Waxaa la ciyaaray Semi finalka koobka wadamada Afrika, ayadoo ciyaarahaas isaga horyimid wadamada Ghana vs Nigeriya iyo Masar vs Aljeriya.
Ciyaartii Ghana iyo Nigeriya dhexmartay ayaa ahayd mid xiiso badan ayadoo labada kooxood ay ahaayeen kuwo ay u ciyaarayeen dhalinyaro xirfad ulleh ciyaarta, isla markaana awood dheeraad ah iyo dadaal soo bandhigay.
Ciyaartan ayaa ka dhacday garoonka magaalada Luanda ee dalka Angola ayaa ahayd mid xiiso gelisey dadkii halkaasi usoo daawasho tagay iyo taageerayaasha labada kooxood.
Ghana iyo Nigeria ayaa bilowgii ciyaarta isla markiiba bilaabay weerar iyo weerar celis ayadoo ay muuqatay in ciyaaryahanada labada dhinac ay awoodooda oo dhameystiran adeegsanayeen.
Ciyaartan oo ahayd mid aad u kulul ayey labada dhinac heleen fursado cajiib ah walow ay kooxda Nigeriya weeraro badan qaaday, hadana waxaa diiday goolkii.
Daqiiqadii 21aad ee ciyaarta ayaa waxaa weerar halis la beegsaday goolka Nigeriya kooxda Ghana ayadoo baas dheer oo dhanka bixid laga soo siiyey uu teesto ku dhameystiray ciyaaryahanka da’ada yar ee ku ciyaara number 3 kooxda Ghana, Mr.Asamoah Gyan.
Ciyaarta oo markaasi noqotay 1-0 ayna ku hormartay kooxda ay u ciyaarayeen ciyaaryahanada da’ada yar ee Ghana, ayaa waxaa jawaabo kulul ka bixiyey kooxda Nigeriya oo si daraan doori ah banooniga u keenayey dhinaca goolka Ghana hayeeshee, goolka ayaa diiday kooxda Nigeriya.
Nigeriya oo dadaal xoogbadan waday ayaa daqiiqadihii 27aad, sidoo kale daqiiqadii 45aad uu Ciyaaryahanka dalka Nigeriya u ciyaara ee Peter Odemwingie ku sigtay inuu gool dhaliyo, ayadoo faro cidileh ku baxsadeen kooxda Ghana, wareegii hore ee ciyaarta.
Wareegii labaad ayey labada kooxood wacdaro soo bandhigeen ayadoo weerar si dhisan looga soo shaqeeyey daqiiqadii 59aad ay kooxda Nigeriya markale ku sigeen inay gool dhaliyaan, balse waxaa si mintidnimo ku jirto ku difaacay goolkeeperka kooxda Ghana Richard Kingson oo iska difaacay weerarka kooxda Nigeriya asagoo u diiday ciyaaryahanka Chinedu Obasi ee kooxda Nigeriya inuu dhameystiro weerarkaasi.
Ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 1-0 , ayaa waxaa sidaa ku guuleysatay kooxda GHANA, ayadoo tartanka ka reebtay Nigeriya oo kamid ahayd kooxaha ugu adag ee tartanka koobka Afrika.

Asamoah Gyan (Midig) oo la dabaal degaya Saxiibkiis Emmanuel Badu (Bidix)
Ciyaaryahanka dalka Ghana ee dhaliyey halka gool ee kooxda Ghana guusha ku heshay, Mr.Asamoha Gyan ayaa kadib markii ay ciyaarta dhamaatay saxaafada u sheegay sida uu ugu faraxsan yahay in kooxdiisa ay kusoo baxdo Finalka Koobka Afrika asagoo yiri:
“…waxaa noogu danbeysay inaan final usoo baxno sanadkii 1992, waana mid dalkeena Ghana muhiim u ah farxadeenana masoo koobi karo….” ayuu yiri Gyan.
Kooxda Ghana ayey tani u noqoneysaa markii 6aad oo ay Finalka ugu soo baxaan koobka Afrika, ayadoo maalinta Axada ah la ciyaari doona ciyaarra FINAL-ka kooxda Faraaciinta Masar.
Mahad Musse
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily emailupdates, right now!