Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

DFKM ah oo Sheegtay in ay WFP dib usoo celinayso

DFKM ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in ay dhowaan kulamo la qaadan doonto Saraakisha Hay’adda Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Barnaamijka Cunada Aduunka ee WFP ka dib marki ay Hay’addu dhowaan ku dhawaaqday in ay joojisay Gargaarka ay ka waday Koonfuurta dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Ra’isulwasaaraha DFKM ah ee Soomaaliya Abdulkaadir Walaayo ayaa sheegay in asbuuca soo socota ay kulamo la qaadan doono Saraakisha ugu sar sareysa Hay’adda WFP,isla markaana ay ka wada hadli doonaan arinta keentay in WFP ay joojiso howlaheeda Gargaar.

”Waxaan isku deynayna in aan horumar ka gaarno Xaalada Bin’aadanimo ee dalka Soomaaliya,waxaanu rabna in aan WFP dib ugu soo celino dalka Soomaaliya si ay u gargaaran Umada Soomaaliyeed inkastoo ay hanjabaado kala kulmeen Al-Shabaab,hada Dowlada waxaa ay isugu diyaarinaysa in ay shaqo joojinta WFP wax ka qabato”,ayuu yiri.

Waxaa u hadalki ku daray in DFKM ah ee Soomaaliya ay dhamaan Hay’addaha Samafalka ee Caalimaga ah looga baahanyahay in ay si wadaan howlahooda shaqo,isla markaana ay samata bixiyaan Umada Soomaaliyeed.

Mr.Walaayo ayaa sheegay in Masuuliyinta DFKM ah ay dhowaan xal guud la imaan doonaan kaas oo ku aadan dhibaatooyinka ay la kulmaan Hay’addaha samafalka

”Wasaaradaha khuseeya arimaha Bin’aadanimada iyo weliba Hay’addaha Samafalka kulamo ayaan la qaadan doona.waxaana dooneynaa in aan wada shaqayn la yeelano Hay’addaha samafalka si ay u gargaaran dadka haysta dhibaatooyinka dhanka nolosha ah,WFP waxaan ka dooneynaa in ay ka howlgasha gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka”,ayuu yiri.

Dhowaan WFP ayaa waxaa ay shaacisay in ay joojisay Gargaarki ay keeni jirtay Koonfuurta dalka Soomaaliya, waxaana arintaas walaac xoogan ka muujiyey Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Koonfuurta dalka Soomaaliya.

Horseed Media.

Comments are closed.