Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa maanta waxaa ka dhacay kulan laba geesood ah oo ay isugu yimaadeen Dowlada Puntland iyo maamulka cusub ee Galmudug loo dhisay, kulankan oo looga hadlayo sidii loo meel marin lahaa heshiis dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Heshiiskii horey u wada gaareen beelaha ku wada dhaqan magaalada Gaalkacyo ee lagu soo afjarayey xiisado ay dad ku dhinteen oo ka dhashay suuqa magaalada, ayaa illaa iyo hada aan la hirgelin.
Arintan ayaa loo aaneenayaa in dhanka Maamulka Galmudug uu ka jiray murran siyaasadeed kaasi oo hada la sheegay in lasoo afjaray, ayadoo halkaasina looga dhawaaqay golaha wakiilada ee maamulkaasi Galmudug iyo Wasiirada maamulkaasi oo shalay lagu dhawaaqay.
Hadaba maanta ayey kulan isugu yimaadeen madaxda Puntland ee gobalka Mudug iyo maamulka Galmudug, ayadoo kulankaasi uu si dhex dhexaadnimo iyo kormeer ah u joogay Wasiirka Biyaha Macdanta ee DFKMG Col.Cabdi Qeybdiid.
Wasiirka Biyaha & Macdanta DFKMG Cabdi Qeybdiid oo wareysi siiyey Horseed Media:
Kulankan ayaa looga hadlay sidii loo meel marin lahaa qodobadii ay horey u saxiixeen labo guddi oo ka kala kooban 15 xubnood oo horey loogu saaray xalinta khilaafaadkii ka dhashay canshuurqaadista dowladaha hoose ee Gaalkacyo iyo dhanka Suuqa oo la isku qabsaday.
Heshiiskaasi ayaa qorayey in tirakoob lagu sameeyo goobaha la isku heysto ayadoo cidii u badata inay goobahaasi leeyihiin, uu maamulideeda, canshuurqaadista iyo amnigeeda uu xil ka saaran yahay dhankii ay u bataan, Puntland ama Galmudug.
Dhanka maamulka Mudug ee Puntland ayaa horey u sheegay inay diyaar u yihiin, walow la sugayey in dhanka Galmudug ay arrintan usoo jeestaan.
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ee DFKM ah Koorneyl Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo la Hadlaayay Horseed Media ayaa ka warbixiyay Kulan maanta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku dhexmaray masuuliyiin ka socotay maamulka Gobolka Mudug ee Puntland iyo Masuuliyiinta Maamulka Galmudug ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ee DFKM ah ayaa sheegay in kulanka maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo uu ahaa kulan xasaasi ah isla markaana lagu dhameystirayay heshiis ay hore Magaalada Gaalkacyo ay ugu gaareen Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland iyo Masuuliyiinta Maamulka Galmudug ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
Cabdi Qaybdiid ayaa waxaa uu sheegay in kulankaasi uu ugu qaybgalay qaab koormeer iyo Dhex dhexaadnimo isagoo matalaaya DFKM ah.
Waxaana uu sheegay in kulankii maanta ay jiraan qodobo ay labada dhinac isa soo hordhigeen, kulankan ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah dib la isugu soo noqdo.
Si kastaba Kulanka ay yeesheen masuuliyiin labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ayaa qayb ka noqonaaya kulamo looga gooleeyahay soo afjaridda gacan ka hadal ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyadaasi hore Magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray.
Waxaana Jira gudiyo cusub oo labada dhinac oo ka kooban min sagaal xubnood oo ay soo dhisteen, kuwaasi oo la sheegay inay sii ambaqaadi doonaan fulinta hawlaha ay labada dhinac ku heshiiyeen.
Shirarkan ayaa marka lasoo afjaro lagu wadaa in qodobo rasmi ah oo kama danbeys ah kasoo baxaan, ayadoo shirka sidoo kale ku sugan yihiin cuqaasha iyo nabadoonada beelaha, oo ay wehliyaan wasiiro ka socda Puntland.
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!