Waa maalmo taariikh iyo xasuus gaar ah u leh umadda Puntland dal iyo dibad 7 – 8 bisha Janaayo, waxay ahayd maalmihii loo baratamaayey tartanka madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, shacabweynaha ku dhaqan Puntland, iyo kuwa u dhashey ee ku nool dibadaha waxaa laguwada xirmey warbaahinada dalka ka jira kuwa ugu codka dheer, waxaa la is wada gaarsiiyey in Horseed Media ay soo tebin doonto doorashada maqal iyo muuqaal toos ah, waxaa qofkastaa isku diyaariyey in uu noqdo kan ugu soo horgala Warbaahinta Horseed Media , radiyaha tooska uga soo baxaayey magalada Bosaso iyo Garoowe iyo video-ga tooska uga soo baxaayey magaalada Garoowe kuwaas oo ay soo gudbinayeen weriyaasha warbaahinta caalamiga ah ee Horseed Media.
Maalmihii doorashada caasimadda Punland ee Garoowe ayaa noqotey meel aad u mashquul ah, waxa ay noqotey magaalo la ciir ciireysa dad iyo gawaari, waxaa aad loo adkeeyay amaanka waxaa amaanka si gaar ah u sugaayey ciidamo gaar ah kuwaas oo laga soo qaadey gobolada Puntland waxaana taliye looga dhigay caydaruus Xaaji Xirsi, mudadii lagu gudajirey olalaha doorashada wax amaanka khal khaliya kama dhicin Garoowe iyada oo ay buuxdhaafiyeen caasimadda ciidamada ilaalada u ah musharixiinta tirada badan.
Subaxnimadii 7 janaayo markii waagu dilaacay waxaa albaabada loo furey Baarlamaanka Puntland halkaas oo ay ka dhacaysey khudbadaha ay jeedinayen musharixiinta ku loolamayey xilka madaxweynaha Puntland, maadaama 66 nin oo keliya ay lahaayeen codka lagu kala saarayo musharixiinta ayaa midkastaa halkaas ka jeediyey khudbado uu ku cabirayey sida hadda wax yihiin iyo haddii la doorto sida wax noqon doonaan, sidey doontaba ha noqotee nin xil doonayaa waa in u muujiyo, waxa ku kalifey in uu doono xilka, iyo in uu yahay qofka dadka u horseedi karo barwaaqo iyo badhaadhe.
Khudbadii Dr.Faroole
Madaxweynaha hadda talada haya ayaa subaxnimaddii 7 janaayo ka jeediyey khudbadii uu ku soo bandhigey in uu yahay musharaxa ugu wanaagsan, ee maanta dalka hogamin kara waxa uu khudbadiisi sal uga dhigay:
Dhegayso Khudbadii Dr. Faroole uu ka horjeediyey Baarlamaanka ka hor intaan la dooran:
Xuquuqda lahaanshaha Horseed Media
Doorashadii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole
Subaxnimadii loo balansanaa doorashada madaxweynaha ee 8dii janaayo, waxaa si weyn loo sii adkeeyay amaanka, caasimadda gaar’ahaan halka doorashadu ka dhacaysey, goobta doorashadu ka dhacaysey ayaa loo ogoladey in warbaahinkasta hal qof u goobjoog uga noqdo, waxaana gebi ahaanba la mamnuucay in wax toos ah (Live) laga siidaayo hoolka doorashada.

Doorashada waxaa ay gaartey wareegii sadexaad waxaana isugu soo haray Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac ilka jiir
Codadkii kama danbeysta ahaa waxa ay noqdeen:
Dr.Faroole 49 cod
Gen.Ilkajiir 17 cod
Dhegayso gudoomiyaha baarlamaanka oo ku dhawaaqaya natiijada codadka kama danbeysta ah
Xuquuqda lahaanshaha Horseed Media
Doorashada Madaxweynaha kadib waxaa la gudagalay doorashada madaxweyne ku xigeenka kaas oo ay ku tartamayeen 5 musharax, doorashada madaxweyne ku xigeenka ayaa gaartey wareegii labaad waxaana isu soo haray Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo Dr. Saleebaan Xaglatoosiye, waxaana guushu ku raacdey Gen.Cabdisamad Cali.
Waxaa isla goobta lagu dhaariyey madaxweynaha iyo ku xigenkiisi, Dr.Faroole oo markaas shucuurtiisu aad u kacsanayd ayaa goobtaas ka jeediyey khudbad yar oo kooban oo mahad celin ah.
Dhegayso khudbadii guusha ee Dr.Faroole
Xuquuqda lahaanshaha Horseed Media
Casumaadii Dr.Faroole ee Xildhibaanada iyo musharixiintiia la tartantey
Madaxweynaha la doortey ee Dr.Cabdiraxman Faroole ayaa casumaad u fidiyey dhamaan xildhibanadii golaha wakiilada Puntland iyo qaar kamid ah musharixiintii kula tartantey xilka madaxweynaha, waxaana uu ku macneyay in ay tahay casumaad saaxiibtinimo iyo in la wada shaqeeyo, taas oo madaxweynuhu uga dan lahaa in raga la tartamaayey ay la shaqeyaan, iyo mahad celin xildhibaanadii doortey.
