Dahabshiil
Golis

Somalida Minnesota oo banaanbax ka sameeyey dilkii ka dhacay Minneapolis (Sawiro)

Waxaa xalay banaanbax isugu soo baxay boqolaal Soomaali ah oo ku dhaqan magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, halkaasi oo maalin kahor lagu dilay sadex qof oo ku sugnaa Dukaan Soomaalidu leedahay.

Boqolaal Soomaali ah ayaa isugu soo baxay bananaka Masaajidka Abubakar Sadiiq ee magaalada Minneapolis, si ay u muujiyaan sida ay uga xun yihiin dilkii ka dhacay dukaanka ku yaal magaalada Minneapolis oo lagu magacaabo Seward.


Waxaa sidoo kale banaanbax noocaan ah oo lagu xasuusanayey dadkii la dilay uu xalay ka dhacay banaanka dukaanka Seward, halkaasi oo habeenimadii Arbacada lagu dilay sadex qof oo ku sugnaa dukaanka.

Sadexda qof ee la dilay labo kamid ah waxay ahaayeen ilmo adeer waxaana lagu magacaabi jiray Abdifatah Warfa iyo Mahad Warfa. Labadan marxuum ayaa la sheegay inay ilmo adeer yihiin Mulkiilaha dukaanka oo lagu magacaabo Faysal Warfa oo la sheegay inuu dukaankaasi gatay sanadkii 2007.

Dukaanka Seward ayaa ah mid ay si weyb uga adeegtaan dadka Soomaalida ah iyo kuwa kale ee ku nool xaafada Seward uu ku yiilay.

Maxamed Nuur oo qaraabo la ah dhalinyarada la dilay iyo Mulkiilaha dukaanka ayaa raadiyada magaalada Minneapolis u sheegay in dhalinyarada ka yimaadeen gobalka Ogadenya ee maamusho Itoobiya, ayna si aad ah uga xun yihiin in ayagoo kasoo cararay dagaalada dalkooda, maanta lagu dilo Maraykanka ayagoo shaqeesanaya.

Faysal Warfa oo asagu ah mulkiilaha dukaanka ayaa weli la hadlin saxaafada, asagoo la sheegay inuu weli si weyn ulla murrugeysan yahay dilkii Abdifatah iyo Mahad Warfa.

Qaraabada labada wiil ayaa sheegay in Abdifatah uu ka shaqeyn jiray dukaanka, balse Mahad uu u yimid si uu ugu wehelyeelo habeenkaasi dilka dhacay.

Abdifatah iyo Mahad Warfa ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimce ah lagu aaso magaalada Minneapolis.

Qofka sadexaad ee dukaanka lagu dilay ayaan weli magaciisa la shaacin, walow ay soo baxayaan warar sheegaya inuu ahaa qof u dhashay qowmiyada Oromada sida laga soo xiganayo Soomaalida.

Banaanbixii ka dhacay xalay dukaanka hortiisa iyo kii shalay ee Masjidka Abubakar Sadiiq ayaa loogu baaqay Soomaalida, inay la shaqeeyaan booliiska sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cidii falkan geysatay.


Duqa magaalada Minneapolis Mayor R.T. Rybak oo xalay isu-soobixii Soomaalida kala qeyb galay ayaa ku booriyey Jaaliyadda Soomaalida inay kala shaqeeyaan danbi baarayaasha sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiiglayaasha.

Booliiska oo horey u sheegay in ay rumeysan yihiin in dilkan uu ahaa isku day dhac oo isu bedalay dil, ayaa hada dib uga noqday hadalkaasi ayagoo sheegay inaysan weli si rasmi ah u ogeyn sababta dilka ka danbeysa.

Booliiska ayaa hada baaritaan ku wada Kamerooyinkii ku dhegenaa dukaanka oo la sheegay inuu lahaa 9 kaamero oo wax duubeysay xiligii dilka dhacay. Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in dadkii goob-joogayaasha ahaa ay si fiican ulla shaqeenayaan baaritaanka.

Gobalka Minnesota oo ay degen yihiin Jaaliyadda Soomalida ugu badan ee dalka Maraykanka, ayay horey uga dhaceen dilal dhawr ah oo aan weli la xalin, kuwaasi oo ay qaar geysteen dad Soomaali ah, inkastoo aan la aqoon weli cida ka danbeysay dilkan ugu danbeeyey.

Horeyey ayey booliiska magaalada Minneapolis uga cawdeen in Soomaalida aysan sheegin qofka dilka geystay oo ay yaqaanaan, taasi oo keenta in marar badan aan la soo qaban soomaali falal noocaan ah geystay.

