Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Xulalka Masar iyo Nigeria oo Usoo Gudbay Semi Final Koobka Qaramada Africa

 Xulalka Masar Iyo Nigeria ayaa usoo gudbay wareega Semi Finale Koobka Qaramada africa, ka dib markii ay guulo gaareen ciyaarihii ay xalay la ciyaaray.
 
Xulka Faraacinta Masar ayaa 3-1 ku suuldaaray Cameeroon, iyadoona guushaan ay si weyn kaga mahacelineyso Captain-ka Qaranka Axmed Xasan oo xalay wacdaro xoogan ka dhigay Garoonka.
 
Axmed Xasan ayaa Gool kama ah ka saxiixay Xulkiisa Masar daqiiqiadii 26aad, laakiin isla ciyaaryahanka ayaa dhaliyay Goolkii bareejda xulkiisa, isagoona raali galin wanaagsan ka baxiyay qaladkii uu sameeyay.
 
Markii dib la iskugu soo laabtay qaybtii 2aad Xulka Cameroon ayaa dardar xoogan la soo galay garoonka, iyadoona uu inta badan maamulayay Kubada, laakiin Labada Xulba wey ku guuldareysteen inay wax ka badalaan natiijada ciyaarta, iyadoona waqtigii loogu tala galay ciyaarta ay ku soo idlaatay 1-1, sidaas darteedne lagu daray 30-daqiiqo oo dheeri ah.
 
Mohamed Gedo oo badal ku soo galay ciyaarta ayaa xulkiisa siisay hogaanka ciyaarta bilowgii waqtigii dheeriga ahaa, laakiin Goolkii xaqiijiayay guusha Masaarida waxaa daqiiqado ka dib u keenay Kabtan Ahmed Hassan oo xalay ahaa Xidigii Garoonka.
 
Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 3-1 ay guusha ku raacday Masar, iyadoona Semi final-ka tartankaan la kulmi doonto xulka ay cadaawada ka dhaxeyso ee Algeria.
 
Kabtan Ahmed Hassan ayaa xalay jabiyay Record horay u yaalay koobkaan,isla markaana taariiq cusub u dhigay Xiddigaha Qaardaa africa.

 
Dhinaca kale Xulka Nigeria ayaa rikoorayaal kaga soo badiyay Xulka Zambia ka dib markii ay 0-0 isku mari waayeen ciyaar aad u xiiso bandeyd oo labada Xul dhexmartay.
 
Labada Xul ayaa waqtigii dheeriga iyo 90-daqiiqo is mari waayay, iyadoona ugu dambeyn 5-4 Rikoorayaal ay ku soo baxday Nigeria oo ciyaarta Semi Finalka tartankaan ku aaday xulka Ghana.

Xussen Maxamed Cabdulle (Riiko)
riiko@horseedmedia.net
sport@horseedmedia.net

RELATED STORIES

Comments are closed.