Xilwareejintii Gen. Cadde
Dhegayso khudbadii Cadde Muuse xil wareejinta
Xuquuqda lahaanshaha Horseed Media
Inkasta oo xilwareejinta rasmiga ay ka dhacdey hoolka doorashada ayaa haddana taariikhdu markey ahayd 12 janaayo 2009 4 maalmood kadib doorashada ayaa xaflad xilwareejin loo sameeyay waxaana si toos ah xilkii loogu wareejiyey madaxweynaha Punland Dr.Cabdiraxmaan Faroole, Gen.Cadde Muuse ayaa hadal kooban halkaas sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay, doorashada sida nabadgelya ku dhacdey iyo xil wareejinta taariikhiga ah, arintaas oo ahayd mid aad loogu amaaney Cadde Muuse.
Maxaa ka qabsoomey balanqaadkii Madaxweynaha?
Dhegayso khudbadii uu jeediyey Dr.Faroole markii uu xilka la wareegay
Xuquuqda lahaanshaha Horseed Media
Waxqabadka maamulka iyo waxqabad la’aantiisu ma ahan mid isku aragti laga wada noqon karo, waxaase hubaal ah in maamulku wax badan qabtey mudadii uu jirey, isla markaasna ay waxbadan ka haleysmeen, bal aan dul istaagno qaar kamid ah balanqaadkii Dr.Faroole.
Xukuumad tayo leh?
Madaxweynaha Puntland Dr. Faroole ayaa daaha ka qaadey golihiisa wasiirada oo markaas qabyo ahaa, Golaha wasiirada ee madaxweynaha ayaa ahaa kuwii ugu tirada badnaa ee abid ay Puntland yeelato, waxaana uu ku macneeyay qancinta beelaha waana arin laga gudbi doono ayuu sheegay madaxweynahu.
Golaha wasiiradda madaxweynaha ayaa isugu jirey kuwo ku cusub siyaasadda Puntland iyo kuwo horey u ahaan jirey Wasiiro xukuumadihii kala danbeeyay ee Puntland.
Dr.Faroole ayaa wasiiradiisa ku soo daray sadex xubnood oo kamid ahaa ragii u tartamay jagada u saraysa ee Puntland kuwaas oo kala ahaa:
Cabdullaahi Axmed Jaamac, Wasiirka arimaha gudaha, dawladaha hoose & hormarinta reer miyiga
Nuuradiin Adam Diiriye wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah
Saleebaan Axmed Ciise wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda.
Madaxweynaha oo qiraya in xukuumaddu badan tahay iyo sababta ku kaliftey dhegayso
Xuquuqda lahaanshaha Horseed Media

Nuuradiin Adam Diiriye ayaa ka cudurdaartey in uu xilkaas qabto, waxaana uu ku tilmaamey in aanu u arag xal tiro wasaraddo iyo wasiiro intaa le’eg, waxaana uu shegay waqtiga laga baxo beel in la qanciyo ee la soo dhiso wasiiro tiro yar oo tayo leh madaxweynuhu ha igu xisaabtamo, waxaana uu u gudbiyey warqadii cudurdaarka madaxweynaha Puntland, inkasta oo Dr.Faroole sheegay inaanu ugu garaabeyn cudurdaarkaas. (Halkan ka akhri warqadii cudurdaarka)

Dr.Saleebaan Axmed Ciise ayaa isagu u gudbin wax cudurdaar ah, waxaana uu warbaahinta u sheegay isaga oo ku sugan Buuhoodle inaanu waxba ka ogeyn xilka loo magacaabey, isla markaasna diyaar u ahayn.
Muddo yar kadib waxaa madaxweynuhu soo dhamaystirey qaar ka dhinaa golaha wasiirada, waxaana ay tirada wasiiradu gaareen 49 wasiir, tiradan oo ka dhigeysa mid wax yar ka yar xildhibaanada golaha wakiilada Puntland.
Dib u habaynta hay’adaha dawliga ah iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa?
Madaxweyne Dr.Faroole ayaa ballan qaadey in uu isbedel ku samaynaayo maamulka, ayaa u magacaabey wasiirka wasaaradda halbowlaha u ah Puntland ee Maaliyada nin ku cusbaa masraxa siyaasadda Puntland, laakiin ka soo jeeda qoys siyaasadda Soomaaliya can ka ahaa, ninkan ayuu madaxweynuhu sheegay in uu yahay khabiir dhanka xisaabaadka ah isla markaana yaqaana sida lacagta loo maamulo waa Faarac Cali Jaamac,
Wasiirka ayaa ku guuleystey in uu fariisiyo xisaabaadkii wasaarada muddo yar oo kooban isla markaasna si joogto ah u bixiyey mushaharaadka shaqaalaha dawladda.
