Waxaan maqaalkaygaan kaga hadlayaa warbixin gaaban oo aan ka soo qoray socdaal aan ku tegey magaaladda Nakuru ee xarunta gobolka Rift Valley ee wadanka Kenya kadib hawl galadii ciidanka booliska wadankani ku qabqabteen dadka Soomaalida ah oo weli ka buuxa jeelasha, annigoo ku cabiraya dareenkaygii iyo wixii aan duruuf ku soo arkay.
Waxaan ka baxay magaaladda Nairobi, galabnimo casar oo ay cadceedu sii dhacaysay saacadduna ahayd 6:15 daqiiqo, Maalintu waa Khamiis bisha Janaayo 21 2010, waxaa qorshahaygu ahaa inaan gaaro magaaladda Nakuru ee xarunta gobolka Rift Valley, waxaan raacay basaska aan u naqaan Caasi oo tiro ahaan qaada 14 qof oo rakaab, anoo raba inaan fiiriyo xaaladda dad Soomaaliyeed oo lagu xir xiray magaladaas, Nairobi waxaan uga baxnay galbeed markaan qiyaas ahaan sii soconay 1 saac iyo badh ayaan gaarnay magaaladda Nayvasha oo laamiga dheeri sii dhinac marro, goor ay ku dhowdahay 8:00 fiidnimo, waxaan la kulanay goob kaantrool ah oo ciidamo fara badani taagan yihiin, waa nala joojiyey, waxaana la furay baska iridiisii, qof qof ayaanna wejigiisa loo fiirinayey, anniga nasiib wanaag inkastoon sharci haysto haddana Soomaali ayaan ahay waan u dareen qabay in diirka Soomaalinimada ah la iigala dego gaariga, waxaanse fadhiyey darawalka agtiisa kursi ah, mana ka mid noqon dadkii gudaha gaariga ku jiray ee wejiyadooda la baarayey, 10 daqiiqo ka dib oo baaris ah way na fasaxeen, muddo 1 saac ah ka dib waxaan gaarnay magaaladda Nakuru goor ay 20 daqiiqo sii dhaaftay 9kii fiidnimo.
Waxaan aaday gurigaan u hoyan lahaa, subaxdii markii waagu baryay saacaduna ahayd 8 subaxnimo ayaan ku soo kalahay koobta ay ku taallo (Low Court) maxkamadda darajadda hoose oo la ii sheegay in lagu maxkamadaynayo goobtaas dadkii Soomaaliyeed ee laga qabqabtay Nakuru iyo nawaaxigeeda, gudaha dhismaha markaan soo galay weli lama keenin maxaabiistii, kiis iyo maxkamad furantayna ma jirto, waxaan helay odayaal iyo haween dhawr ah oo Soomaali ah, waxaan ka waraystay bal tiro ahaan inay ogyihiin dadka Soomaalida ah ee ku xiran magaaladda Nakuru, waxayna ii sheegeen tirooyin kala yara duwan laakiin isu wada dhow, in gudaha magaaladda laga qabtay 24 oo 9 ka mid ah markii ay sharciyo yeesheen la sii daayey, iyo 46 qof oo lagala degey bas isaga kala goosha xeradda qaxootiga ee Kakuma kuna taal galbeedka wadanka iyo Nairobi, lana yiraahdo “Dayax” waxay iigu warameen in dadkii baskaas la socday 24 qof oo ka mid ah la sii daayey kadib markii laga helay sharciyo 22 kii kale oo isugu jira rag, haween iyo caruurba ay xabsiga dhex jiifaan, tiro aan badnayna maalinimadii khamiista 21 Janaayo la xukumay, intii kalena ay maanta imaanayaan maxkamadda.
