Kooxda Barcelona ayaa shaacisay inay dooneyso Weeraryaahnka Moroco iyo Bordeaux Maroune Chamakh, kaasoo ay kooxo badan wada doonayaan.
Barcelona aya dooneysa inay ciyaarayahnkaan galiso booska Henry oo la filayo inuu kooxda ka tago dhaamdka Xilligan.
Dhanka kale Kooxda Barcelona ayaa ka hartay Koobka boqorka wadanka Spain,ka dib markii ay 1-0 ugu badisay Kooxda Seville,laakiin natiijadaas waxba umatarin waayo ciyaartii hore Garoonka Camp Nou ayaa 2-1 loogu soo badiyay.
“Aad ayaa ugu xumahay inaan ka harno koobkaan,laakiin wali waxaa noo harsan horyaalka iyo cahmpions League,waxaan heysanaa ciyaartoo awood u leh inay noo suurta galiyaan tartamadaas”sidaas waxaa saxaafada u sheegay Xiddigii Goolka u saxiixay Barcelona Xavi.

Xussen Maxamed Cabdulle (Riiko)
riiko@horseedmedia.net
sport@horseedmedia.net
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily emailupdates, right now!