Xulka Ghana ayaa usoo baxay wareega 2aad ee ciyaaraha Qaramada Africa, ka dib markii uu 1-0 ku samarsiiyay Xulka Burkino Faso oo tartanka ka haray.
Ghana ayaa kaalinta 2aad ee Group “B” ku so baxday, iyadoona leh 3-Dhibcood, halka Ivory Coast oo 1aad ku so baxday ay leedahay 4-Dhibcod.
Xiddiga Ghana Andre Ayew saxiixay Goolka qura ee ciyaarta daqiiqadii 30aad ee qaybtii hore ka dib markii uu si wanaaagsan madaxa ulla helay kubad Croos aheyd.
Ghana oo sanadkaan ka qaybgali doonto ciyaaraha Adduunka ayaa waxey maalinta axada wareega 2aad ee tartankaan wajihi doontaa Xulka Angola oo ah martigaliyaha Tartanbka sanadkaan, halka Algeria oo kalainta Group A ku soo baxday ay la balnsantahay Xulka Ivory Coast.
Xulka afarta jeer heysta tartaankaan Ghana ayaa waxaa la sheegayaa inay dhibaato weyn kala kulmi doonto kulamada soo socdo, sababto ah waxaa Xulka sanadkaan ka maqan Ciyaartooyda ugu caansan dalkaas sida Essien iyo Appiah oo dhawaac ah iyo Muntari oo laga reebay xulka, waxaana maqnaanshaha ciyaartooydaan si weyn lo dareemay kulankii Ay Ivory Coast la ciyaareen Ghana.
Sidoo kale Caawo ayaa waxaa jira kulamo xiiso badan oo dhex mari doono Xulalka Masar oo horay usoo baxday iyo Benin halka Nigeria oo rajo wanaagsan leh ay la balansantahay Xulka Mozambique.

Xussan Maxamed Cabdulle (Riiko)
riiko@horseedmedia.net
sport@horseedmedia.net
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily emailupdates, right now!