Wakhti yar ka dib waxaa soo istaagay gaari xamuul ah oo biro adag meel kasta looga dhejiyey meel yar yar oo sarena dal dalool yar yar ku leh, waa gaarigii siday maxaabiista, wuxuu u kala xiran yahay saddex qaybood, qayb ragga maxaabiista ah, qayb dumarka ah iyo qayb ilaaladda xabsiyadu ay fadhiistaan, in dadku arkaan aad baa looga celinayey wakhtigii la rogayey waana naloo diiday inaan fiirino, waanse iska sugnay inta qolalka xabsiyada maxkamadda ku dhex yaal loo kala qaybinayo, markii gaarigii maxaabiista keenay tegay ayaan damacnay inaan gudaha u gallo anniga iyo 2 ka mid ah odayaasha Soomaalida ee degan magaaladda Nakuru, nasiib daro waxay ilaaladii maxaabiistu noo sheegeen in dhamaan maxaabiista Soomaalida loo gudbinayo maxkamadda, wakhtigaanna aan la arki karin, waxaan soo galnay maxkamadda 1aad, oo ay fadhiyeen dad Kenyan ah, waxaa in yar ka dib la soo geliyey dadkii Soomaalid ahaa, waa haween, caruur iyo rag dhalinyaro ah tiro ahaanna markaas waxay ahaayeen 11 haween ah, oo ay ku jirto hooyo uur leh, 3 caruur ah oo mid 8 bilood jir yahay hooyadiina ay xambaarsantahay, ayna hooyada ilmo ka qubanayso ilmuhuse waa iska hurdaa oo isagay ilaalinaysaa murugada haysatana way is diidsiinaysaa, waxaa kaloo ka mid ahaa haweenka hablo ilaa 7 ah oo da’doodu ahayd 15 – 16 jir, waxaase aan dib ka ogaaday gabdho kale oo 6 ah oo da yar, 21kii bishana lagu xukumay in Kakuma dib loogu celiyo iyana markaas ku jira qol ka mid ah kan xabsiga ku yaala maxkamadda, ragga markii maxkamadda la soo joojiyey waxay wada ahaayeen dhalinyaro tiradooduna waxay ahaayeen 9.
Qaadigii maxkamaduna weli masoo fariisan waase diyaar, waxaan dhex qaaday dadkii maxkamadda fadhiyey waxaan u tegey maxaabiistii oo ay ugu sokaysay hooyo Haawo Abdi oo ilmo yar oo 5 jir ah wadata, waan salamay inay nabad qabaan bay ii sheegeen, Somali haween ah imisaad ku jirtaan xabsiga ayaan waraystay, waxay ii sheegtay inay badan yihiin oo ay jiraan dad looga soo tegey xabsigii weynaa ee dadku ku xirnaa, anigoo u beer qaboojinaya ayaan ku iri hooyo iska samir waad ka bixi doontaan mar dhow goobtaan ciriiryoonne.
Waan ka gudbay wiilashii ayaan u gudbay oo laba laba gacmaha la isugu xiran katiinad, labadii ugu sokeeyey waxay ahaayeen Cabdinoor Axmed Maxamed iyo Cabdnoor Saciid, waxaa kaloo agtaanaa Axmed C/laahi Maxamed, Cabdinoor Axmed Maxamed ayaan si fiican isu garanay, waanan salaamay, inkastoo aan dhamaantood is wada baranay, waxayna ii sheegeen inay caafimaad qabaan, anigoo weli la hadlaya maxaabiistii ayaa askari igu yiri ka bax meesha waanan yeelay oo waxaan ku noqday goobtii ay fadhiyeen dadka dadkoodu ugu yimid inay dhegaystaan eedaha dadkooda loo haysto.
Maxakmaddii ayaa furantay waxaana la bilaabay kiisaskii dadkii Kenyanka ah ee aan diirka Soomaalida ah lahayn saacaddu markay ahayd 9:30 subaxnimo, waxaan fadhinay goobtii ilaa laga gaaray 1dii duhurnimo oo 15 daqiiqo dhiman, dadkayagii Soomaalidana aan qof keliya dacwadiisii la furin, intaas dadka Somalidu goobta taagnaayeen caruurtu way ooyayeen, cidinima uma ogolayn inay waxay cunaan iyo biyo toona la siiyo.
Waxaana naloo sheegay in maxkamaddu xiran tahay dibna loogu soo noqonayo 2 duhurnimo, maalinimo jimce ah ayey ahayd 22ka Janaayo, waxaan go’aansaday inaan soo tukaddo, salaadii jimce ayaan soo tukanay, anniga iyo 3 nin oo kale oo dadkoodu kaga xirnaayeen meesha ayaa tagnay oo magaaladda ayaan cuntooyin fudud, biyo iyo cabitaanno uga doonay waxaanan ugu gaynay qolalkii xabsiyadda Maxkamadda gudaheeda ku yaalay, dumarkii ayaa soo horeeyey qolkoodii waxaanna waraysanay xaaladahooda, inay ay cid ka mid ahi sharci leedahay.
