Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Jose Morinho “Waxaan Doonayaa Ciyaaryahan Qadka Dhaxe ka ciyaara”

Tababaraha Kooxda Inter Milan Jose Morinho ayaa shaaciyay inuu u baahanyahay Ciyaarayahan ku wanaasgan ka ciyaarida qadka dhaxe, isagoona xusay in laga yaabo in Ciyaarayahanka Kooxda Roma ka tirsan Baptista inuu Yimaado Sansiro.

Kooxda Inter ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saarantahay inay saacadaha soo socdo la soo wareegto Ciyaarayahanka wadanka Brazil u dhashay Julio Baptista, iyadoona ku badalaneysa Daafaceeda Kooxda Roma haatan amaahda ugu ciyaara Nicolas Burdiso.

Morinho ayaa saxaafda u sheegay in jeclaan laha inuu la saxiixdo Ciyaarayahan ku wanaagsan qadka dhaxe, laakiin Maamulka kooxda ayey u taal cidii ay keeni lahaayeen, ayuu yiri.

Dhinca kale Ciyaarayahanka qadka dhaxe Kooxda Real Madrid Guti ayaa ku dhawaaqay inuu xiiseynayo inuu ku biiro Kooxda Inter Milan.

Guti ayaa haatan xilli aan wanaagsaneyn ku qadanaya Kooxda Real madrid, iyadoona qilaafkii u dhaxeeyay isaga iyo Tababaraha Kooxda uu cirka sii galay, isagona 2-Bil uu kooxda kaga maqnaan ka dib markii uu macalinka Real go’aansaday sidaas.

“…..Waxaa jeclaan lahaa inan dhameysto qandaraskeyga Real,laakiin waa run inaan xiiseynayo inaan aado koox kale iyo wdaan kale….” sidaas waxa Canal+. u sheegay Guti.

“….Inter waa Koox weyn,waana jeclaan lahaa inaan aado,maxa yeelay halkaas waxaa ku sugan saaxiibo badan aan leyaahy sida Eto’o Iyo Sneijder….” sidaas waxaa yiri Guti

Si kastaba Kooxda Inter ayaa la sheegayaa in haddii ay ku fashilmato wada xaajoodka Baptista inay u dareenkeeda u weecin doonto Guti oo haatan diyar u ah inuu Intter yimaado.

Xussen Maxamed Cabdulle (Riiko)
riiko@horseedmedia.net
sport@horseedmedia.net

RELATED STORIES

Comments are closed.