Dilkan ayaa cabsi xoogleh ku abuuray Ganacsatada badan ee Soomaalida ah ee xarumaha ku leh magaalada Minneapolis, ayadoo ay dubaba bilowdeen inay ganacsatada qaarkood ay wax ka bedalaan xarumahooda oo ay ku rakibaan kaamerooyin, si taasi u cabsi geliso dadka isku daya in dukaankooda ay dhacaan.

Horseed Media

14 Responses to “Somalida Minnesota oo banaanbax ka sameeyey dilkii ka dhacay Minneapolis (Sawiro)”

  1. aadanyare says:

    from adan yare
    Asc wr wbr…Salaanta Islaamka Ka Dib
    Tacsi ban u Diraya Ehelka wiilasha reer ogadenia ,,,Somalida Usa na sidoo kale ,,,
    Gacan ka xaqdaran ba dishay oo ay ku baxen naf walbana malinkeeday Go,daa,,,Kulla nafsin daaiqtul mawt
    walaalyalow somalidu horta yaa habaray wa Iga Su,aal
    war Nimayow hadaynu somali nahay Meel kasta an ka Nimadnee waxa ina haysta ee dawlad ino diiday ee isku keen diray ee waxii wax dila qabiil ahan loogu qarinaya ban garan wayay
    Ma ogtahay ninka manta naftii naf disha qariya in isgana beri hadii la dilo sidoo kale uu naqonayo gar iyo mag la,aan
    war Europe Us iyo carab iyo africada kaleba wa ku dhibanahay waxaasna inaga gacmaheena ku keensanay
    Bal qaxoontigii Yamen eega sida loogu diray masakiintii Al Jaxiim ba la gawracaya inta belaayo Tiri wan soo dagaal gelayna oo doonyanu soo racayna
    ,,,,,,,ilahay ba dunida leh waxan uga baryaya in ilahay ciqaabka somali ku dhacday uu ka saaro,,,,,,, dadkiinan qurbaha jooga ee somalida ahna iska daya munafaqada iyo qabiilka ,,,waa waxa kuu keenay in adoo soo cararay hadana lagu dilee
    ina lilaah wa ina ilayhi rajicuun

  2. waxan ad iyo ad uga xumahay waxa ku dhacay dhakinyarada walalday ah samir iyo iman alaha ha ka siyo qoysaskoadi aminamin

  3. ogadeniya says:

    ilaahay jana fardawsa ha geeyo naxariis waasacana ha siiyo waxaa dishay gacan ka xaqdaran qaraaba dii iyo eheladii ay ka geeriyodeena samir iyo iimaan haka siiyo aamiin aamiin

  4. Mubaarik says:

    Asc wr wbr…Salaanta Islaamka Ka Dib
    Tacsi ban u Diraya Ehelka wiilasha reer ogadenia ,,,Somalida Usa na sidoo kale ,,,
    Gacan ka xaqdaran ba dishay oo ay ku baxen naf walbana malinkeeday Go,daa,,,Kulla nafsin daaiqtul mawt
    walaalyalow somalidu horta yaa habaray wa Iga Su,aal
    war Nimayow hadaynu somali nahay Meel kasta an ka Nimadnee waxa ina haysta ee dawlad ino diiday ee isku keen diray ee waxii wax dila qabiil ahan loogu qarinaya ban garan wayay
    Ma ogtahay ninka manta naftii naf disha qariya in isgana beri hadii la dilo sidoo kale uu naqonayo gar iyo mag la,aan
    war Europe Us iyo carab iyo africada kaleba wa ku dhibanahay waxaasna inaga gacmaheena ku keensanay
    Bal qaxoontigii Yamen eega sida loogu diray masakiintii Al Jaxiim ba la gawracaya inta belaayo Tiri wan soo dagaal gelayna oo doonyanu soo racayna
    ,,,,,,,ilahay ba dunida leh waxan uga baryaya in ilahay ciqaabka somali ku dhacday uu ka saaro,,,,,,, dadkiinan qurbaha jooga ee somalida ahna iska daya munafaqada iyo qabiilka ,,,waa waxa kuu keenay in adoo soo cararay hadana lagu dilee
    ina lilaah wa ina ilayhi rajicuun

  5. Dahir mohamed says:

    I’M deeply saddened,when i learned from the news.that 3 somali’s had died,after being shoot by two,cold blooded killers in thier store in south minneaplois.
    I send my heartfelt condolences,to families of the deceased.
    Dahir mohamed
    Rochester Mn USA

