Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Waraysi Dr. Jimcaale: Qaabka Looga Hirgelinaayo Puntland Xisbiyada Badan

Waxaa maanta (16.01.2010) lagu qabtay xarunta Libareeriga ee Magaalada Garoowe kulan balaaran oo ay ka soo qayb galeen xubna kala duwan oo ka socda Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Dowladda.


Dhegayso Waraysiga Wasiirka

Dr.Cabdi Xassan Jimcaale Wasiirka Dastuurka & Arimaha Federaalka Dawladda Puntland oo isagu ku mashquulsan sidii dalka Puntland ay uga hirgeli lahayd nidaamka xisbiyada badan ayna u dhci lahayd doorasho xalaala, ayaa Horseed Media warbixin dheer ka siiyey qaabka hawlahaas loogu gudbi karo, iyo shirkii ka dhacay Laybereeriga Garoowe kaas oo ay soo qaban qaabisey hay’adda SFS.

Wasiirka ayaa ka hadley, qaabka lagu hirgelin doono xisbiyada badan, guddiga doorashada, doorashooyinka goloyaasha deegaanka, iyo arimo badan oo la xiriira dimoqraadiyeynta iyo dawladwanaaga Puntland.

Horseed Media
News Desk

RELATED STORIES

11 Responses to “Waraysi Dr. Jimcaale: Qaabka Looga Hirgelinaayo Puntland Xisbiyada Badan”

  1. Boqorka 2020 says:

    Waxaan halkaan salaan ka gaarsiinayaa dhamaan dadka u dhashey Puntland iyo inta martida u ah. Salaan ka dib, rueysta ama ha rumeysanina sanadka 2020 Puntland waxay noqon doontaa degaan dadka u dhashey aaney mar dambe u dhimaneyn gaajo iyo cudur lana gaarayo isku filaansho dhinac walba ah. Intii nolol ku gaadhaana way ka sheekeyn doonaan wixii la soo marey.

  2. REAL PUNTLAND says:

    plz waxaan codsanayaa shacabka reer puntland ineey indhaha kala furaan waxaa nagu dhex jira dad aan u dhalan puntland oo kasoo jeeda koonfur iyo waqooyi oo aan raali ka aheyn iney hirgasho dawlada puntland oo naga dhex faaiidaysanaya , dadkaan comnentska sooqoraya intoobadan waa dadkaan sheegay , umalayn mayo muwaadin reer puntland inuu jiro o kasoo horjeedo hab socodka dawladaan maxaa yeelay haduusan ahayna waa hadde waa qof wata caqliga moqdisho ay ku hormari wayday ee ha leeyska qabto waa cadowe

  3. siciid says:

    way fiicnaan lahayd hadii si nadiif ah wax loo maareynayo , lakin su aashu waxay tahay macquul ma tahay si xalaal ah in wax loo maareeyo , waa maya
    xisbiyadan badan waa ok lakin u daacad kama ahan oo waxa ladoonaya in la qabiileeyo waxkasta

  4. Dahir mohamed says:

    Waa maaweelada caruurta,waa tan horee,maamuylka iminka talada haya,waxaa ka maqana,asaaska horumarka ee uu leeyahay maamul ku shaqeeya habka maamul wanaaga.reer puntland waxa ay maamulka,tirada bada ee madaxwayne faroole ka filayeen in uu dhiso,maamul kooban oo tayo leh,ee kama filayn in uu samayo wasaarado aan jirin,oo shaqaalaha ka shaqeeya ay tiradoodo tahay hal shaqsi,oo isaguna ah wasiir,magac u yaal ah,tusaale ahaan,wasaarada oo mudane jimacaale madaxda ka yahay,waxay ahayd in ay noqoto hay’adda diyaarinta dimoqoraadiyada,isagana loogo yeero agaasime ama commistioner.marka maamul sidaasi u shaqaynaya cidina waxba kama filayso.maamulkani wali waqti waa haystaa,waa haddi uu doonayo,in uu umadda si dhab ah wax ugo qabto.