Dib u habaynta dastuurka
Madaxweyne Faroole markii uu xilka qabsadey waxa uu durbadii magacaabey guddiga dastuurka waxaana guddoomiye looga dhigey wasiirka dastuurka iyo arimaha federaalka Dr. Cabdi Xassan Jimcaale, waxaana ay ku guuleysteen in ay dhamaystiraan dastuurka isla markaana wax ka baddalaan, waxyaabaha la taaban karo ee laga baddalay ayaa waxaa ka mid ah:
Waqtiga Madaxweynaha oo laga dhigay 5 sano halkii uu ka ahaa 4 sano
Iyo qaabeynta magaca Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed halkii ay markii hore ka ahayd Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
Dastuurka ayaa la ansixiyey taasina waa guulaha la taaban karo, waxaana uu hadda sugayaa in afti dad weyne loo qaado taas oo aan la garan karin xiliga ay dhacayso.
Lacagta Fadlanta?
Xukuumadda Dr.Faroole ayaa ku dooda in ay joojisey lacagta la dhihi jirey fadlanta ee sida sharci darada ah uga bixi jirtey khasnadda dawladda iyada oo ku dhici jirtey jeebab aan muteysan, inkasta oo dadka qaarkii ku doodo in ay tahay sheegasho ee dad haddii loo diidey ay jiraan dad kale oo hela naasnuujin aan sharci ahayn.
Dhaqaalaha
Dhaqaalaha Puntland ayaa gaarey sanadkii 2008 heerkii ugu xumaa, kadib markii sicirbarar aad u baaxadleh uu wadanka Soomaaliya oo dhan saameeyay, waxaana heerkii ugu xumaa gaarey sarifka doollarka kadib markii xukuumaddii xiligaas jirtey ay soo daabacdey lacago tiro badan, kuwaas oo saameeyay sicirka doollarka iyo nolosha danyarta. Xukuumaddii markaas jirtey ee Cadde Muuse ayaa ku doodeysey in dhaqaale xumadu tahay mid caalami ah.
Waxaa la dhihi karaa isbedel dhaqaale oo ka wanaagsan sidii hore ayaa ka jira Puntland, waxaana sare u sii qaadey dhaqaalaha Puntland, markii loo fasaxay xoolaha Soomaaliya in ay tagaan sucuudiga.
Xiriirada wadamada deriska ah iyo kuwa caalamiga ah
Magaca Puntland ayaa noqdey mid saxaafadda caalamku ku soo baxa dhamaadkii 2008, markaas oo burcadbadeeda Soomaaliyeed, ay bilaabeen hawlgalo ay ku ugaarsanayaan maraakiibta gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya waxayna saldhigyo ka dhigteen Degmada Eyl oo ka tirsan Puntland iyo Xarardheere oo ka tirsan Gobolada dhexe.
Waxaa weerarka burcadbadeedu ay laba lixaadsadeen sanadkii 2009, kuwaas oo qaaday in ka badan 184 weerar isla markaasna waxa ay heleen madaxfurasho malaayiin dollar ah.
Hadaba cilaaqaadka Puntland ee caalamka waxaa hareeyay burcadbadeeda waxayna noqotey waxa ugu badan ee lagala hadlo masuuliyiinta Puntland Burcadbadeeda.
Xukuumadda Puntland ayaa dejisey qorshe ay ku sheegeen in dhibaatada burcadbadeedu uu yahay mid caalami ah isla markaana ay leedahay waxyaabo sababay waxa ayna ka dhigteen dooda ay ula tagaan caalamka:
Beesha caalamka ayaa soo dhoobtey maraakiib dagaal oo kor u dhaafaya 30 kuwaas oo malaayiir dollar ku baxayso si ay u baajiyaan burcadbadeeda, maaamulka Puntland ayaa ku tilmaamey nin dubbe haysta oo doonaaya in uu kaneeco ku dilo, waxayna sheegeen in burcadda beriga wax looga qaban karo
Qaarkamid ah hay’addaha caalamiga ah ayaa ku eedeeyey xubno sare oo ka tirsan Xukuumadda Puntland in ay gacansaar la leeyihiin burcadbadeeda.
Puntland maxay ka qabatay Burcadbadeeda?

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtey in ay xukun ku ridey 100 qof oo ku eedaysan burcadbadeed kuwaas oo ay soo qabteen, ciidamada ilaaliya biyaha Soomaaliya, halka qaar ay soo qabteen ciidanka amniga Puntland, sidoo kale waxa ay sheegeen in 300 oo kamid ah ay ku hayaan xabsiyada Puntland.
