Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Faahfaahin Ku Saabsan Ciyaarta Algeria Iyo Egypt

Waxaa Maanta lagu wadaa in qaarada Africa ay ka dhacaan  kulamda Semi finaalaha Tartanka Qaramada Africa, iyadoona xulalka Ghana iyo Nigeria ay kulanka 1-aad yeelan doonaan, halka Xulalka xifiltanka ba’an uu ka dhaxeeyo Algeria iyo Masar ay kulanka dambe ciyaari doonaan.
 
Algeria Vs Masar
 
Inkastoo ay jiraan dadaalo ay wadaan Mas’uuliyiinta Labada Dal Masar iyo Algeria, haddane waxaa sii badanaya  hadalada aflagaadada ah ay si weydaarsanayaan Suxufiyiinta Labada Dal, iyadoona ay arintaan ka dhalatay ka dib markii Qaar ka mid ah warbaahinta Dalka Algeria ay weerar dhanka saxaafada ah ku qaatay dhigeeda Masar, iyadoona ku tilmaamtay kuwa doqomo ah isla markaana jaajuusaya Tababarka ay sameenayaan Ciyaartooyda Algeria.
 
Wariye u dhashay Wadanka Tunisia ayaa Tv- laga leeyahay Waddankaas uu  sheegay in qaar ka mid Suxufiyiin u dhashay  Masar ay yimaadeyn meel ay ku shirayeen Wafdi Algeriyaan ah iyo Warbaahinta dalkaas, iyagoona ujeedadooda ay aheyd buu yiri wariyaha inay u jaajuusaan Qaranka Masar.
 
Aan usoo laabano Ciyaarta Algeria iyo Masar:
 
Ciyaartaan  ayaa waxey ka dhici doontaa Garoonka Nacional de Ombaka waxaa lagu tilmaamay inay noqon doonto mida ugu adag gabi ahaanba intii uu  tartanka socday, iyadoona ay si weyn  u wada sugayaan bahweynta sportiga caalamka.
 
Xulalkaan ayaa dhowr kulan  oo hore iskaga hor yimid bilahii la soo dhaafay kuwasoo ka tirsnaa Isreebreebka Koobka Adduunka 2010, iyadoona Algeria ay ciyaar isku celis ahayd ugu soo gudubtay Ciyaaraha Adduunka ka dib markii ciyaartii khartoum ka dhacday ay 1-0 ugu awood sheegatay Dalka Masar.
 
Ciyaarihii ay Xulalkaan  ciyaareen waxa hareeyay qilaafyo iyo dagaalo gacan iyo afka ah ay si weydaarsadeyn, iyadoona la wada xasuusto in ciyaartooyda Algeria oo Qaahira ku sugnaa in la weeraray isla markaana dhowr ciyaartooy dhawaac loo geystay.

Mas`uuliyiinta labada dal gaar ahaan madaxda xiriirada wadamadaas ayaa si kala gooni gooni ah uga hadlay ciyaartaan, iyagoona sheegay inay ka hortagi doonaan wax walbo soo nooleyn kara waxii horay labada Dal u dhexmaray, iyagoona taageerayaasha labada Dal u sheegay inay iska ilaalinyaan rabshadaha.

Laakiin Bahweynta Sportiga ayaa ka baqdin qabto xiisaha kubadeed ee labadaasi xul in ay dhaliso xiisad la mid ah labadii kulan ee labada dal hore ugu yeesheen Qahira iyo Khartuum bishii November ee sanadkii tegay 2009, tasoo xiisadihii ka dhashay labadaasi wadan ay dhaliyeen in ay xiriirkooda siyaasadeed uu ku sigto inay isku jaraan, iyadoona xitaa Safaarada Masar ee Algeria iyo shirkado badan oo masaarida ku lahaayeen Algeria la burburiyay.
 
Xulka Masar aya waxaa la filayaa inuu dhamaan soo safo ciyaartooydiisa, iyadoona Sidan iyo Emad Moteab ay dhanka weerarka isku wehlin doonaan.
 
Daafaca Xulka Masar Wael Gomaa aya qiray in xulkiisa uusan ka fikareyn inuu ka aarsado Xulka Algeria, balse buu yiri ay ku dadaali doonaan inay si wanagsan kaga badiyaan Xulka algheria.
 
Sidoo kale Mohamed Zidan ayaa sheegay inay Caalamka tusi doonaan inay u qalmeyn usoo baxitaanka Koobka Adduunka, isagoona xusay inay farxad ku daawan doonaan Koobka Adduunka Hadii ay ka badiyaan xulka Algeria.
 
Waxuna intaas ku daray “…Waa marxalad u dhaxeysa nolo iyo geeri ciyaartaan,waa sidii dagaal dhab ah oo u dhaxeeyay labadaan Dal…”
 
Xulka Algeria ayaa usoo yeertay aqbaar farxada leh ka dib markii lagu wargaliyay in xiddigooda kubad sameeyahay ah Karim Ziani uu si wanaagsan ugu baasay tijaabadii caafimaad ee la marsiiyay isagoona diyaar u ah inuu safto kulankaan.
 
Goolahaye Faouzi Chaouchi oo ahaa geesigii ciyaartii 3-2 ay ugu badiyeen Ivory Coast ka badiyeen uu diyaar u yahay ciyaartaan, iyadoona laga cabsi qabay inuu seego kulankaan dhawaac dartees.


 
Xussen Maxamed Cabdulle (Riiko)
riiko@horseedmedia.net
sport@horseedmedia.net

RELATED STORIES

Comments are closed.