Daafaca Xulka Talyaniga iyo Naadiga Inter Marco Materazzi ayaa si weyn kaga careesiiyay Ra’iisul wasaaraha Dalka Talyaniga ahne Milkiilaha Kooxda Milan Silvio Berlusconi, ka dib markii uu wajiga ku soo xirtay maaskaro u eg wajiga Berlusconi ka dib ciyaartii Milan iyo Inter.
Metarazi ayaa markii ay ciyaartii Derbiga aheyd soo idlaatay waxuu wajiga ku soo xirtay muuqaal muujinaya Wajiga Berlusconi, taasoo uu ciyaaryaahnka ula jeeday inuu Ra’issul wasaraha ka mid ayhay tagerayaasha Milan.
Metarazii ayaa Mask loo egeysiiyay Wajiga Berlusconi soo xirtay markii ay dhamaatay ciyaarta, isagoona saaxiibadiisa kula dabaaldagayay guusha ay milan ka heleyn, laakiin dad badan oo Tv-yada kala socday aya si weyn ula yaabay Metarazzi oo muujinayay in Berlusconi uu taageero Inter yahay.

Arinkaan uu sameeyay Metarazi aya waxey si weyn ugu qosolsiisay Taageerayaasha Inter oo ku faraxsanaa guushii ay koxdooda heshay, iyadoona sidoo kale si qaas ah ugu yaabisay Madaxda Milano oo garoonka joogay.

Suley Ali Muntari ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadka sida weyn ula yaabay muuqaalka u eg Berlusconi oo uu xiranyahay Metarazi, isagoona si weyn ula dabaaldagay ciyaaryahanka.

Dhinac kale Wargeyska Tutto Sport ayaa sheegay in Wasiirka Difaaca Dalka Talyaaniga Ignazio La Russa oo ah mid ka mid tageerayaasha Inter ayaa uu qadka talefoonka kuwada xiriiriyay Metarazi iyo Berlusconi si Ra’iisul waasaraha loogu cadeeyo in Metarazzi uusan wax xumaato ah ka wadin waxii uu sameeyay isla markaana uu raali galin buuxda ka bixiya Marco Metarazi.
Sidoo kale Xiriirka kubada cagta dalka Talyaaniga ayaa digniin u jeediyay Metarazii, iyagoona sheegay in haddii metarazzi uu mar kale ku kaco falkaan inuu la kulmi doono Ciqaab xoogan.

Si kastaba Mask uu wajiga ku soo xirtay metarazzi dabaalkdagii ciyaartii Derbiga aheyd ayaa nqotay mid si weyn loogu hadal hayo dhamaan dadlka Yurub gaar ahan Talyaaniga oo la yaaban waxa uu ka wado Metarazzi, iyadoona wargeysyada talyaaniga ay Pageg-kooda hore ku soo daabacyeen Metarazii oo xitan Mask.

Xussen Maxamed Cabdulle (Riiko)
riiko@horseedmedia.net
sport@horseedmedia.net
waa iskaa caadi
kkk hadane kkk interey haddii aad ka badiseen milan saan miyaad u galeysiin ma raiisulwasaarihi dhamaa ayaa saan u gasheyn ilaahyow milan haga dhigin koox aan tageero.
guuldaro iyo sidaan kkkk