo baxayaan 107 Ciyaaryaahano


Kooxda Real Madrid ayaa qaaday tilaabo ay kaga dayaneyso Kooxda Barcelona, ka dib markii Xerada tababarka ee kooxda K.cagta Real Madrid ayaa dhawaan soo sareysa 107 ciyaaryahan oo xirfadoodu aad u sareyso, isla markaana la saadaalinayo in mustqabalka noqon doonaan ciyaartooy qaali ah oo wacdaro ka dhiga caalamka Kubadda cagta.

Wargeyska As ee Madrid ka soo baxa ayaa shaaciyay in School-ka tababarka Real ay soo bandhigtay tiro xirfadyahano ah Spanish ah, kuwa wadamada qaarada Eurobe iyo caalamka intiisa kale ka socda, waxuuna wargeyska xusay inay tirada guud ciyaryahanada  ay gaareyso 107 ciyaryahano, 51 ka mid ahne ay ka ciyaraan Horyaalka Spain, 43 heerka 2aad ee Spain iyo 13 ciyaaryahano oo kale oo qaaradaha kala duwan ka kala ciyaara.

Kooxda Real Madrid aya haatan waxaa Time-ka kowaad u ciyaara shan ciyaaryahan oo caalami ah sida Raul, Casilas, Guti, Garanero iyo Arbeola kuwaasoo ku soo barbaaray kana  soo baxay xerada tababarka Naadiga Real Madrid.

Kooxda Barcelona ayaa haatan ah Naadiga ugu Academy wanaagsan qaarada yurub, waxana sanad walbo ka soo baxa Ciyaaryahano halis ah, iyadoona uu ugu dambeeyay Ciyaaryahn Pedro oo bilowgii Season-kaan usoo dalacy Kooxda 1aad isla markana taariiqda Barcelona galay, isagoona noqday ciyaryahankii ugu horeeyay  ee lix tartan oo kal duwan lix gool hal season ka saxiixa.

Waxaa sidoo kale sanadihii dhawaa Kooxda Barcelona ay soo saartay Ciyaaryahano magac weyn ku leh qaarada yurub sida Lionel Messi, Andres Iniesta, Xavi Hernandez, Carles Puyol, Gerard Pique, Sergi Busquets, Bojan, Pedro Rodriguez, Jeffren Suarez iyo kuwa kale oo badan.

Gudoomiyaha Real Florantino Perez ayaa haatan usoo jeestay inuu soo barbariyo ciyaryahno da’yar  si uu mustaqabalka ugu faa’ido isla markaana ay yaraato lacagaha uu ciyaaryahnda ka soo baxiyo, waxaana Perez wali dhagahiisa ka sii dhawaaqaya  lacagihii faraha badnaa ee uu galiyay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda qaarda yurub sanadkaan, halka Barcelona ay hal ciyaryahan oo qura ay soo iibsatay kaasoo ah Ibrahimovic oo ay ku soo badalatay Eto’o.

Xussen Riiko
Horseed Media

RELATED STORIES

6 Responses to “Real Madrid oo ay usoo baxayaan 107 Ciyaaryaahano”

  1. fitaax says:

    saaxibayaal is qabta real iyo barcelon isku mid ma ahan waan wada ognaahy inay barcelona 100% wanaagsantahay.

    yarka dhahayo waagii raul sxb intee ku hilmaantay waayihii rivaldo romario iyo ronaldinho kuna darso waayihii reer koeman.

    sxb taariqhii ay maradona iyo ronaldinho ka dhigeyn garoonka real caalmka kma dhicin.
    aan ku xasuusiyo wali kama dhicin caalmk kuubada cagta in ciyaaryahn ay u sacbioyaan taageryaal ka soo horjeeda iyagoo garoonkooda fadhiyo tagerayaasha real mooyee.

    waxeyna u sacbiyeen ronaldinho iyo maradona oo xiran funanda barcelona.

  2. waxay kulmee oo iska hor yimaadeen 48 cayaaroor barcelona waxay badisay 7 cayaarood oo kaliya halka 4 barbardhac noqotay 37 kale waxaa badisay real marka labo kooxood oo tartami kara ma ahan mida kale real waa kooxda aduunka ugu tijaarsan halka barcelona dayn lagu leeyahay

  3. jamayare says:

    kkkkk real waa real team waxaa loo aqoonsaday 100 sano naadigii ugu wanaagsanaa marka lama barbar dhigi karo barcelona maxaa yeelay barca hada ayey wacantahay ninka dhahaya mesi ma xasuusataa maal mihii raul

  4. axmed messi says:

    war adiga real dhahayo waa kooxda sanadkaan xaqiiqada miyaadan u jeedin koxda barcelona sanadkaan waxey ku guleysatay dhaamn koobab adduunka ilaa lix koob bay qaatay intee real madrid jirtay anadki hore sanadkaan hoganka ayey heysaa horyalka cid ka xigta ma jirto inta ay mesiwataan wa xiidga sanadka

  5. real 4 ever says:

    viva real 31 horyal 9+kan sanadka bernabeyo kuqadeyso nadi calamka la tar tami kara ma jiro ha is warerina real 4ever

  6. kaafi says:

    si walbo hadey sameyso real madrid marnaba ma laga yaabo inay gaarto barcelona.

    real madrid waxaa iska leh nin isla weyn oo faan jecel bal fiiri sanadkii hore hal ciyaaryahan ayuu ka soo baxiyay 94 million hogaanka horyaalkana waa laga hayaa.
    barcelona waxey wadataa ciyareyahano ku soo baxay kooxda yar yarta sidsa messi oo aan wax tarkiisa wada ognahay bal is bar bar dhig messi oo lacag aan ugu fadhin barcelona iyo ronaldo oo ku dhawaad 100 million ah?