Xukuumadda ayaa abaabushey culimadda diinta iyo waxsaradka kuwaas oo wacyi gelin ka sameeyay xeebta Eyl waxaana toodabad keenay ayey dheheen burcadbadeed gaaraya 40 nin, inkasta oo arimahaasi aysan baajin burcadbadeednimada ee xeebta Eyl ay weli ku sugan yihiin maraakiib madaxfurasho loo haysto.
Dadka qaar ayaa ku dooda in Xukuumadda Puntland ay aad uga gaabisey waxka qabashada Burcadbadeeda, waxaana ay tibaaxaan in Magaalada Eyl ee ay ku taalo dooxada uu ku dhashay Madaxweynaha Puntland aysan marna ku tegin iyaga oo maamul ah isla markaasna aysan geyn wax ciidan ah oo kala cayriya burcadbadeeda halkaas xarunta ka dhigtey.
Xukuumadda ayaa ku dooda in dhibaatooyinka burcadda iyo tahriibtu ay ahaayeen kuwo ka horeeyay laakiin waxa loo doortey waxa ay ahayd dhibta jirta in ay wax ka qabtaan ee maahayn in ay uga sii daraan.
Safarada Wadamada Deriska ah ee caalamka
Madaxweynaha ayaa safar ku tegay dalalka dersika ah sida Kenya iyo Itoobiya waxana uu kulamo la qaatey madaxda dalkaas iyo diblomaasiyiin shisheeye.

June – July madaxweynaha Puntland waxa uu safaro ku tegay dalka maraykanka waxaa uu ka qaybgalay shir looga hadlaayey xaaladda dalka Soomaaliya, waxaa casumey Madaxweynaha Congress man Donald Payne oo u qaabilsan Kongoresska maraykanka arimaha Africa, sidoo kale waxaa lagu casumey shirka Wasiirka arimaha dibadda ee Dawladda Federaalka iyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland, labaduba waa ay ka baaqsadeen taas oo Puntland u siisey in shirka uga faa’ideysato sidii ay rabtey, waxyaabaha ugu badan ee la weydiiyey madaxweynaha waxaa kamid ahaa burcadbadeeda iyo arimaha amaanka ee gobolka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan aad u balaaran la qaatey jaaliyadda Soomaaliyeed gaar ahaan qurbajoogta Puntland, waxaana uu ahaa kulan guul ku dhamaadey.
Madaxweynaha ayaa isla bilahaas safar ku tegay dalka Ingriiska waxaana uu khudbad dheer ka jeediyey aqalka Chatham House waxaana uu ka hadley dhibaatooyinka dalka Soomaaliya haysta iyo sida wax looga qaban karo Burcadbadeeda, waxaana uu kulan la qaatey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Brittan.
Safaradii uu dibadaha ku soo maray Madaxweynuhu, waxa uu ku soo afjaray in uu 01.08.2009 kala qaybgalo dabaaldeg weyn oo loo sameeyay curashadii Puntland taas oo ka dhacdey Garoowe ahaydna tii ugu balaarneyd ee la sameeyo intii Puntland ay jirtey.
Tahriibta
Dadka Tahriibaya ayaa ahaa kuwo dhibaato badan ku haya Puntland, sidoo kale waxa ay dhibaato ku hayeen naftooda, dhibaatooyinka ay Puntland u keeneen waxaa kamid ah:
Sidoo kale waxa ay ahaayeen kuwo naftooda dhib ku haya, waxa ay u bareeraan khatar aad u daran, oo bad iyo beri leh.
Hay’adda arimaha qaxootiga ee Qaramada Midoobey UNHCR ayaa sheegtey in anadkii 2009 uu ay ka talaabeen gacanka cadmeed qaxooti gaaraya 74.000 kun oo qof tan oo ka dhigeysa mid ka badan 50% sanadkii 2008. Dawladda Puntland ayaa ku dooda in aysan keligood waxba ka qaban karin arimaha tahriibta haddii aysan wada shaqeyn ka helin dalalka Itoobiya iyo Yemen, waxaase la isku raacsan yahay in sanadkii la soo dhaafey tahriibtu ay gaartey heerkii u sareeyay sida ay xaqiijiyeen hay’adaha arimaha qaxootiga ee qaramada midoobey ( http://www.google.com/hostednews/ap/article/ALeqM5hFy_JcskLQR84nNuAd-q3cMyYpVQD9CLO2900)
Amniga Puntland
Musharixiintii madaxweynaha Puntland ee sanadkii 2009 markii ay ka hadlayaan waxqabadkooda haddii la doorto waxa ay xooga saarayeen waxa uu ahaa in ay gacan bir ah ku qabanayaan amaanka gebiga ka laad laada, kadib markii ay Puntland ka dhaceen falal afduub ah oo loo geystey dadka caddaanka ah, inkasta oo aysan jirin dilal siyaasadeed ama qabiilo fooda is dara oo isaga horyimaada beel beel, laakiin waxaa dhici jirey dilal loo geysto ciidanka amaanka iyo laamaha sirdoonka.