Waxayse noo sheegeen inay dhamaan yihiin qaxooti oo qaarkoodna ay haystaan kaadhadh qaxooti qaarkalena ay uga yimaadeen xeradii ay u socdeen, haweenka wejiyadooda ayaad ka dheehannaysaa murugadda iyo silica ku haysta xabsiga oo noloshiisu tahay cadaab aduun.
Waayo dadkaani ma ahan denbiilayaal ee waa dad guryahoodii uga soo cararay inay nabad gelyo helaan, ma lahan saxo iyo hab nadaafadeed oo wanaagsan, cunto fiican lama siiyo, waa goob qofkii xoog badani kuwa kale ku baaddo, askatuna qofkii wax siiya ayey wuxuu u baahan yahay haduu lacag haysto u soo iib iibiyaan hadaysan markaas kaba qaadin oo ka dhicinba, waxayna dhamaantood si qiiro leh noo waydiiyeen waxan u qaban karno, tanise waa su’aal aanan jawaab u hayn, waayo in gabdho Soomaaliyeed xabsi silicaas leh lagu hayo qof damiir ku jiraa saacad ma aqbaleen.
Waxaan xasuustay hadal ay dhihi jireen dadkii Somalida ah ee wax bartay oranayeyna “wadan hadaad rabto xadaaradiisa iyo ilbaxnimadiisa waxaad booqataa xabsiyadiisa” dabcan waxaa ii cadaatay in wadankaan Kenya uusan ahayn goob ay xadaarad iyo ilbaxnimo ka jirto markaad aragto duruufahay ku nool yihiin dadka xabsiyadooda ku jiraa.
Annigu markaan salaadii Jimce soo tukaday waxaan horay u soo qaaday cabitaanno, cuntooyinkii markaas aan heli karayey waxaanan door biday intaan maxkamadii mar kale la soo taagin bal inaan u sii geeyo dadka xiran si ay nafta ugu celiyaan, waxaan ka soo galay irid danbe oo maxaabiista qolalka lagu hayo laga soo galo intay maxkamadda gudaheeda ku sugan yihiin, markaan damcay inaan hoos ugu dagaan dago ayaa waxaa I celiyey laba askari oo ka tirsan waardiyayaasha, waan u sheegay inaan cunto u wado dadka maantoo dhan maxkamadda taagnaa caruurta iyo haweenka uurka lihina ku jiraan, igamayse garaysan, nin oday ah oo markii ila socday ayaa igu yiri waxay rabaan waxa la yiraahdo “Kiti kidogo” oo loola jeedo wax yar iska bixi si aad ugu gudubtid dadkaaga, taas kamaan yeelin.
Waxaan u sheegay inaan ahay weriye aanna xaq u leeyahay inaan arko dadka xiran, hadday cuntadda iyo biyaha u diidaanna aan dacwoon doono, adigu is jiid jiid badan ka dib waan galay, waxaan ku horeeyey qaybtii haweenka markay isha nagu dhufteen ayey oohin la wada daateen.
Waxaase iigu darnayd markaan arkay gabadh yar oo 5 jir ah oo siday uga dhex ooyeysay xabsiga indhihii u ekaadeen xijir, ka darane hooyadiina waa ka dul ooyeysaa, ma ilmahaad amusiisaa mase hooyada, “waa arrin anfariir leh” waxaan isku dayey inaan dejiyo anigoo u sheegaya inay meeshaan ka bixi doonaan ayna arintaani tahay iska imtixaan Alle ayna samraan, markastana ay Rabigii abuurtay xasuusnaadaan iyagoo baryaya,.
Arrintaasi xoogaa way dejisay waxayna soo gelisay nolol iyo rayn rayn, wixii quud ahaa ee aan siday ayaan dariishad biro ku xiran yihiin uga dhiibay, anagoo kala war qaadashadii aan dhamaysan ayaa askari dhabarka I qabtay banaankuuna ii soo tuuray, waxaanan soo aaday goobtii maxkamadda oo aan soo galay 2:10 duhurnimo, weli qaadigii ma soo fadhiisan, dadyow kalena waa soo galeen oo malaha dacwooyin uga socdeen goobta, waxaa kaloo la soo geliyey maxakamadii eedaysanayaashii Soomaalida ahaa mar kale rag iyo dumarba.
