
Naadiga Barcelona ayaa la kulantay guuldaro lama filaan ah,iyadoo waliba garoonkeeda Camp Nou ku ciyaareysa, waxaana 2-1 kaga badiyay Kooxda Seville.
Ciyaartaan ayaa ka tirsaneyd koobka Dalka Spain Ee Copa Del Ray is aragiisa 1aad Ee wareegiisa 16aad, waxeyna ay ka dhacday garoonka caanka ah Ee Camp Nou.
Kooxda Barcelona ayaa garoonka soo gashay iyada oo ay ka maqanyihiin Xiddigo badan, taasoo si weyn loogu dareemay qaab ciyaareedka Kooxda Qeybtii hore ee ciyaarta, oo ku soo idlaatay Goolal la’an ah, inkastoo xoogaa Ciyaartooyda Barc ay ka yara wanaagsanaayeen dhigooda Seville, iyadoona labo fursadood oo Gool loo filan karay uu Goolhayaha Sevile ka badbaadiyay Xiddiga calamka ugu wanaagsan ee Lionel Messi.
Kooxda Seville ayaa laga diiday gool sax ahaa, iyadoona Garsoorihii ciyaarta uu ku tilmaamay mid outside ah, laakiin muuqaalada Camerooyinka garoonka ku xirnan waxey muujinayeen inuu Goolka sax ahaa.
Ciyaartooyda Kooxda Martida aheyd Seville ayaa dar dar xoogan la soo galay garoonka qaybtii 2aad, iyadoona ay taasi usuurta galisay inay Goolkii 1aad ee ciyaarta ay dhaliyaan daqiiqadii 60aad ka dib markii Diego Cappel uu dhameystiray weerar Contr-attack ahaa oo soo qaadeyn Laacibiinta Seville.
Intaas ka dib Kooxda Barcelona ayaa biloowday weeraro is daba joog ahaa, iyadoona Ciyaartooyda Seville ay kubad daafac ah ciyaarayeen, waxaana Ibrahimovic daqiiqadii 74aad usuurta gashay inuu dhaliyo goolkii bareejada ahaa ee Kooxdiisa, isagoona ciyaarta ka dhigay 1-1.
Laakiin daqiiqad ka dib Kooxda Seville ayaa heshay Rigoore, waxana si wanagsan u ansaxiyay Alvaro Negrado, kaasoo badal ku soo galay ciyaarta.
Kooxda Barcelona ayaa ku guuldareysatay inay goolkii bareejada ahaa helaan, waxeyna ciyaarta ku soo idlaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Kooxda Seville.
Si kastaba Ciyaarta is araga 2aad waxey dhici doontaa labo isbuuc ka dib, iyadoona Garonka Kooxda Seville lagu ciyaari doono.

Xussen Riiko
Sport Editor
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily emailupdates, right now!