Haddaba waxaa dadku is weydiinayaa amaanka Puntland sidee yahay sanad kadib?, ma kadaray mise waa ka soo roonaadey sidii uu ahaa.
Su’alaahaas waa kuwo aan uga tegaayo akhristaha ee maahan kuwo aan ka bixinaayo faahfaahin, waxaase hubaal ah in amaanka Puntland aysan sugi karin dawladda oo keliya ee waxaa amaanka ka wada shaqeyn kara ciidanka amaanka iyo shacabka canshuurta bixiya oo wada shaqeeya, waxa ka dhacaya Puntland masuul kama ahan dawladda oo keliya ee waxaa qayb weyn ku leh shacabka oo inta badan ka gaabiyey doorkii ay lahaayeen.
Sharciga iyo Garsoorka
Dadka bixiya canshuurta waxa ay is weydiinayaan maxaa xukuumaddu ka qabatay hay’adaha garsoorka oo ahaa goobo musuqmaasuq xoogleh oo ka jirey, isbedel miyaa lagu sameeyay mise waa ka sii daren?
Xuquuqda asaasiga ah
Mudadii xukuumadda Puntland maxay ka qabatay xuquuqda asaasiga ah ee muwaadinka reer Puntland uu leeyahay, dadka qaarkii waxa ay ka cabanayaan in la iska xiro dadka si aan wafaqsanayn sharciga. maxaa iska badalay arimaha xuquuqda aadanaha?
Xoriyadda saxaafadda
Xukuumadda Puntland oo looga fadhiyey in ka badan kuwii iyaga ka horeeyay maxay ka qabatay hormarinta saxafadda? ilaalinta xuquuqda suxufiyiinta, iyo xoriyatul qawlka?, mise xaalku waa ka daray, Meeqa suxufi ayaa xabsiga loo dhaadhiciyey muddana lagu hayey maxkmad la’aan? meeqa suxufi ayaa wadanka isaga baxay kadib markii cagajugleyn lagu sameeyay?, imisa ayaa la jirdiley?
Hirgelinta Nidaamka Dimoqraadiyada iyo Xisbiyada badan
Inkasta oo Puntland muddo dheer jirtey haddana waxaa muddadaas oo dhan lagu dhaqaamey nidaamkii Puntland lagu asaasey ee beelaha ku dhisnaa kaas oo ah mid caddaaladd ku dhsineyn, Madaxweynaha Puntland ka hor doorashada waxa uu balan qaadey in uu sanadkii 2009 hirgelinaayo nidaamka xibiyada badan, inkasta oo ay ahayd laablakac iyo olole doorasho oo aysan muuqan wax suurtagal ka dhigi kara in sanad gudhiis lagu hirgeliyo ayaa la is weydiinayaa suurta galnimada in uu ka hirgalo nidaamkaas, iyada oo ay Puntland ka maqan tahaya magaalada ugu weyn gobolka Sool ee Laascaanood.
Dhulka ka maqan Puntland
Markii la soo doortey Dr.Faroole waxaa maqnaa qaybo kamid ah Puntland oo ay ugu weyntahay caasimadda Gobolka Sool oo gacanta u gashey Somaliland Okt 2007, waxaa jirey isku duubni dadka u dhashey gobolka Sool, kuwaas oo ay hormuud u ahaayeen isimada Sool ee ku shiray Boocame, xaruna ka dhigtey Garoowe, waxaana markasta jirtey rajo iyo abaabul, hadaba waxa qaybsamay isimadii, waxaa soo baxay aragti kale oo lagu asasey Kenya taas oo loogu walqalay SSC, waxaa aad u yaraatey rajaddii Puntland ay ka qabeen in ay soo celineyso Laascaanood, waxaana hungo noqotey balankii soo celinta dhulka maqan.
Shacab iyo Xukuumad
Waxa hubaal ah xukuumaddu ay ku taagan tahay shacabka, haddii xukuumadda iyo shacabku ay kala aamin baxaan waxa markhanti ma doonto ah in dhan walba fashil uu ku ku dhamaanayo. Xukuumaddu waa in ay kastbataa qalbiga shacab taas oo ah midda keliya ee lagu sugi karo amaanka, waxaana la is weydiinayaa in xukuumadda Dr.faroole ay gaartey qalbiga shacbka Puntland, Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo isagu fadhiyey mudooyinkii danbe magaalada Bosaso ayaa bilaabay kulamo uu la qaato shacabka isaga iyo Wasiirka amniga, waxa ay kulamo la qaateen ururada dhalinyarada, haweenka ganacsatada iyo culimada diinta, waxa loo jeediyey dhaliilo aad u badan, waxaana halkaas ay ka garteen in iyaga iyo shacabku ay laba waddo kala haysteen, wadahadalaa caynkaas ah waa kuwa lagu xalili karo farqiga u dhexeya shacabka iyo xukuumadda.