Saacadu markay ahayd 3:20 galabnimo ayuu qaadigii soo fariistay mar kale, wuxuuna sidii subaxddii oo kale bilaabay dacwadihii dadka aan Soomaalida ahayn, arrintii noogu yaabka badnaydse waxay ahayd markii haweenay saancade ah (reer Yurub) oo malaha degan magaaladda Nakuru ay timid maxkamadii 4 galabnimo, iyadoo loo haystay kiis ahaa inay 2 Eey oo dhal ah beer lagu xanaaneeyo Eeyaha ay ka xaday.
Waxaana markiiba loo furay kiiskii Eeyaha wuxuuna qaatay in loo akhriyo dacwadeedaas muddo ka badan hal saac iyo badh, iyadoo saacadiina isku taagtay 6dii makhribnimo, waxaana naloo sheegay in wakhtigii dhamaaday dhegaysigii dacwaduhun xirmeen, dadka harayna Isniinta la soo celiyo, wakhtigaas cid aan dadkii Soomaaliyeed ahayni ma taagna maxkamadda oo dadkii kale kiisaskoodii waa lawada dhegaystay.
Ka waramma Soomaaliyeey haddii dacwad Eey la xaday ay ka qiimo badan tahay maanta maatadeenii iyo caruurteenii oo maalin dhan maxkamad taagan iyagoo aan xitaa loo eegayn inay yihin dad bani’aadam ah, iska dhaaf inay yihiin haween iyo caruur.
Anniga iyo intii markii Soomaalida ahayd ee dadku kaga xirnaayeen goobta madluun iyo uurku taallo ayaan kala baxnay, banaanka maxkamadda ayaanan isugu tagnay, maxaan yeelaa iyo talo ayaa la is warsaday, nin ragii ka mid ah nalana joogay ayaa yiri “dacawadda dadkeena la furi maayo ilaa ninka xooghaya maxkamadda ah u gayno laaluush”, maalintaan joognaa waa gabal dhacii maalinimo Jimce ah, todobaadkiina waa nagu dhamaaday, dadkun ay ku jiraan xabsigii ay ka boholyoobayeen ilaa todobaadka danbe. Tallose waxay nagaga af beeshay in Isniinta subaxeeda la soo kalaho.
Annigu waxaan markiiba arkay naag maxkamadda fadhiday oo ahayd Qareen una doodaysay dad kiisas loo haystay, iyadii baan salaamay, waxay ii sheegtay magaceedda “Mary Nyanga” ayeyna isug kay sheegtay, waan is baranay inaan ahay weriye Soomaaliyeed ayaan isu sheegay rabanna inaan wax ka ogaado kiisaska dadka Soomaalida ah ee xiran, waxaannan ka dalbaday inaan kala sheekaysto arrintaas, horay ayey ii sii qaaday oo gaari ay wadatay ayaan wada raacnay, ilaa aan la tegey gurigeedii oo koonaha magaaladda ahaa, qol fadhi ayey I gaysay halkii ayaan qadar saacad ah isku waraysanay.
Waxay ii sheegtay in dhamaan wixii kaadh qaxooti leh iyadu u doodi doonto iyadoo cuskanaysa qodob ka mid ah sharciga Kenya oo ogolaanaya in qofkii loo diwaan geliyey magangeylo doon aan lagu xad gudbi karin, kuwii aan lahaynse wax aqoonsi qaxootinimo ay adagtahay inay wax u qabato, waxaan kaloo kala sheekaystay caruurta iyo haweenka uurka leh ee ku jira xabsiga.
Waxayna ii sheegtay in caruur in la xiro ay sharci darro tahay qaanuunka Kenya, kaasoo qeexaya qofkii ka yar 18 jir inuu yahay caruur, laakiin waalidkoodii haday xiran yihiin aysan jirin goob ay uga tagaan taasina tahay sababta keentay inay caruurta xabsiga ku jiraan, waxaanse ku balanay in ay kiisaskayaga ay gasho oo qareen ka noqoto, balantuse waa Isniinta oo laba maalmood inaga xigto.
