Dowladda Wadanka Iraan ayaa waxaa ay sheegtay in ay dhowaan Markab dagaal ay uu soo diri doonto xeebaha gacanka Cadmeed sidii uu uga qayb qaadan lahaa howlgal lagula dagaalamaayo kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida.
Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Badda ee Iraan oo lagu magacaabo Fariborz Qaderpanah ayaa waxaa uu Saxaafadda dalka Iraan uu sheegay maanta oo Isniin in dhowaan Markabka dagaal oo laga leeyahay Iraan uu soo gaari doono xeebaha gacanka Cadmeed sidii uu uga qayb galo howlgalka lagula dagaalamaayo Burcad Badeeda.
Waxaana uu hadalki ku daray in Markabka dagaal uu Burcad Badeeda Soomaalida ka ilaalin doono Maraakiibta laga leeyahay ee Iraan ee halkaas goosheeya iyo kuwa kale.
Sarkaalka ayaa sheegay in Dowladda Iraan ay dab ka tahay in ay la dagaalanto Burcad Badeeda Soomaalida,isagoo sheegay in markabkaas dagaal ay saaranyihin Ciidan uu tababaran la dagaalanka Burcad Badeeda.
Dowladda Iraan ayaa waxaa ay howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda ka qayb qaadanaysay tan iyo Bishi November ee 2008-di,waxaana ay xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed uu soo dirtay ila iyo 5-markab oo dagaal.
Horseed Media.
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!