Gunaanad
Udub dhexaadka qoraalkan maahan in aan farta ku fiiqo wixii dhacay oo dhan dhib iyo dheef sanadkii 2009, macnuhu waxa uu yahay taariiikh dhacdey, xasuusin balan qaad iyo rajo weli nool. Dr.Cabdiraxmaan Faroole kursiga uma fuulin taariikhda hakuu gasho ee waxa uu meesha u yimid in uu wax qabto weliba wax ka wanaagsan kuwii isaga ka horeeyay qabto, muddada uu xukunka hayey waa muddo sanad ah waxaana u harsan mudo 4 sano ah sida dastuurka Puntland dhigaayo.
Sanadkasta marka uu bilaamo waxaa dadku rajeeyaan wanaag iyo badhaadhe in ay ka helaan isla markaasna ay gaari doonaan horumar, waa rajo bini aadamku ka siman yahay, reer Puntland waxa ay dhawarayaan in sanadka cusub ee u bishey uu uga wanaagsanaan doono kii hore oo hawl iyo hadimo badan lahaa, rajadiina may dhiman.
Haddii aad u baahantahay in qoraalkan aad daabacatid Halkan riix isaga oo word document ah
Cumar Siciid
Editorial
as/cw walaalayaal dadka reer puntland waa dad yar oo jecel hormarka iyo nabada laakiin waayadaan dame waxaa moodaa in aysan is aaminsanayn ma waxay rabaan sida walaalohood reer koonfureed in wadaado iyo qab qablayaal iyo qabiil dib u dhigaan oo ay istaagto rajadoodu iyo hormarkoodu fadlan madaxwayne walba waxuu haynayaa 4 sano oo kaliye marka aqoonyahanadiina oo dul qaata aad hormar gaarteene hadii kale wadaado waalan baa idiin talinaya
Faroole wuu fashilay, dibudhac dhinackasta ayuu u keenay Puntland. Waxkasta waa joogsadeyn. No Mashruuc, Madaxweyne Cade Muqdisho iyo Abdullaahi Yuusuf buu Lacag siin jiray, kan xagee wax mareyn. Waa su’aal aan idiin weydiinayaa, tan kale ha la sheego wuxuu qabtay dhibaato iyo abaaro mooyee? Garowe iyo dibad wareeg ayuu qabatay, wax kale ha la sheego. Bulxan
anigu ma aan qabo faroole in uu wax u qabtay shacabka puntland e waxaan aaminsanahay in uu ka baxay ballan qaadikii uusameeyey waqtigii doorashada isaga oo xilka ku raadinayey balanta beenta ah , shacabka puntland waxa ay aad ula yaabanaayeen xukuumadii cadde musse waxaase i qarso noqotay tan faroole waayo xukuumadani waa mid aan haba yaratee waxba u qaban shacabkeeda faroole waxaan ugu baaqilahaa maadama uu ku fashilmay in uu wax ka qabto amaanka puntland. soo celinta lascanod iyo in uu mideeyo belaha dega puntland iyo balan qaadadii kale oo ahaa habaynta ciidama . madama aanuu intaa wax ku qaban waa in uu xilka iska wereejiyo sabata oo ah shacabka ku dhaqan puntland waxay leeyihiin nimaad saacad ku baran weyday sanad kuma baranaysid. isku soo duu duub oo faroole wuu ku fashilmay in uu maamulo shacabka puntland waayo malaha waayo aragnimo iyo karti uu wax ku maamulo sida ay aamin sanyihiin shacabka reer puntland bye mohamed ahmed warsame shirdoon,,,,,,
Nin baa laga sheegay, ma anagaa suudaanta keennay ” Faroole isagu dadka ma laayo, mana qarxiyo, ee dadkii kursiga hayn jiray ee lacagta cuni jiray ayaa waayey wixi ay heli jireen oo dadka laynaya si loo dhoho faroolaa fashilmay.
Laba arimood oo uu ku fashilmay FAROOLE oo waawayn ayaa jira, anigu ka hadli maayo arimaha uu qaybta ka yahay sida budhcad badeeda iwm. Arinta 1aad wuxuu la degay dhaqaalihii Puntland isagoo dhinacna ka bilaabay inuu ugaadhsado shacabkii Puntland oo amxaaro u dhiibo iyo isagoo cashuurihii dekada si waaliyi ku jirto kor ugu qaaday taas oo keentay in Berbera la isku shubo. Arinta labaad waa kasii fogaanshaha xayn daabka umadda Soomaaliyeed ee muslinka ah iyo usii dhawaanshaha xukuumada Itoobiya ee gaalada ah, taas oo amnigii Puntland ka dhigtay mid gacan ku gabasho ah isagoo PIS tiina u aqoonsaday ciidan qaramaysan oo Puntland copy-gii xamarna lasoo wareegay. Waxaa kaloo iyana daymadeeda leh samaysashada calanka iyo astaanta, kala qaybinta Puntland oo uu SSC oo Laasku ugu horeeyo uu ka dhigay dhul beel laga haysto ayna tahay in beeshaasi dib Puntland ugu sooceliso (war ma dhibaadbaa???) oo amniga guud oo sidiisaba u khalkhalay mar hadii dhaqaalihii khalkhalay. Waxaa taas ka sii daran in odaygu uu ka xishoon waayay wixii C/laahi Yuusuf ka xishooday oo ah xuska maalintii la doortay. Waxaan soo xasuustay odaygii Max’ed Siyaad ahaa oo isagu wax la xuso ayuuba haystaye tolow kani muxuu xusyaa. Waa Yaab !!!! Nooloow ma daale… madaale nooloow…. Caynaanka hay … weligaa hay…..kkkk tolow odaygu dhoosha ma ka qoslay??