Waxaan sameeyo ma aqaan hadalkiina intaasuu nooga xirmay, waxayna ii sheegtay inay dib iigu celinayso oo i gaynayso magaaladda, qolkaan fadhinay ayaa waxaa soo galay warkii oo aan dhegaha iyo isha u la sii raacay waa TVgii Aljazeera qaybta Englishka qodobkii ugu horeeyey wuxuu ka dhigay “heavy fighting between Alshab and Ahlu sunna erupted in Central Somalia” anniga ilmo ayaa iga soo daadatay, naagtii qareenka ahayd dareentay in ay wax si iga noqdeen, waxayse u qaadatay in aan ka ilmeeyey dadka iga xiran iyo siday maxkamadii maantu ula dhaqantay dadkii masaakiinta ahaa ee 12 saacadood in ku dhow maxkamad taagnaa oo xitaa aan kiiskoodii hal qof laga fiirin.
Waxayna igu tiri iska samir way iska dhamanayaan dadkana waa la idin sii daynayaa, annigase oohintaydu taas ma ahayn, waa qaybahaan ku dagaalamaya bartamaha Soomaaliya oo ururo Muslimiin ah, lehna diinta Islaamka ayaan u gargaaraynaa iyo dabkay holcinayaan siduu u silciyey maatadoodii, iyadoo laga yaabo kuwa dagaalka ku jira hooyooyinkood ama walaalohood inay ka mid yihiin dadkaan xabsiyada lagu ururshey ee habeen iyo dharaarba aan ilmadda kala daynayn.
Magalada bartamaheedii ayaan isaga noqday, markii salaadii cishaha la tukaday ayaan xogaa rag door ah oo dad ka wada xiran yahay is helnay oo qaarna markaas ay sooba galeen magaaladda, waxaanna gudoonsanay bal beri oo sabti ah in aan isu raacno xabsiga oo magaaladda Nakuru buur waqooyi ka xigta hoosteeda ku yaal,
Waagu markuu beryey ayaan is helanay 4 nin oo kale gaari taxi ah oo wiil Soomaaliyeed wado ayaan qaadanay, xoogaa cuntooyinna horay baan u sii gadnay, markaan iridii xabsiga tagnay waxaa nalaga reebay dhamaan sharciyadii, sidoo kale cuntadii ayaa nalaga diiday inaan u gayno maxaabiista, waxaanna uga tagnay iridii, waa xabsi weyn markaan qiyaasay waxaa ku jira ilaa 3 kun oo maxbuus. Inkastoo markii danbe taliyaha xabsiga Mayjor Odeobo Olingo ii sheegay in tirada maxaabiista ku jirtaa tahay 2100 qof, raggii Soomaaliyeed ee meesha ku jiray oo ilaa 19 noqday ayaan is aragnay, xaladahooda iyo duruufahoodana aragnay, “waase meel hoo u baahan hadal wax kama taro”.
Ragaani waxay il naxariiseed kuugu eegayaan bal hadalka kaa soo baxa inay ku jiraan wax erey ku saabsan in la sii daynayo iyo in kale, waanse isaga niyad qaboojinay inay rajadu fiican tahay baanan u sheegnay.
Maalinimadii Isniinta ayaa la gaaray, waxaanan ku kalahay maxkamadii 7 subaxnimo, waxaan tegey iyadoo aan weli cidina imaan, qareenaddii oo aan ka qaatay numberkeedii taleefoon ayaan wacay una sheegay inaan sugayo, 40 daqiiqo kadibna way ii timid, waxaanan gudda galnay sidaan u wajihi lahayn maanta iyo maxkamadda, waxay markiiba la soo booday in qofkii ay u doodaba ay ka rabto lacag 10 kun oo shillin ah, waa lacag u dhiganta $150, annigu waddo kale iima furna waa yahay ayaan la soo booday, markaas lacag waxaa iiga culus in dadkaygu helaan xoriyad.