  6. Dahir mohamed says:

    I were deeply saddened,when i learned from the news.that 3 somali’s had died,after being shoot by two,cold blooded killers in thier store in south minneaplois.
    I send my heartfelt condolences,to families of the deceased.
    Dahir mohamed
    Rochester Mn USA

  7. Xataa USA says:

    ASCWW.
    Ilaahey janatul fardows ayaan u rajeyn wiilasha dhintay eheladii ay ka dhintay samir iyo iiman allaha ka siiyo.

    waa dhib wadankaynii somaliya baanu ugu soo cararnay xabad hadan USA iyo carigii galada bee nooga daba timi cajiib walahay.

    dilkan waxaa qaba caruurta gangiska ah oo dadkooda mar walba qariyaan ee somalida ah ama sir doon reer ogaden la heeb ah oo ay safarada Ethiopia ay usoo dirtay in falkan la fuliyo.

    Ogaden haddii aanu nahay meel walba anagaa isku hayna labada dhanba shalay bee aheyd markii aan Pland isku heenay ilaahow naga soo gaar.

    Nabadgalyo
    USA, MIN

  8. sakiya says:

    marka hore waa wax laga naxo allaha u naxariisto dadkii ahaa ee lagu laayay dukaankoodii. eheladii ay ka tageena samir iyo iimaan allaha ka siiyo. hadaan usoo noqdo ragi dilka geeystay wali waa la la,yahay sida dad badan isku raacsan yihiina waa somaali dabcan dad ayaa garanaya qaraababa ha ahaadeene lamana hayo ilaa iyo hada waa maxay sababta gacan ku dhiigle loo qarsan karo? heer waxaa la gaaray police ka ay og yihiin dadkan ineey xumaanta oo kaliya ay isugu hiiliyaan dilal hore ayaa sidan oo kale wixi wax dilay loo soo sheegi waayay kiisaskoodiina ay policeka iska xireen, inta ay sidaan soomaali u qarinayaan dadkaa ku dhiiglaha ah dilkaan ma dhamaan karo. waxay noqotay common in dambiilayaasha lagu kaalmeeyo siday u dhuuman lahaayeen amaba wadanka uga bixi lahaayeen. sidoo kale aaway dadka intaas daba taagan dad laba sharci leh oo dacweeynaya because of yurub ama canada ayuu ka soo galay. ama qof walaalkood ah oo soomaaliyeed fashilinaya si maalayacni ah. marka soomaaliyeey maxaad xumaanta uun u quftaan iyo qof inaad dhibaataysaan. marka loo baahan yahay in dambiile la soo qabtana maxaad u qarisaan. ugu dambeeyntii illaahow soo qabo kuwii dadkaas meesha ku laayay si looga gooyo waxay geeysteen.

  9. alla ha,unaxariisto dhalinta ku gereeyootay dalka maraykanaka oo ay dileen dadka kaxaqdaran eheladoodina samir iyo iimaan alla haka siiyo

  10. alla ha,unaxariisto dhalinyaradaa ay dileen dadka ka xaq daran eleladoodina samir iyo iimaan allaha hakasiiyo

  11. Haruun says:

    ilaah ha unaxariisto umada islaamaka ah

  12. dhooroos says:

    allaha u naxariisto dadka xaqdarada lagu laayey.somali markii ay africa carabaha iyo dalalka aan qaxootiga qaabilin u carareen waxay ka sheegtan in lagu dhibaateeyo hadii north-america iyo yurub ay yimaadeena iyagii baa is dhibateynaya ama xabsiyadeey ka buuxaan taas ku ogaada in umadani habaaran tahay ee ilaahiina u noqda

  13. waxaan iri waa arin xun oo si aada looga noxo inaa lilaah wa inaa ilaahi raajicuun
    waxaan leeyahay marxuumiintii geeriyooday alaha unaxariisto intay ka geeriyoodeena ala samir iyo iimaan ka siiyo
    somali mareecanow sameesta comenete isku xiran sida aasiyanka ku nool amarica
    markaa waxaad awood uyeelan gartaan in aad iska difaacdaan dadka xun xun iyo xuquuqdiinaba

  14. Sakariye Isticmaar says:

    Bahda Horseed Media mahadsanidin

    Waa wax laga naxo dlka loo geystay muwaadiniintan asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya waxaan ka codsaneynaa dowlada Marykan-ka iney soo qabto cidii geystay falkan foosha xun ee lala beegsadey walaalheen waxaan sidoo kale tacsi u direyaa dhamaan ehalada ey ka geeriyoodeen dadkan