  5. farax faqul says:

    ku dayda puntland puntland waa dawld aduunka laga yaqano dadka aan waxba aqoon isku daya wax samysta

  6. Puntlandis xalal ah says:

    Adeer waxa ad sheegtan wax ka jira ma jiran.waxan u malaynaya dadka wax ku qora meshan in ayna ahan reer puntland.puntland waxay haysa wadadii hormarka puntland vivi.

  7. Meygaag dhago-dheere says:

    Wadaadkan sidan waxaa u dhaantay inuu tuulo yar oo wadanka ka mid ah tijaabo ahaan inta dadka diiwaan galiyo, markaa ay u codeeyaan cida maamulkeysa dagmada.

    Markaa waa laga rumeysan lahaa waxan uu sheegayo. Haddii kale wixiisu waa sheekoy-sheeko, ii sheekee

  8. Gaalkacyo says:

    TO: MR. Qardho, Dawladan waa kadar oo dibi dhal, Odayaashii horaa la qaatey, kani waa kaligay aan cuno.

    Waxaad tiri cidna lama afduubin, seebaan loo afduubin inta muwaadiniin Soomaaliyeed la afduubo ayaa hadana gaalo loo gacan galiyaa, aawaye Ogaden Peaple in Puntland way wada qaxeen, waxaa nooga sii daran dhibka arintaasi noo gaysatay, gaaribaanu lahayn 1210 Track ah (candho maeydle), hada waa shaqo la’aan oo waxa uu awal tagi jiray ilaa GODEY, maanta ma aadi karo, mid aan qaraabo nahay markii arintan Ogadenka lagu dhiibayo dhacdey, waxaa gaari laga qabsadey nin reer Puntland ah oo aanu qaraabo nahay, $2000 doolar ayaa lagu furdaan shey oo ku baxdey ergooyin iyo odayaal.

    Arigii ka dhoofi jirey Boosaaso oo laga keeni jirey ilaa DOOLOW, waxa uu ka dhoofaa Berbera, uma diidani ee waa Soomaali, balse waa lagu kalifay meeshaas oo canshuurteedu sarayso.

    Marka waa kadar oo dibi dhal, Amaankiina farihibuu kabaxayoo, xildhibaan la dilo iyo wasiir la dilo lama aqoon, xagee nalooga yimid, mr QARDHO ka jawaab.

  9. Qardho says:

    Belo, Belo, Belo Majirto Boowe hadeysan Buurneyn!!

    Dawlada Faroole madaxda ka yahey, wee dhaqaaqdey, cidna u joojin meyso, ninkii dawlada dhaleyceyoo, meeshaada masoo dhaafto, tii hore ee Cadde Musse waxey aheyd mid fashilantey, waxaana gadaal qabtey, Abdalla Yusuf iyo Gaagaab ayaa cuni jirey, Caddena waxuu ka ahaa Garwadeyn, Dawlada Faroole waa dawlad la dhahi garo, waxey la timid nidaam dawli.. tii Abdullahi Yusuf waxey aheyd, Odey dhaqameedyo iyo Qabiil..
    Tan Cadde sidoo kale marka wax la afduubto, waxaa loo tagi jirey, dadka qabiil oo mudo la bari jirey, hada tan dawlada faroole waxxna lama afduubto waxey higsan hadaf iyo nidaam.. waxaana Eebe ugu baryayaa in howshiisa Alle u fududeeyo…

    Peace and Love…

  10. maxamed says:

    Ar bal daaya marakan waxbaa ka soo hig lehe!!!!!!!!!

  11. samawade says:

    Carabtu waxay tiraahdaa (MUUT YAA XIMAAR.)juxaa ayaa yiri goormaan dhimanayaa ,markaas ayaa la yiri markuu Dameer kaaga dhinto.taasi mic- naheedu waa waqti fog oo fog.waxaa la inoo qaatey dawladii hore cade muuse ,waayo taas waxbeey dhici jirtey dadkuna waa uu ogaayeen dhamaadka dawladaas.tan M/faroole ,maalinba mowduuc ayeey keentaa oo nagu suuxinaysaa,arintii laas-caano-soomaali waqooyi,heshiiskii bada.dhibaatada irhaabka,shidaalka,kaararka teesaro munishiibiyo.haddana Xisbiyo badan.
    waxaas isku soo duuboow ka dhiga hal magac
    la yiraahdo (PUNTLAND 2)