Waxay kaloo ii sheegtay in xooghaynta maxkamadda la siiyo lacag 5000 ah si uu kiisaskayaga horay ugu soo mariyo dibna ugu dhigin, waanan yeelnay, maalintaas way nooga duwanayd maalintii hore, markii maxkamaddu bilaamantayba kuwayagii ayaa lagu hor maray, iyadoo caruurtii naloo fasaxay oo ay ku jiraan 7 gabdhood oo ka yar 18 jir kadib markii lagu xukumay inaysan qaan kaar ahayn, laakiin naloo sheegay in la gaynayo saldhiga booliiska si bus loogu saaro xeradda qaxootiga ee Kakuma oo ka tirsan gobolka Rivty Valley.
Waxaanse u aragnay niyad sami iyo talaabo aan horay u qaadnay, waxaa kale oo naloo xukumay intii aan haysan sharciyadda ay wadanka ku jogaan iyo kuwii haystay kaadhadha qaxootiga oo lagu xukumay 10 kun oo shilin oo ganaax ah iyo 2 bilood oo xadhig ah oo aan la iibsan karin.
Koley sharciyan markaan qareenka la tashanay ma jirto qof ganaax iyo xadhig maxkamadi isugu darto, waase qalin qof diirkaaga necebi gadaal ka haysto, waxaanse goosanay markaan la tashiyo qareenkayagii la samaysanay in aan racfaan ka qaadano xukunkaan una gudubno maxkamadda sarre si bal 2da bilood ee xariga ah nalooga jaro taasoo ilaa maanta oo taariikhdu tahay 28ka Janaayo 2010 aysan dhinac u dhicin.
Waxaana weli ku xiran xabsiga magaaladda Nakuru 17 qof oo lagu xukumay arintaas isuguna jira rag iyo dumar waxaa kaloo jira dad kale oo dib laga keenay lagana soo qabqabtay goobo kale iyagana aan weli cidiba keenin maxkamad.
Dhibaatadda dadkaas haysata yaa u maqan, masuulse yaa ka ah,
Guud ahaan dadka wakhtigan ku xiran Kenya waxay ka badan yihiin 800 oo qof siday sheegtay waaxda socdalku, goobo kala gedisan ayaana lagu hayaa, waxayna qabaan dhibaatooyinkaas aan soo sheegnay iyo kuwo ka sii daran.
Masuuliyadeeda yaa leh.
Dhamaan inta hogaamisa ummadda Soomaaliyeed, ka soo bilow Somaliland weligiinba ku jira waan madaxbanaanahay, Soomaaliyana 1991kii ayaan ka go’any iyo aqoonsi baan sugaynaa dhalanteed ah oo goor ay dhamaanayso la ogayn, waa ka qayb dadkiinii kuwa dhex jiifa jeelasha, ku xiji Puntland idinkuna durbaan garaacda shidaal baan qodanaynaa, marba ajinebi cad iyo mid madowba dhegta ha idinku sheego wax aan sal lahay iyo dadka koonfur ka yimid ayaa amaankeenna khalkhalinaya, Galmudug iyo Ahlu Sunna waxaad ligligga haysataan oo dhaafiwaydeen Khawaarij diinta bedelaysa ayaan jihaad kula jirnaa, Shabab iyo xisbul Islaam Soomaalidaani goormay cararka daynaysaa dagaaladaad hurinaysaanna ay ka dhamanayaan ma markaad xoraysaan London iyo New York, iyo ugu danbayntii dawladda federaalka ah iyadana ma waxaan sugnaa 2020 (laba kun iyo labaatanka) markaad Muqdisho wada qabsataan. Dhamaan waa idinka kuwa baday maatadiinii iyo in lagu ilahaanayso oo lagu bahdilo jeelasha Kenya iyo dhamaan kuwa caalamka, aanse aragno markaad heshaan abaalkoodda oo dadka Soomaaliyeed idin dhihi doonaan “Moqoraysta waa taad arladda madhax u diideenne”.
Yaa u maqan dadkaan?
Dhamaan dadkaan xir xiran cid u maqani ma jiro, dawlad, hay’ad caalamiya iyo cid kaleba, waa dhibanihii aan dhawrto sugayn.
