Dahabshiil
Golis

Bolatelli Oo Reebay Juventus Iyo Inter oo Ciyaaryahan Keensatay

Kooxda Inter Milan ayaa u gudubtay Semi-Finalka Coppa Italia, ka dib markii ay guul ka gaartay ciyaartii ay Juventus la yeelatay xalay, iyadoona kaga badisay 2-1.
 
Ciyaartaan oo ka dhacday Garoonka Sansiro ayaa waxaa daawanayay kaliya
Taageerayasha Kooxda Inter.

Madaama horay Xiriirka Talyaaniga uu ugu mamnuucay Taageerayasha Juvcentus daawashada kulankaan ka dib markii ay dhowr jeer oo horay aflagaad ugu geysteen xiddiga madowga ah ee Bolatelli.
 
Kooxda Juventus oo dhexmaquuraneysa guuldarooyin ayaa daiiqadii 10-aad usuurta gashay inay qabato hogaanka ciyaarta ka dib markii Xiddiga reer Brazil Diego uu ka faa’ideystay qalad uu galay Goolahaya Inter Toldo, isagoona shabaqa dhex dhigay kubadii.
 
Daafaca Reer Brazil Maicon ayaa daqiiqdii 20-aad ku sigtay inuu goolkii bareejada ahaa u keeno kooxdiisa, ka dib baas wanaagsan uu ka helay Goran Pandev uu meel sare mariyay.
 
Xiddiga Weerarka kaga ciyaaro Inter Mario Bolatelli ayaa helay jaanisyo badan oo is dabjoog ahaa, laakiin wuu ku guuldareystay inuu ka faa’ideysto, iyadoona qaybtii hore ciyaarta 1-0 lagu kala nastay.
 
Markii dib la isugu soo labtay qaybtii 2-aad kooxda inter ayaa sii laba jibaartay cadaadiskii ay ku heysay Juventus, iyadoona Sneijder uu kubad xoogan ku laaday goosha uu ku ka badbaadiyay Bufon oo xalay wacdaro ka dhigay Garoonka.
 
Xiddigaha Diego iyo chelini ayaa labo jaanis is daba joog ahaa ku helay Toldo, iyadoona Tii cheleini ay birta ku dhacday.
 
Tababaraha Inter Mourinho ayaa badal cajiib ah sameeyay, ka dib markii uu Cambiaso saaray soo galiyay Milito kaasoo islamarkiiba qalqal ku abuuray Daafaca Juventus, isagoona wax badan ka badaly qaab ciytaareedka Kooxdiisa.
 
Difaaca Inter Lucio ayaa soo bareejeeyay goolkii lagu lahaa Kooxdiisa daqiiqadii 72aad markii uu si waanaagsan u dhameystiray kubad free kick aheyd oo ka timid Wesley Sneijder.
 
Hase Yeeshee Goolkii guusha ciyaarta waxaa xaqiijiyay Bolatelli oo dhamaadkii ciyaarta saxiixay gool uu Qaladkiisa lahaa Buffon, iyadoona ciyaarta ay ku soo idlaataay 2-1 oo ay Inter ku badisay.
 
Guuldardaan waxey cadaadiska ku sii badisay Tababaraha Juventus Ferrara, kaasoo maanta la go’aamin doono mustaqbalkiisa, iyadoona la hadal hayo in lagu badali doono Macalinka Liverpool Benitez.
 
Haddaba Kooxaha Semi finaalka Koobkaan usoo baxay waxey iskugu aadeyn sidaan:
 
Inter Vs Fiorantina halka  Roma ay la ciyaari doonto Kooxda udinese oo soo reebtay Naadiga AC Milan, waxana la ciyaari doonaa kulamadaan bisha dambe sadaxdeeda iyo 10-keeda.

Dhinca kale Kooxda Inter ayaa si lama filaan ah ula soo wareegtay Xiddigaa qadka dhaxe kaga ciyaara kooxda Velancia Fernandes.

Wargeyska la gazette del sport ayaa maanta shaaciyay in Fernandes oo 24-sano jir ah uu maray tijaabo caafimaad, isla markaana la filayo in saacadaha soo socdo loo soo bandhigo saxaadfada, laakiin ma uusan sheegin faahfaahin ku  saabsan heshiiksa.
 

Xussen Maxamed Cabdulle (Riiko)
riiko@horseedmedia.net
sport@horseedmedia.net

RELATED STORIES

One Response to “Bolatelli Oo Reebay Juventus Iyo Inter oo Ciyaaryahan Keensatay”

  1. CADAALAD says:

    sxb dee juventus caadalad u maadan amaani waad ka hiili say sxb dee intar polo baad is ka amaanaysaa daacad ma tihid sxb maxkamada juventus baa lgu sara yaaaaaaaaa