Aad bey u maadsanyihiin Horseedmedia oo ah Webka aan ka bilaabo marka aan warar rabo dhexdexaadnimadooda darteed.Waxan qabaa in ey aad usuu koobeen diliilaha amaba guud mareen keliya.Runtii waxaad mooddaa in aan waxba laga qaban wixii lagu daliilayey maaulkii ka horreeyey kan hadda jooga.Wexeynu xusuusanaay in madaxweyne Faroole iyo raggii kale ee jagada u tartamayeyba ku hadaaqayeen qodobbo badan oy dhaliileen,ballanna ku qaadeen in ey wax ka qabanayaan.Waxa ka mida:Amniga,daqaalaha,xorriyadda saxaafadda,horomarinta mashaariicda,burcad-badeedda,tahriibta,musuqa iyo ka shaqeynta nabadeynta Somalia,iyo ugu damayn soo celinta dulka la inaka qabsaday.Haddaba maxaa ka qabsoomay arrimahaas oo dhan? waa WAXBA.Waa jirtaa in la habeeyey habka ey Was.Maaliyaddu u shaqeyso oo weliba loo dhiibay nin takhasus u leh,laakiin su’aashu waa aaway dakhligii la habeeyey ama laga badbaadiyey FADLANTA iyadoo eynu ognahay in weliba cashuurtii kor loo qaaday? mase dhici kartaa in aan ilaa hadda wax masruuc ah aan laqaban muddo sannad ah oo la waayo gaari dabdamis oo lgu damiyo dabkii ka dhacay magaalo madaxdii? Amniga wexey oran jireen farihii buu ka baxay,wexeyna ahayd weedh xun oo saadaal xun keeni karta,hadda uun buuse faraha ka baxay Allase ha ina badbaadiyo.Xagga masaariicda dadku rajo ku nool beeyba iska ahaayeen oo wax dhan bey ahayd intii la fiirsanayey aalado baaraya batrool.Calaa kullu xaal waa maamul afrikaani ah dakhli badanina soo gelin oo anigu haatan kamaba sugeyn wax qabad badan,laakiin waxan aad uga horjeedaa dabbaaldeg sannadguuro iyo guulwadenimadan layaabka leh iyadoo wax kasii darey mooyaane aan wax la qabtay jirin.Taa markaan ka hadlo waxan dadka ku guubaabinayaa in muqaddas laga dhigo jiritaanka Puntland oo mucaaradnimadu idinla gelin heer aan ka hor nimaadno maslaxadda P/Land.Xitaa haddii maamulku xun yahay halla saxo oo wixii quman oo ey sameeyaan gacan ha lagu siiyo oo atleast muujiya heerka muwaaddinnimadu ka taagantahay reer somaliland oo kale.Haku illaawin dareenkaagii P/Laannimo waxyaabo aad tirsaneyso daliishooda.Wa Billaai towfiiq.
Mudane Faroole Khodbaddaadii waan dhegaystay, waad mahadsantahay wax fiican ayaad qabatay, waxaan rajaynayaa in adiga iyo raggaaga ay dadaalka sii wadaan, rajo fiican ayaad nasiiseen in aanu Puntland ku soo laabano. Laakiin naga dhaaf adiga waxaad dhehday (dadkeena reer Magaalka ah xamar ayaynu ka nimi)… Ari boowe kama wada iman, reer magaalku Puntland waa joogi jiray.. Kaftan iga dheh !!!
madaxweynuhu waxaa uu qiray in ay jiraan mucaarad xoogan oo kasoo jeda g/bari..isagoo aan kala saarin ..hadaba waxaa is weydiinleh marba hadii g/bari ay mucaaradsanyihiin maxaaba haray waayo degaanada p/land 70% wa gobolkaas..iyadoo aan ognahay in g/mudug aan laga jecleyn kadib goortuu udhiibay al-itaxaadkii ahaa p/land cadowgeeda..sool iyo sanaag iayaga waxey horey isugu dhiibeen somali-land intii yareyd ee so ahrteyna isagaa kasii careysiiyey..hadaba dowlada uu madaxweynaha ka yahay waa mid kusoo kooban oo kaliya sida hadalkiisaba ka muuqata garoowe iyo eyl(xarunta B/BADEEDKA)..dhanka kalena waxaa kusoo wajahan gobolka al-habaab kuwaasoo taageero ka helaya qaar kamid ah maamulkiisa kala qeybsan ..su,aashu waa illaa iyi inteebuu sii joogi karaa maamulkan faashilka ah.