Waxaa qoray Wariye Soomaaliyeed:
Maxamed Xasan Cirro
Kayse25@hotmail.com
as waa wax aad loga murugodo iin uumada soomaaliyeed siidda loo galo lknse waxaan uu maleenaa yaa iin ay iyada is dhiigtay ila heerkaas iin sharaftooda loga qaado xata xiildhibanadi waalagu daray ciid la cafiyeey ma jirto ee inta fakartaan soomaliyeey markaliya waxaa isku daydaan baal qaqyb ka mid ah sharaftiina inaad soo ceeshataan waa bilaahi towfiiq
walaahi waa wax laga naxo in maatadeena lagu xasuuqo kenya xabsiyadeeda aan xataa wax yar oo diir nax ah loo samayn xitaa african nimo somalidana kuma jirto inay iska saaraan dhibaatada oo heshiiyaan oo waxay ku jirta qabyaalad somalia ilaahay waxaan uga baryaya in ay noqdaan dad midaw oo hal calan samaystaan ayna ka baxaan qabyaalda iyo gooni goonida aad ayaan uga il meeyay markaan akhriyay maqaal kaan walaahi waa wax lago naxo in sidaa lanoo la dhaqmo oo aan aan somalidana ay san wax fakar ah kasamayn arintaa oo aanay unaxay maxas tooda ilaahay haka soo daayo galada dadkeena ilaahayna hana mideeyo
AS wr wb
Waligey maqaal aan aqriyo oo aan ilmeeyo madhicin kan kahow. Soomaaliyeey waad ujedaan dhibka nahaysta meel kasta oo aan dunidaan kajogno Afrika, Asiya; EU & USa, Mana jireyso meel dalkeeni noo dhanta, ee walaalayalow aan gacmaha aan is qabsano oo duliga aan kabaxno. Waxaan amin sanahay in manta la jogo waqtigii SYL oo kale, aan umidoono sidii caada qatayaasha aan iskaga qaban lahayn. Dadkaas walaalahayagana aan u gargarno oo Horseedmedia ha u furo ACC aan wax ugu soo dirno.!!
arinta inoo sheegay wariye Maxamed Xasan Cirro
waa runtiis lakiinse kuwa maanta somaalya oo sidaan u ildaran kusii dhax dagaalmayo ayaa aad uga xun kuwa dalka dibadiisa jooga waxaan oran lahaa iteey u qaxayaan daleesan laheen waxaa u dhaamo ineey dalkooda ku dhintaan taasana uga sharaf badan ituu sawaaxili xun oo jareer ah ku tuman lahaa ilaah u toobad keena oo iska daaya dagaalkan sukeeye somaali halaag weey ka dharegtay oo ciil aduuyo uma dhino itaad mucaaradka iska deesan u hogaansama qof ale qofkii somaali hogaamin karo ha u hogaansamaan ayaan oran lahaa doowlad xun wexeey dhaanta dowlad la aan dadkii hore ayaa oran jiray ilaah dhulkiina ha idin jecleeysiiyo ayaan idin leeyahay amiin
MAHAMED hASSAN SALAAN SARE HORTA WAA DAREEMAYAA WAX AAD IDHAH SAARTEY WAANA nASIIIB XUMO SOMALI OO DHAN HEESTA ILAAHAY WAXAAN KA BARYEY INAY AQRIN LAHAYEEN KUWA KU DAGALAMAY SOMALI AMA AY LAHAN LAHAYEEN DAREENKA SOMALINIMO AAD LEEDAHAY WAXAAN HUBAA BBC SOMALI & AMA VOICE OF AMERICA QEYBTA SOMALIGA MA RABAA INAY WAXAAS DADKA U SHEEGAAN DAGAAL DADKA NAIROBI KENYA AMA SOUTH AFRICA DHIB OO SOO GAARSEEYE DADKAAS MAR LABAAD WAA MAHADSAN TAHAY MAHAMED HASSAN
WAR HEEDHE DADKA IYAGAA ISU MAQAN. ANIGU WAA KU FARAXSANAHAY IN SIDAA IYO SI KA DARAN LOO GALI. DADKA WAA INAY ISKA DHICIYAAN TUUGADA QABYAALADDA IYO QURAANKA KU QARAABANAYA SIDA ASHABAAB IYO XIBU ISLAAM IYO KUWAN BAARLAMAANKA DHEXFADIYA EE LAGA HARSAN YAAYEY WADAADADA KA HOROW QABANA DHIIGA SOOMAALI BADAN.