Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Ivory Coast Oo U Awood Sheegtay Ghana,Una Soo Baxay Wareega 2aad.

Xulka Qaranka Ivory Coast ayaa noqday dalkii ugu horeeyay ee usoo baxa wareega 2aad e ciyaaraha Qaramada Afrika, ka dib markii uu 3-1 ku qaraajiyay Wadanka Ghana.

Ivory Coast ayaa kaalinta 1aad ee Gruop “B” ku soo baxday,iyadoona aruursaday 4-dhibcood,halka Ghana oo laba ciyaar dheeshay laga badiyay,iyadoona Xulka Burkino Faso ay leedahay hal dhibic,waxaana guruubkaan ka maqan Dalka Togo oo gabi ahaanba iska baxay tartanka ka dib markii weerar dhaliyay dhimasho iyo dhawaac loo geystay bus ay saanaayeen ciyaartooyda Togo.

Ivory Coast oo inta badan ku ciyaarayay 10-ciyaartooy ka dib markii Ebou kaarka cas loo taagay ayaa waxaa goolasha u keenay Weeraryahnka Kooxda Cheslea Drogba oo saxiixay mid ka mid goolasha xulkiisa,halka Gervinho iyo Tiene ay goolasha kale sii raacsadeyn.

Xulka Ghana oo ay ka maqanaayeen ciyaartooyda ugu mgaca weyn xulka sida Muntari,Appiah iyo Essien oo dhaawac qabay ayaa waxaa goolka qura u saxiixay Xiddigooda Asamoah Gyan.

Waxaa lagu wadaa caawo inay dhacaan ciyaar aad uxiiso badan kuwaasoo ay iskaga hor imaan doonaan Wadamada Masar iyo Mozambique, Nigeria iyo Benin.

Haddii ay Masar guul gaarto kulankaan waxey si toos ah ugu soo gudbi doontaa Wareega xiga ee tartanka,iyadoona Nigeria ay rajadeeda ku xirantahay kulankan Benin.


Xussen Maxamed Cabdulle (Riiko)
riiko@horseedmedia.net

RELATED STORIES

Comments are closed.