Asc-dadka qaar waxaad u maleysaa iney iska hadlayan ama wax ban qoree halagaa sheego aay ka tahay. Dowladu runtii eed & ammaanba waa leedahay shicibkuna taa kama marna. Dhibaatooyinka P/land 2 arimood ayaa sal u ah. 1)b/badeedda 2)tahriibta.
1)b/badeedda dadka lafdhabarka u ah wa dad la yaqaan oo inaga tirsan oo nagu dhex nool shaxaadkana aynu u doonano. 2)tahriibta, dadka doonyaha leh waa kuwo la yaqaan. Waxay P/land keenen dad deeganadoda dhib ku haye & kuwo cuqubo & habaar wata. Dadka masaakiinta ee aay badda ku gurayaan wa dad ILLAAH abuurtay denbiga intaa la eg ee laga geliyana wa wax P/land meel u yaal markay ahaataba adduun & layska gudi doono. Fadhiga intaan ka kacno 2daa arrin aan kor ku soo sheegay wax ka qabano. Wabillaahi tawfiiq
dhamaan waan salamayaa habda horseedmedia iyo walaalaha aragtidooda dhiibtay.
Run ahaantii waxqabadka madaxweyne faroole intii xilka hayay ma ahayn wax qabad muuqda,arimaha ugu wayeyn oo hor oolaa madaxweyne faroole waxaa ka mid ahaa:-
1. arinta laascanood ma uuna xalin,kaas oo la dhihi karo soo celinta lascanood waxay ka mid ahaan lahayn wax qabadkiisa 50%,lakin nasiib daro xil ismasaarin madaxweynuhu .
2.xalinta khilaafaad beelaha walaalaha ah ee wada degan degaan cagaaran taasna wax kama.
3.sameenta boolis iyo ku soo dabaalida amni dhamaan degaanka puntland ,marka aan leeyahay amni ku soo dabaalida waxaan wadaa in wadanku uu yahay mid xasiloon ka maran qaraxyo iyo filalka fool xuma leh.
ASC
FAALLA QORAHA WAA AFGOBAADSADAY, HASE YEESHE WAX LAGA AFGOBAADSADO MEESHA MA-YAALIN, WAANA LA-OGYAHAY DR. FAOOLE INUUSAN XISHOON.
WAXAA LAGA SUGAA INUU KU DHAWAAQO FASHIL CAD. WAXAA LA-LAAYEY WASIIRADIISII, BAARLAMAANKIISII, CIIDAMADIISII, WELINA WAA SOOJEEDA OO MEESHA WUXUU KU HAYAA HADAL IYO GABAY OO TAN WAXAA NOOSHEEGAY TAARIIKHDIISII HORE MARKUU KA-SHAQAYN JIREY
BANGIGA GANACSIGA EE XAMAR
faalla qorahana waxaa mooddaa inuu wax badan sheeg-shegin, oo uu aad u asturay ceebtii dowladda, taasna waxaan u qaatay dowlada oo xirta hadii warbaahinta ay waxsheegaan la xiro oo la xabiso.
Waan ka xumahay in puntland ay u weecatay jiho hor leh, oo nasiib darro iyo amni xumo ah, waxaa putnland hareeyey sanadkii tagay burcad badeedyo hor leh, lama oga lacagaha dowlada iyo dakhliga halka uu ku baxo.
faroole waan ka xumahay maahan nin istaahila inuu kursiga kusii fadhiyo muddo badan waana tan keentay in dad badan isaga huleelaan kana baxaan dalka.
ilaahow hogaan fiican oo khayr qaba kan noogu bedel
as/cw waxaan anigu amin sanahy maqalka horseednet u yahy mida xaqiqda ka fooge wayo xukumda faroole ee tagtaa darn waxaa kalsoni ah maka hasto shacabka reer puntland ma ah waxaa la qarinkaro fashiled faroole amani darda waxay gartay lagu badbad wayo masjida magaloyinka weyn weyn waan garnkaran inte masuul la dily inta qabail is dily dadkii la oranjiry somaliya ugu nabda jecel nabad jecelka lagu xamjiry magaloyinka puntland waxa ka jira amandardi abida soo martaa oo xata xafdaha dhexdoda waxay saymaysteen ciidamo ilal u garh fashilda xukumda faroole ma ah waxa u bahna tatbasho ee waxa weyn oo muqda waxay ku guldarast kasbosho da shacabka waxa y ku fashilmatya saysadi dibad kenya joubati iyo somaliy den guud ka dhexyaso