Xildhibaan Lagu Diley Bosaso iyo Dad Loo Qabtey Falkaas

Waxaa fiidnimaddii caawa lagu diley magaalada Bosaso Xildhibaan Cabdullaahi Cali Cismaan. Xildhibaanka ayaa toogasho lala beegsadey xili uu ka soo baxay goob masaajid ah, kadib waxaa weerar ku qaaday nin hubaysan. kaas oo rasaas la beegsadey

Xildhibaanka ayaa la sheegay in uu isla goobta ku nafbaxay, waxaana isla markiiba goobta gaarey ciidanka amaanka ee Puntland.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa tibaaxaya in ciidanka amaanku ay isku gedaameen goob lagu tuhunsan yahay in uu ku jiro ninka geystey, waxaana la sheegay in lagu rajo weynahay in gacanta lagu soo dhigo waqti dhaw.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in Boolisku ay u qabteen falkaas laba nin kuwaas oo lagu tuhmey in ay xiriir la leeyihiin falkaas.

Xildhibaan Cabdullaahi ayaa kamid ahaa xildhabaanada Baarlamaanka Puntland, waxaana uu ka soo galay Gobolka Bari gaar ahaan magaalada Bosaso. Waa xildhibaankii labaad oo lagu dilo gudaha Puntland muddo laba bilood gudaheed ah, sidoo kale waxaa la isku dayey in la dilo Gudoomiyaha barlamanka Puntland, Cabdirashiid Maxamed Xirsi, kadib markii qarax lala beegsadey gaarigiisa waxaana ku dhintey mid kamid ah ilaaladiisi.

Faahfaahinka filo Hoseed Media……..
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful.